Markii aan 39 sano jirsaday waxa aan u guuray gurigayga oo ku yaalla Ingiriiska. Tani waa hadafkaygii ugu waynaa ee aan gaadhay ka dib muddo 7 sano ah oo aan nadiifiye ka shaqaynayay.
Marar badan waxa inna niyadjabiya waxa ay dadku innaga odhan doonaan marka aynu u sheegno waxa aynu ka shaqayno markaynu joogno dalalka Qurbaha. Anigu ma tixgelinayo waxa aad ka odhanaysid shaqadayda, mar haddii aan cuntadayda ku filanahay, biilkaygana iska dabbarayo oo biilasha bixinayo.
Haddii aad doonaysid in aad halkan oo kale gaadhid jooji lacagtan aad ku bixinaysid waxyaabo aan berri ku anfacayn, cabbitaan qaaliya, iyo in aad ka iibsatid dhar qaaliya.
Sannadkan, shay kaliya ayaan dhar cusub soo
Iibsaday, dhammaan dharka kale ee aan soo Iibsaday waxa ay ahaayeen Huudhaydh, waxayna ahaayeen dhar si wacan ii leeg.
I aamin, in alla inta wax ku soo galayaan ee wixii ku soo gala qayb kaydsanaysid- haba yaraado kaydkuye- Waxa aad samaysanaysaa hanti kuu gaara. Taasi waxa ay imanaysa haddaad daacad tahay, garanaysidna waxa aad nolosha doonaysid. Waan farxaa markaan eego waxyaabaha aan nolosha ka gaadhay.
W/Q: Frenez Space
Turjumaad: Sandheere
Comments
Post a Comment