Sideed uga faa’idaysanaysaa sannadkan cusub 2025ka?

 

 

Waxa innoo bilowday sannad cusub. Waa sannadka 2025ka. Waxa fursad wayna in sannadkan kuu curtay, Alle mahaddii weliba caafimaad, nabad, iyo adiga oo balaayo ka badqaba kuu curtay. Waa nasiib aad dadka dheertahay, Allaha wayna eegayo sidaad uga faa’idaysatid.

Waxa aan halkan ku soo koobi doonaa qodobbo aan isleeyahay qofkasta oo sannadkan 2025 u curtay waa u muhiim, wayna anfacayaan, inyar dhegaha iisoo yar jeedi, maskaxdana si wacan ugu dhuux:

1-     Cibaadada ku dadaal: Alle waxa ugu wayn ee uu innoo abuuray waa cibaadadiisa, sidaas darteed guud ahaan Cibaadooyinka ku dadaal. Salaadaha waqtigooda tuko, Sadaqada wixii aad awooddo bixi, Quraanka akhri, wanaaga dadka far, wax wanaagsan samee, guud ahaanna isku day in aad Alle raalligelisid, waxkasta oo cadhada Alle kuu keenayana iska ilaali.

2-    Akhriska qorshaha ku darso: Akhrisku waa quudka maskaxda, jadwal ka yeelo akhriska. Ku dadaal in aad wax akhridid. Akhri waxyaabaha aad xiisaysid. Waxa jirta buug laga qoray mawduucyada aad xiisaysid, buugtaas akhriso. Akhri maqaallada dhaadheer, maqaallada gaagaaban, sheekooyinka dhaadheer, sheekooyinka gaagaaban, sheeko xariirrada,  iyo guud ahaan waxkasta oo ogaalkaaga wax ku daraya. Waxyaabahaas akhriskoodu wuxuun buu kuu tarayaa oo waxbadan buu kuu kordhinayaa.

3-    Caafimaadkaaga ka warhay: Caafimaadku nolosha waa u muhiim, waana waxa qofku wax ku qabsan karo. Qofka caafimaadka qaba waxbadan ayuu qabsan karaa. Haddaba si aad caafimaadkaaga uga warhaysid isbaadh marmar, cunto wanaagsan cun, jimicso, socodka badi, waxyaabaha sonkorta leh iska ilaali, waxyaabaha duxda leh ha badsan. Guud ahaan caafimaadkaaga ka warhay.

4-   Baro oo ku xidhnow dad manfac leh: Waxa jira dad wanaagsan oo aakhiraadada iyo adduunyadaabaa wax kugu kordhinaya, oo ugu yaraan wax kugu taraya. Dadkaasi waa kuwa ku dhiirrigeliya, wax kuu sheega, ee dhinaca wanaagsan kuu wada. Dadkaas ku xidhnow, haddii aanad aqoon ama dadkaas ayna kaa agdhawayna baro oo raadso.

5-    Wax kaydso: Maadaama waqtigu socdo, marba marka ka danbaysana noloshu sii adkaanayso oo isbeddelayso waa muhiim in aad wax kaydsataa. Kaydku qofka wuu anfacaa. Wuxuu keenaa in qofku xilliyo adag ku badbaado. Tusaale ahaan, sannadkan 2025ka ayaad kaydsatay waxoogaa lacaga $1000. Qof ehelka ah baa xanuunsaday, wuxuu doonay inuu dhakhtar tago. Kaydkaagii $1000 waad ku maarayn kartaa xanuunkaa qofka ehelka ah ku timid. Se haddii aanad waxba kaydsan duruuftaasi way kugu adkaanaysaa, waxaanad u baahanaysaa gargaar degdega ah. Si haddaba aanad gargaar degdega ugu baahan wax kaydso.

6-   Waqtigaaga maaree: Waqtigu waa nolosha. Wax iska wayddii meesha uu waqtigaagu ku baxo. Halka waqtigaagu ku baxaa waxa ay sheegaysaa sida mustaqbalkaaga iyo maalmahaaga danbe u ekaanayaan. Ka fiirso meesha waqtigaagu ku baxayo.

7-    Ha isdhiibin: Waxyaabahaas oo dhami waxa ay u baahanyihiin tacab dheeraad, daal, soo jeed iyo hawlo badan oo isdabajoog ah. Shaqada ah, naso, se ha joojin. Waxa la yidhaahdaa guulaystayaashu waxa ay hawsha joojiyaan markay dhammeeyaan, se guuldarraystayaashu waxa ay hawsha joojiyaan markay daalaan Ha joojin markaad daashid, jooji markaad dhammaysid ee meeshaad u socotay gaadhid.

 

Dhawrkaas qodob ayaan idinka jeclaaday inaan naftayda iyo nafahiinnaba la wadaago. Waxa innoo ballana inaan ku dhaqanno, meel ku qoranno oo xafidno. Maalinta sannadkaasi dhammaado, maalintaas maalinteeda ayaynu sheekaysan INTII nool, insha Allah. Haddaad awoodo waxaan jeclaan lahaa in aad saaxiibkaa/saaxiibbaddaa, walaalkaa, walaashaa, waalidkaa ama ciddii kale eed jeceshahay la wadaagtid dhawrkan qodob, u dir ama cod ahaan ba ugu duub.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

01-01-2025

Comments