Posts

Showing posts from January 5, 2020

Sookoobidda iyo Falanqeynta buugga Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu shaqaysaa?”

Image
Hordhac Buuggan Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu shaqaysaa?” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay 1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha Rich Global LLC iyo the  Rich Dad Company , iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Qoraagu wuxuu caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Wuxuu qoray buugaa badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray waxa ugu caansan buugga ‘ Rich Dad and Poor Dad.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financial IQ’ iyo ‘ The Businness of 21 st   Century.’ Buuggu wuxuu ka koobanyahay afar qaybood oo baaxad wayn. Waxa soo hoosgala cutub ahaan 18 Cutub. Bog ahaan waa 248 bog. Gudaha Buugga Judha hore ee hordhaca wuxuu qoraagu wax ka taabanayaa sababta ugu weyn ee ardeyda ‘ A’ keentaa ugu shaqeeyaan ardeyda ‘ C’ keenta. Wuxuu ku doodayaa marka koowaad in ardeyda ‘ A’