INTA AANAD LACAG AMAAHAN KA HOR OGOOW ARRIMAHAN

 



Inta aanad qof lacag ka daynsan waa muhiim in aad niyadda ku haysid qodobbadan:

1-     Amaahdu inta aanad qaadan ka hor waxa ay kuula muuqataa wax fudud, waayo waxa aad rabtaa in lagugu caawiyo lacag, waxa aanad ballanqaadaysaa in aad qofkaas u celin doontid lacagta. Haddaba dad badan marka ay lacag amaahdaan waxa ay lumiyaan saaxiibtinnimada, ixtiraamka iyo degganaanshaha maskaxda, waayo ma fahansana waxa ay xaqiiqo ahaan amaahdeen.

 

Haddaba inta aanad lacag amaahan ogoow xaqiiqooyinkan:

-         Marka aad wax amaahatid xidhiidhku wuu isbeddelaa. Inta aanad qofka waxba ka amaahanin wuxuu kuu arkaa saaxiibkii, Laakiin marka lacag la kala qaato (ama amaah la bixiyo/qaato), wuxuu qofku kuu arkaa masuuliyad uu ka welwelo ama kaa sugayo in aad waajibkaaga ka gudato. Si kooban; qofka ka hor intaadan lacag ka amaahan, wuxuu kuu arkaa saaxiib caadi ah. Balse, marka aad lacag ka amaahato wuxuu sidoo kale ka fekeraa goorta aad dib u celin doonto, sidaas darteed wuxuu kuu arkaa mas’uuliyad.

-         Xitaa haddii qofku uusan waxba ku odhan, wax baa iska beddela maskaxdiisa. Mar kasta oo uu ku arko, waxaa maskaxdiisa ka soo bixi karta su’aal yar: ‘ Goorma ayay lacagtaydii ii soo noqonaysaa?’

-         Lacagtu waxay leedahay awood ama hab ay ku beddesho sida ay dadku isu arkaan ama ula dhaqmaan. Lacagtu mararka qaarkood waxay beddeshaa qaabka xidhiidhka dadka.

2-   Amaahda lacagtu waxay keeni kartaa culays iyo feker qarsoon oo saameeya xidhiidha dadka: Xitaa haddii qofka lacagta amaahiyay uu samir badanyahay qofka amaahday badanaa wuxuu dareemaa cadaadis. Wuxuu bilaabaa inuu ka fogaado wicitaannada (telefoonnada) qofkaas. Wuxuu dareemaa raaxodarro marka uu arko. Xitaa wada hadalladii caadiga ahaa waxay u muuqdaan kuwo ka duwan sidii hore. Walwalka maskaxda ee la xidhiidha lacag ama amaah ayaa mararka qaarkood ka culus lacagta lafteeda.

3-   Inaad amaahato lacag adiga oo aan haysan qorshe cad oo aad ku bixinayso waa arrin khatar ah: Dad badan waxay lacag amaahdaan lacag iyaga oo kaliya rajaynaya, balse aan lahayn qorshe cad. Waxa ay yidhaahdaan: “ Waan heli doonaa” ama “Wax baa iman doona.” Rajo kali ahi ma aha qorshe ama xeelad lacagta lagu bixin karo, haddii uusan lahayn il lacag oo cad ama qorshe lagu bixinayo lacagta, dhibaatadu waa dib u dhac kaliya, balse ma dhammaanayso.

4-   Inaad lacag si joogto ah u amaahataa waxay dhaawici kartaa sumcaddaada: Haddii qof caan ku noqdo inuu mar walba lacag amaahdo isla markaana ku dhibtoodo bixinteeda, kalsoonida lagu qabaa si tartiib ah ayay u luntaa. Fursaduhuna way baaba’aan. Sababta oo ah sumcadda qofka ee la xidhiidha lacagtu waxay ku faaftaa si ka dhaqso badan inta aad u malaynayso.

 

Akhristaha qaaliga ah;

Lacag amaahasho mar walba ma aha qalad. Mararka qaar waxa ay dadka ka caawisaa inay ku badbaadaan waqtiyo adag ama ay fursad kaga faa’iidaystaan. Balse, waa in si taxaddar leh, mas’uuliyad leh, iyo maskax furan loo sameeyaa. Sababta oo ah marka lacag ay gasho xidhiidh, wax walba oo ku xeeran waxay noqdaan kuwo ka dareen badan. Ma u malaynaysaa in amaahda lacagta saaxiibbada inta badan si wanaagsan ku dhammaato?

Farriin guud;

Amaahdu waxay noqon kartaa xal, laakiin waxay u baahan tahay qorshe, mas’uuliyad, iyo taxaddar si aysan u dhaawacin xidhiidhka dadka u dhexeeya.

 

W/Q: Alfachemistry ( The Prince of Closing), Facebook Page.

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

15 Maarij, 2026

 

 

 

 


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

15 XEER EE NIN RAGEEDKA