Hordhac
Buugan la yidhaahdo ‘ Ninkii ugu farxadda badnaa dunida ~ THE
HAPPIEST MAN ON EARTH ’ waxa qoray qoraa Eddie Jaku. Wuxuu
kaga warran sifooyinka ay leeyihiin dadka ugu farxadda badan dunidu iyo
waxyaabaha gaarka ah ee ay sameeyaan. Qoraagu wuxuu buuga soo saaray sannadkii
2010kii.
Nuxurka Buuga
1- Waxa jira waxyaabo badan oo lacagta ka qaalisan
Way fududdahay in aad maskaxda ka dhaadhicisid in in lacagtu
tahay shayga kaliya ee ugu qaalisan ama kaydka ugu muhiimsan ee bulshadu
haysato. Lacagtu had iyo jeer waa mid ku meelgaadh ah, oo la mid ah waxyaabaha
kale ee nolosha jira. Waa la helaa, waana la waayaa, balse intee in leeg lacaga
ayaad rejaynaysaa haddaad heshid in aad farxad dareemaysid?
Waxa jira waxyaabo badan oo lacagta ka qaalisan, waxyaabahaas
waxa ka mid ah:
-
Khibradda.
-
Xidhiidhadhada wanaagsan
-
Qofka oo yeesha ujeeddo.
-
In dadka si wacan loo
caawiyo.
Eddie wuxuu yidhi: “ Waxa jira waxyaabo badan oo dunida jira
oo aan lacag lagu iibsan karin, iyo waxyaabo aanay lacagi goynin.”
2- Berri way imanaysaa haddaad noolaatid
Dadku intooda badan way niyadjabaan, waayo waxa
dareensanyihiin in dhibaatadu ayna dhammaan. Way isxakameeyaan, waayo
hiigsigooda waxa ku hareeraysan waxyaabo yaryar halkii ay ku hareeraysnaan
lahaayeen sawirro waawayn ama waxyaabo waawayn.
3- Naxariista meelkasta
waad ka heli kartaa, xataa socotada
Haddii aad tallaabo qaaddid- xataa waxyar- waxa aad ogaan
doontaa in aanad kelidaa ahayn. Dhibaatada ugu wayn ee jirtaa waa in aynaan si
furan aynaan uga hadli karin nafaheenna, nolosheenna, iyo arrimaheenn.a Dunida
keli kuma tihid. Waxa jira dad ku caawinaya haddaad nugayl iyo jilayc
dareentid.
4- Saaxiib kaliya
‘ Shayga ugu wayn ee aad weligaa qaban kartaa waa in qof ku
jeclaado.’ — Erayadan ku celceli illaa inta aad rumaysanaysid in jacaylka iyo
saaxiibtinnimadu ay yihiin dawada ugu wanaagsan. Anigu arrintan waan
xoojinayaa, si gaara waxa aan ugu xoojinayaa dhallinyarada. Saaxiibtinnimo
la’aan dadku waa wax bala’aan. Saaxiibku waa qofka ku xasuusinaya in aad
nolosha ku raaxaysatid.
5- Waxbarashadu waa badbaadiyaha nolosha
Uma jeedo waxbarashada nidaamiga ah marka aan ‘ waxbarasho’ ka
hadlayo. Haa, waxbarashada nidaamiga ah ama caadiga ahi waa mid wanaagsan,
waana fursad wayn; balse barashada nolosha ayaa ka muhiimsan, oo ka adag.
Fahanka xeerasha dabeecadda bini’aadanka, aragtiyaha dunida, iyo barashada sida
aad dunida ula xidhiidhaysid, dhammaantood waa tusaalayaasha barashada nolosha.
In aad naf ahaan isku filnaatid iyo in aanad cidna ku tiirsanaanin ba waa nolol
wanaagsan.
Waxa laga yaabaa in aanad baddelin dunida, waayo taasi waxa ay
ka wayntahay awooddaada, balse naftaada waad baddeli kartaa. Isbeddelku waa
suurtagal,marka laga yimaad waxa aad aamisantahahay, balse wuxuu u baahanyahay habdhaqan.
Diyaarin: Library Mindset ( English)
Sookoobid: Cabdirisaaq Sandheere
Noofanbar, 2024
Comments
Post a Comment