#1
Ma laguu sheegay in sannadkii 2024 sii dhammaanayo, oo maantu ugu danbayso. Sannad tirsiga 2024 lihi taariikhda dib looguma arkayo. Sida waqtigu u socdo ayuu cimrigaaga iyo waqtigaaguna u socdaa. Maalin ba maalinta ka danbaysa noloshaadu dhinaca dhammaadka ayay usii durkaysaa.
Ma laguu sheegay in waqtigu waayadan sidii hore ka degdeg badanyahay oo aad mooddid in waqtigiiba barakada laga qaaday. Waqtigiiba Bajaaj ordaysa ayaad mooddaa. Degdegu waa barako la'aanta, waxkasta oo aan barako lahayn sidaasuu u qaddimaa. Imika sannadkii bil buu noqday, bishiina toddobaad bay noqotay, toddobaadkiina maalin buu noqday, maalintiina saacad bay noqotay, saacaddiina daqiiqado ayay noqotay, daqiiqadihiina sikinno ayay noqdeen. Waa barako la'aantee waqtigiiba wuu soo koobmay.
Ma laguu sheegay in waqtigu nolosha yahay. Bal joogso oo yara feker. Waqtigu waa nolosha. Marka dhinackasta laga eego waxa waqtiga lagu qeexayaa nolosha socota ee la noolyahay. Noloshu ma aha wax muuqata, sidaas si la mid ah waqtiguna ma aha wax muuqaal ahaan loo taaban karo, se waa tirsi la Isla yaqaan oo waayuhu xukumo. Si fudud, noloshu waa waqti, waqtiguna waa nolosha. Way isku dhammaatay.
Comments
Post a Comment