Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)

 







Hordhac

 

Waxa dhammaanaya sannad, oo waxa lagu jiraa maalmihii ugu danbeeyay sannadka 2024ka. Waa ila muhiim inaan dib ugu laabto sannadkaas galbaday. In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo.

Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2024 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM.

Akhriska

Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado akhriya ayaan ku jiraa. Akhrisku xiiso gooniya ayuu ii sameeyaa, sannadkan dhammaaday ee 2024 na xiiso gaar ah ayuu ii lahaa. 

Buugaag badan ayaan akhriyay. Qaar ka mid ahi waa kuwan:

1-     10 Magac. Waxa turjumay Cabdixakiin Obsiiye, waxa aan akhriyay May, 2024.

2-    Xorriyadda iyo Dawladda Casriga ah, waxa turjumay Cabdicasiis Guudcadde. Waxa aan akhriyay Juun- Augosto.

3-    Islaamka iyo Cilmiga, waxa qoray Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil. Waxa aan akhriyay July- Sept.

4-   Barbaarteenna iyo Baraha bulshada, waxa turjumay Cabdixakiin Obsiiye. Waxa aan akhriyay Oktoobar 2024.

5-    Hantida Qaramada, waxa turjumay Mustafe Sharmaake, waxa aan akhriyay Sept- Dec. 2024.

6-   Darka Anshaxa: Waxa turjumay Cabdijaliil Muhandis.

7-    ' Understand your Potential~ Garo Awooddaada”- Faallana waan ka qoray MYLES MUNROE.  Faallana waan ka qoray.

8-    ‘ Attitude Is Everything ~ Habdhaqanku waxkasta isagaa ka mudan” Waxa qoray Jeff Keller. Faallana waan ka qoray.

9-   ‘ HE HAPPIEST MAN ON EARTH~ Ninkii ugu farxadda badnaa dunida” Waxa qoray Eddie Jaku. Faallana waan ka qoray.

10-        ‘ The Power of a Positive Mindset ~ Awoodda Si Togan u Fekeridda’ waxa qoray Jason Wolbers. Faallana waan ka qoray.

11- " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character" waxa qoray David Brooks.

12-         “ How Rich People Think~ Sidee hantiilayaashu u fekeraan?’ waxa qoray Steve Siebold. Faallana waan ka qoray.

13-         How To Lead Smart People~ Sideed u Hoggaaminaysaa Dadka Caqliga Badan.” Waxa qoray Arun Singh iyo Mike Mister. Faallana waan ka qoray.

 

Qoraalladayda

Sannadkan marka akhriska laga yimaaddo qoraalka isbeddel badan ayaan ka sameeyay. Sannadkan qoraalka guud ahaan aan sameeyay ma badna, se waxoogaa wuu jiraa, oo qoraallo waan qoray. Waxa aan ka xusi karaa:

-         Safarkaygii Magaalada Goday 2024.

-         Bandhiga Buugta Goday 2024.

-         Shaqada joogtada ah iyo adoo wax suga uun midkee waxtar leh?

-         Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

-         MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

-         Xifaaltanka iyo Colaadda Bilaashka ah ee Shaqaalaha Isku xirfadda ah ee kala Shirkadaha ah!

Qoraalladaas dhammaantood ka akhriso Bloggan: https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/

 

Turjumaadda

 

Qoraalka waxa ii soo raaca turjumaadda maqaallada, buugaagta, iyo qoraallada aqooneed. Sannadkan dhawr maqaal ayaan turjumay:

-         Talo waalid

-         Tusaale ku anfacaya.

 

Gorfeynta Buugaagta #Xogkorodhsi

Buugaagta aan akhriyo in aan gorfeeyo oo waxa ay ka hadlayaan wax iska wayddiiyo muhiim baan u arkay. Sannadkii 2018kii ayaan arrintaas bilaabay. Sannadkii ku xigay ee 2019 inaan sii horumariyo ayaan qorshaystay. Markii hore maqaal ahaan ayaan ku so gudbin jiray, se waxa aan is idhi ‘ malaha waxa ka sii fiican inaad muuqaalna ku dartid soo dartid.’  Ugu danbayn waxa aan ku qancay inaan bilaabo sidii aan dadka ula wadaagi lahaa buugta aan akhriyo oo maqaal iyo muuqaal ba ah. Dhammaadkii sannadki 2019kii ayaan bilaabay. Saddexdii sabo ee u danbeeyay Barnaamijka waan waday, waxaanan guud ahaan afartaas sano soo gudbiyay faallaynta 83 buug. Tacab badan oo hanti, waqti, iyo dadaal ba leh ayaa iga gala SOOGUDBINTA faallooyinka buugaagta. Wax dan ah oo shakhsi ah oo aan ku qabaa ma jirto.

