Posts

Showing posts from December 29, 2024

Sideed uga faa’idaysanaysaa sannadkan cusub 2025ka?

Image
    Waxa innoo bilowday sannad cusub. Waa sannadka 2025ka. Waxa fursad wayna in sannadkan kuu curtay, Alle mahaddii weliba caafimaad, nabad, iyo adiga oo balaayo ka badqaba kuu curtay. Waa nasiib aad dadka dheertahay, Allaha wayna eegayo sidaad uga faa’idaysatid. Waxa aan halkan ku soo koobi doonaa qodobbo aan isleeyahay qofkasta oo sannadkan 2025 u curtay waa u muhiim, wayna anfacayaan, inyar dhegaha iisoo yar jeedi, maskaxdana si wacan ugu dhuux: 1-      Cibaadada ku dadaal: Alle waxa ugu wayn ee uu innoo abuuray waa cibaadadiisa, sidaas darteed guud ahaan Cibaadooyinka ku dadaal. Salaadaha waqtigooda tuko, Sadaqada wixii aad awooddo bixi, Quraanka akhri, wanaaga dadka far, wax wanaagsan samee, guud ahaanna isku day in aad Alle raalligelisid, waxkasta oo cadhada Alle kuu keenayana iska ilaali. 2-     Akhriska qorshaha ku darso: Akhrisku waa quudka maskaxda, jadwal ka yeelo akhriska. Ku dadaal in aad wax akhridid. Akhri waxyaab...

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)

Image
  Hordhac   Waxa dhammaanaya sannad, oo waxa lagu jiraa maalmihii ugu danbeeyay sannadka 2024ka. Waa ila muhiim inaan dib ugu laabto sannadkaas galbaday. In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2024 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. ...

Ma laguu sheegay in sannadkii 2024 dhammaaday?

Image
#1 Ma laguu sheegay in sannadkii 2024 sii dhammaanayo, oo maantu ugu danbayso. Sannad tirsiga 2024 lihi taariikhda dib looguma arkayo. Sida waqtigu u socdo ayuu cimrigaaga iyo waqtigaaguna u socdaa. Maalin ba maalinta ka danbaysa noloshaadu dhinaca dhammaadka ayay usii durkaysaa.  Ma laguu sheegay in waqtigu waayadan sidii hore ka degdeg badanyahay oo aad mooddid in waqtigiiba barakada laga qaaday. Waqtigiiba Bajaaj ordaysa ayaad mooddaa. Degdegu waa barako la'aanta, waxkasta oo aan barako lahayn sidaasuu u qaddimaa. Imika sannadkii bil buu noqday, bishiina toddobaad bay noqotay, toddobaadkiina maalin buu noqday, maalintiina saacad bay noqotay, saacaddiina daqiiqado ayay noqotay, daqiiqadihiina sikinno ayay noqdeen. Waa barako la'aantee waqtigiiba wuu soo koobmay.  Ma laguu sheegay in waqtigu nolosha yahay. Bal joogso oo yara feker. Waqtigu waa nolosha. Marka dhinackasta laga eego waxa waqtiga lagu qeexayaa nolosha socota ee la noolyahay. Noloshu ma aha wax muuqata, sidaas si ...

Qiso ku anfacaysa!

Image
Markii aan 39 sano jirsaday waxa aan u guuray gurigayga oo ku yaalla Ingiriiska. Tani waa hadafkaygii ugu waynaa ee aan gaadhay ka dib muddo 7 sano ah oo aan nadiifiye ka shaqaynayay.  Marar badan waxa inna niyadjabiya waxa ay dadku innaga odhan doonaan marka aynu u sheegno waxa aynu ka shaqayno markaynu joogno dalalka Qurbaha. Anigu ma tixgelinayo waxa aad ka odhanaysid shaqadayda, mar haddii aan cuntadayda ku filanahay, biilkaygana iska dabbarayo oo biilasha bixinayo.  Haddii aad doonaysid in aad halkan oo kale gaadhid jooji lacagtan aad ku bixinaysid waxyaabo aan berri ku anfacayn, cabbitaan qaaliya, iyo in aad ka iibsatid dhar qaaliya.  Sannadkan,  shay kaliya ayaan dhar cusub soo Iibsaday, dhammaan dharka kale ee aan soo Iibsaday waxa ay ahaayeen Huudhaydh, waxayna ahaayeen dhar si wacan ii leeg.  I  aamin, in alla inta wax ku soo galayaan ee wixii ku soo gala qayb kaydsanaysid- haba yaraado  kaydkuye-  Waxa aad samaysanaysaa hanti kuu gaara....

Faallada buuga ‘ Ninkii ugu farxadda badnaa dunida’

Image
  Hordhac Buugan la yidhaahdo ‘ Ninkii ugu farxadda badnaa dunida ~ THE HAPPIEST MAN ON EARTH ’ waxa qoray qoraa Eddie Jaku . Wuxuu kaga warran sifooyinka ay leeyihiin dadka ugu farxadda badan dunidu iyo waxyaabaha gaarka ah ee ay sameeyaan. Qoraagu wuxuu buuga soo saaray sannadkii 2010kii. Nuxurka Buuga 1- Waxa jira waxyaabo badan oo lacagta ka qaalisan Way fududdahay in aad maskaxda ka dhaadhicisid in in lacagtu tahay shayga kaliya ee ugu qaalisan ama kaydka ugu muhiimsan ee bulshadu haysato. Lacagtu had iyo jeer waa mid ku meelgaadh ah, oo la mid ah waxyaabaha kale ee nolosha jira. Waa la helaa, waana la waayaa, balse intee in leeg lacaga ayaad rejaynaysaa haddaad heshid in aad farxad dareemaysid? Waxa jira waxyaabo badan oo lacagta ka qaalisan, waxyaabahaas waxa ka mid ah: -          Khibradda. -          Xidhiidhadhada wanaagsan -         ...