INTA AANAD LACAG AMAAHAN KA HOR OGOOW ARRIMAHAN
Inta aanad qof lacag ka daynsan waa muhiim in aad niyadda ku haysid qodobbadan: 1- Amaahdu inta aanad qaadan ka hor waxa ay kuula muuqataa wax fudud, waayo waxa aad rabtaa in lagugu caawiyo lacag, waxa aanad ballanqaadaysaa in aad qofkaas u celin doontid lacagta. Haddaba dad badan marka ay lacag amaahdaan waxa ay lumiyaan saaxiibtinnimada, ixtiraamka iyo degganaanshaha maskaxda, waayo ma fahansana waxa ay xaqiiqo ahaan amaahdeen. Haddaba inta aanad lacag amaahan ogoow xaqiiqooyinkan: - Marka aad wax amaahatid xidhiidhku wuu isbeddelaa. Inta aanad qofka waxba ka amaahanin wuxuu kuu arkaa saaxiibkii, Laakiin marka lacag la kala qaato (ama amaah la bixiyo/qaato), wuxuu qofku kuu arkaa masuuliyad uu ka welwelo ama kaa sugayo in aad waajibkaaga ka gudato. Si kooban; qofka ka hor intaadan lacag ka amaahan, wuxuu kuu arkaa saaxiib caadi ah. Balse, marka aad lacag ka amaahato wuxuu sidoo ka...