Markii aan arkay inay bulshadu u baahantahay Barnaamij ay ka helaan buugaag kaladuwan oo loo soo koobo ayaan dadaal badan galay. Sababta aan buugaagta u gorfeeyo waxa ugu muhiimsan:

1-     In qofku xulasho samayn karo, oo buugaagta kala xulan karo.

2-    In qofkii waayay buug muhiima oo meel uu joogo aan oollini xogta buugga wax ka ogaado.

3-    In qofkii wax baadhayaa si fudud meel uu ugu hagaago helo.

 Waxa aan bulshada sannadkan 2023 ga  muuqaal ahaan kula wadaagay dhawr buug. Maqaal iyo muuqaal ba waa lagu heli karaa.

Qaar ka mid ahi waa kuwan:

1-     Barbaarteenna iyo Baraha bulshada, waxa turjumay Cabdixakiin Obsiiye. Waxa aan akhriyay Oktoobar 2024.

2-    ' Understand your Potential~ Garo Awooddaada”- Faallana waan ka qoray MYLES MUNROE.  Faallana waan ka qoray.

3-     ‘ Attitude Is Everything ~ Habdhaqanku waxkasta isagaa ka mudan” Waxa qoray Jeff Keller. Faallana waan ka qoray.

4-   ‘ HE HAPPIEST MAN ON EARTH~ Ninkii ugu farxadda badnaa dunida” Waxa qoray Eddie Jaku. Faallana waan ka qoray.

5-    ‘ The Power of a Positive Mindset ~ Awoodda Si Togan u Fekeridda’ waxa qoray Jason Wolbers. Faallana waan ka qoray.

6-   " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character" waxa qoray David Brooks.

7-    “ How Rich People Think~ Sidee hantiilayaashu u fekeraan?’ waxa qoray Steve Siebold. Faallana waan ka qoray.

8-   How To Lead Smart People~ Sideed u Hoggaaminaysaa Dadka Caqliga Badan.” Waxa qoray Arun Singh iyo Mike Mister. Faallana waan ka qoray.

Waxa aad ka daawan kartaa halkan:  ( https://www.youtube.com/@xogkorodhsi2024/videos  )Aama Qoraal ahaan ka akhriso halkan: ( https://cabdirisaaqsandheere.blogspot.com/ ).

Isbeddellada Nolosha

Sannadkan 2024 wuxuu ahaa iska caadiya. Isbeddel nololeed wuu jiray. Noloshu waxa ay u baahantahay isbeddel iyo in qofku ka dhaqaaqo meesha uu joogo. Waxyaabaha isbeddelka qofka lagu qiyaaso waxa ka mid ah in qofku sameeyay isbeddel deegaan, isbeddel shaqo, isbeddel maskaxeed, nafsadeed, iyo isbeddel si guud laan la mid ah laamaha noloshiisa taabanaya uun. Anigu shakhsiyan isbeddel waan sameeyay, qofkastaana isbeddel wuu sameeyay, isbeddelka ugu yar qofka sameeyay waa ka da’diisu isbeddeshay ee dhinaca wedka u dhawaaday.

Caqabadaha

Caqabuhu way badnaayeen. Waxa ugu adagi waxa ay ahaayeen waayahay nololeed oo kolba mawjad qofka ku soo beegaya. Dhinaca waqtiga sidii aan rabay ugama faa’ideysan. Waqti badan ayaa meelo aan habboonayn igu dhaafay.

Gebagebo

Waxa intaas ba barbar socday oo aan ka madhnayn qabashada shaqooyinka maalinlaha, wax korodhsiga, shaqada, waxbarashada, jimicsiga IWM. Noloshu intaas sare uun maaha, way ka ballaadhantahay. Se muhiimaddaydu waxa ay ahayd uun waxa aad korodhsatay xus, si ay xasuus kuugu noqoto, ciddii u baahanna dhiirrigelin iyo shidaal ugu noqoto, sannadka soo socdana ay ku talagalaan inay waxbadan korodhsadaan.

Sannadku wuu wanaagsanaa. Sidoo kale, wuu qadhaadhaa, oo xasuuso adeg ayaa ku jiray. Ka soo socda inuu sidan ka wanaagsanaado ayaan rajaynayaa.

Dhammaan buugta aan akhriyay ee wax ka qoray, iyaga oo maqaal ah INTA AAN FAAFIYAY waxaa laga akhrisan karaa: (Sandheere (cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com) ) ama (Cabdirisaaq Sandheere ). Inta aanan faafinna isla halkaas ayaan soo gelin doonaa Insha Allah. Sidoo kale, iyaga oo muuqaal ah waxaa laga daawan karaan Janalka #Xogkorodhsi (https://www.youtube.com/channel/UC-DTp2g1U0eiItbuLsNGFCA ).

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Diisambar 31, 2024

Comments