8 Calaamadood oo muujinaya in shaqada aad haysaa dibudhac kugu tahay oo si tartiib tartiiba gadaal kuugu waddo

  


1-     In ka badan inta aad shaqo faraha ku haysid waxa aad fiirisaa saacadda: Inta aad shaqada ku jirtid waqtigu wuu kugu dheeryahay oo waxa ay kuula muuqataa shaqo aan weligeed dhammaanayn. Daqiiqadkastaa daal iyo culays bay kugu tahay. Markaa ma dhisanaysid mustaqbal shaqo ama xirfad, balse waxa ad u nooshahay sidii qof ciqaab xabsi daa’im ah ku jira.

2-   Niyaddaada ama qalbigaagu shaqadan wuu ka tagay waqti hore, balse kaliya jidhkaaga ayaa weli jooga: Waxaad soo kacaysaa adiga oo daallan — ma aha shaqo adag darteed, balse waxa aad iska dhigaysaa inaad danaynayso wax aan wax micne wayn kuu lahayn.

3-   Waxaad shaqooyin kale codsatay marar badan: Shaqooyinkaas badan ee aad codsatay waxa aad kala kulantay jawaab la’aan, diidmo, iyo in laguu  aamuso. Hadda waad iska joojisay isku daygii. Rajadii si tartiib ah ayay kaaga dhammaatay, dabadeed hal mar ayay gebi ahaanba u baxday. Waxaad aqbashay in tani ay tahay shaqadaada caadiga ah.

4-   Ma haysatid kayd aad ku tiirsanaato, ama sanduuq ama cid aad ku baxsato: Ka tagista meesha aad joogto waxay kula muuqataa wax aan suurtagal ahayn. Sidaas darteed waad sii joogaysaa. Waxa aad ku dhex xanniban tahay laba dareen: cabsi aad ka qabto waxa aan la garanayn, iyo nacayb aad u qabto xaaladda aad hadda ku jirto.

5-    Maamulahaagu kuma ixtiraamo: Shaqaalaha kula shaqeeya kuma dhiirrigeliyaan. Shaqaduna kuma siiso caqabad ama horumar aad maskax ahaan ugu kortid. Waxa aad noqotay qof keliya mushahar qaata, adiga oo dareen ahaan madhan ama aan nolol fiican ku jirin. Waxa ugu xunna waa inaad aamintid inaadan u qalmin wax ka wanaagsan shaqadan aad hadda joogtid.

6-  Waxaad guriga ku soo noqotaa adigoo aad u daallan, oo aan awood u hayn inaad qabato wax ka wanaagsan shaqadan aad ku soo daashay: Shaqadu waxay kaa dhammaysay tamartaada, ka dibna tamarta yar ee kuu hadhay waxaad ku bixisaa waxyaabo kaa mashquuliya ama kaa fogaynaya xaqiiqada dhabta ah sida isticmaalka telefoonka, wax cabbid, ama daawashada TV ga Wareeggaas ayaa mar walba soo noqnoqda oo xaaladdaas ayaad ku jirtaa. Waxa ad isu beddeshay qof dareen ahaan dunsan oo keliya wax uun cunaya, waqtigana iska lumiya.

7-  Dadku waxa ay ku leeyihiin: ‘Raadi wax aad jeceshahay’:
Way u fududahay iyaga inay sidaas yidhaahdaan. Laakiin adiga waxaa ku saaran biilal, korin carruur, iyo masuuliyado kale. Ma awoodid inaad si fudud u raacdo hammi ama waxa aad jeceshahay uun. Waxa aad u baahan tahay waddo dhab ah oo kaa saarta xaaladda aad ku sugantahay; ma aha hadallo dhiirrigelin ah oo keliya. Waxaad u baahan tahay qorshe cad oo tallaabo tallaabo leh.

8-   Xaqiiqada qadhaadhi waa ‘ ma jiro qof kuu imanaya oo ku badbaadinaya’:  Dallacsiintaas aad sugayso iskama iman doonto uun. Shaqada riyadaadu si fudud gacantaada uguma soo dhacayso. Waa inaad adigu dhisataa jidka aad kaga baxaysid xaaladda aad ku xanniban tahay, adiga oo weli ku dhex jira shaqadan. Baro hal xirfad mar. Codsi shaqo dirso. Marka aad shaqada ka baxdid shaqo qabso oo shaqee. Bilow horumarka naftaada. Hadda bilow.

 

W/Q: the Dark Mentor 2.0

Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere

May 14, 2026

 

Comments

Popular posts from this blog

15 XEER EE NIN RAGEEDKA

Muhiimadda Shaqada

Faallaynta Buugyaraha ‘ Wehel Jaceyl”