Posts

Showing posts from May 10, 2026

8 Calaamadood oo muujinaya in shaqada aad haysaa dibudhac kugu tahay oo si tartiib tartiiba gadaal kuugu waddo

Image
   1-       In ka badan inta aad shaqo faraha ku haysid waxa aad fiirisaa saacadda: Inta aad shaqada ku jirtid waqtigu wuu kugu dheeryahay oo waxa ay kuula muuqataa shaqo aan weligeed dhammaanayn. Daqiiqadkastaa daal iyo culays bay kugu tahay. Markaa ma dhisanaysid mustaqbal shaqo ama xirfad, balse waxa ad u nooshahay sidii qof ciqaab xabsi daa’im ah ku jira. 2-     Niyaddaada ama qalbigaagu shaqadan wuu ka tagay waqti hore, balse kaliya jidhkaaga ayaa weli jooga : Waxaad soo kacaysaa adiga oo daallan — ma aha shaqo adag darteed, balse waxa aad iska dhigaysaa inaad danaynayso wax aan wax micne wayn kuu lahayn. 3-     Waxaad shaqooyin kale codsatay marar badan: Shaqooyinkaas badan ee aad codsatay waxa aad kala kulantay jawaab la’aan, diidmo, iyo in laguu  aamuso. Hadda waad iska joojisay isku daygii. Rajadii si tartiib ah ayay kaaga dhammaatay, dabadeed hal mar ayay gebi ahaanba u baxday. Waxaad aqbashay in tani ay t...