Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay
Hordhac
Buuggan waxa lagu magacaabaa “ A woman of Firsts ~ Gabadhii
ugu horreysay.” Cinwaanhoosaadkiisu waa ‘ The Midwife who built A hospital and
changed the world ~ Ummulisadii Cusbitaalka dhistay ee adduunyada baddeshay!”
Waxa qortay Adna Aadan Ismaaciil. Adna, waa aasaasaha Dhaktarta Adan Aadan, iyo
Jaamacadda Adna Aadan. Waxa ay soo noqotay Wasiirkii Arrimadaha debadda, iyo
sidoo kale wasiirkii Arrimaha bulshada Soomaalilaan. Haddana waaa xubin ka mid
an wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa ay isguursadeen, oo ay xaas
u ahayd Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Maxammed Xaaji Ibraahin AHUN, sidoo
kale Raysalwasaare ka noqday Soomaaliya waqtigii midawga.
Waxa uu ka koobanyahay
257 bog. Waanna 17 Cutub oo xidhiidh ah. Waxa uu ka warramayaa
taariikhnololeedka Adna Aadan. Waxa aan
isku dayayaa in aan gorfeeyo, oo meelaha qaar naqdiyo. Sidoo kale, nuxurka guud
soo koobo.
Nuxurka
buugga
Buugga intaanad gelin dhinaca
hore ee XUQUUQDA buugga lagu qoro, waxa ay ku xusaysaa “ In buuggu yahay
sheekofaneed, magacaanta iyo sifooyinka ku jiraanna dhammaantood yihiin
MALA’AWAALKA QORAAYADDA!” Waxa layaableh buug ay siday hordhaca ku sheegtay
dhacdooyinkii nolosheeda ay kaga warramayso, in ay MALA’AWAAL ku sheegto. Marka
aad intan u fiirsato waxa aad isleedahay buunbuuninta buugga ku jirta malaha
waaba MALA’AWAAL aan waxba ka jirin. Waxa aan se aad isku wayddiinayaa in qalinku
kaga dhacay intay ay ‘ SHEEKAFANEEDDA’ ay tidhi. Haddana waxa aan isleeyahay
haddii intaas hore qalinku ka xaday oo kama’ ka noqotay waa sax, se kumay sii
dareen waa KHIYAALKII QORAAYADDA! Markaas waxa iska cad in loo kasay. Waxa
kale, oo aan aad isku wayddiinayaa intan bogga hore ee xuquuqda ku taalla
malaha Adna maba ogayne CIDDII daabacday, ama tifaftirtay ayaa markii danbe ku
dartay! Haddana, waxa aan isleeyahay xataa haddii ay dhacdo, idanla’aan waxba
kaga may dabadareen qoraayaddee iyadaa u fasaxday! Markaa in buugga
TAARIIKHDEEDII ay ku sheegto Edna, iyo inay tidhaa waa KHIYAAL, waa laba
isdiiddan, oo aan meel wadagelin! Haddii se ay meel wada galaanna oo iyadu
TAARIIKHDEEDII oo dhaba ay kaga warramayso meelo badan oo ay buunbuunisay waa
laga shikiyi karaa, oo malaha intani waa KHIYAALIGII ay sheegaysay ayaa la is
odhan karaa!
Abbaheed ayay xasuusta dib u
celinaysaa. Aabbahay wuxuu ahaa qof aqoonta caafimaadka waxka bartay ayay
leedahay. Caawiye caafimaad ayaa dagaalkii 2aad ee adduunka ka hor loo
tababbaray, markii danbana wuxuu tagay Ingiriiska oo wax ka soo bartay ayay leedahay.
Waxa loo yaqaannay “ Aadan Dhakhtar” ayay leedahay. Dadka bukaanka ah ayuu u
adeegi jiray. Bukaanku uma kala soocnayne ixtiraam iyo wanaag ayuu kula dhaqmi
jiray. Ka u yimaadda ee danyara, ka wax ka soo urayaan, ka uskagga ah IWM ah ba
si wanaagsan ayuu ula dhaqmi jiray ayay ku sii daraysaa.
Dhiirrigelin badan ayay ka
heshay. Waxa ay xusaysaa inay dhisidda DHAKHTAR ay iyada oo yar niyada ku
qabatay. Se wax qorshe ah, nooca uu noqanayo, naqshadda loo dhisayo IWM ah
niyada kumay hayn. Se waxa ay islahayd waa inuu ahaadaa Dhakhtar cad oo weyn.
Awawgeed Ismaaciil, waxa uu
ahaa ganacsade wayn. Wuxuu waddamo badan u dhoofin jiray, xoolaha nool, subagga
gorayada, Silfarta IWM ah. Awrtana waxa
uu kaga ganacsan jiray Yemen. Ganacsatada Soomaalilaan ugu caansan ayuu ka mid
ahaa. Waxa loo yaqaannay Gaadda Cadde.
Adna, waxa ay xusaysaa xilligii
ay dhalatay. Waqtigii ay dhalatay, iyo taarikhdiiba si wanaagsan ayay u
garanaysaa, waayo Dhakhtarka Hargeysa ayay ku dhalatay. Se sida dad badan meel
Miyi ah oo aan la garanayn kumay dhalan. Taasaa u saamaxday inay taariikhda
saxdo. Waxa ay dhalatay September 1937kii. Markii ay dhalatay Abbaheed wuxuu
u bixiyay “ Shukri” oo la macne ah ‘ Mahadnaq.’ Sababta uu ugu bixiyay waxa ay
ku sheegtay in ayna Hooyadeed muddo laba sano ah waxba dhalin. 7ba cisho ka dib ayay Hooyadeed u bixisay
magaca ADNA iyada oo ku sharfaysa gabadh ay saaxiibbo ahaayeen oo Adna la
yidhaa. Waxa Dr Anda Aadan, xusaysaa in Hooyadeed Kaatoolig ku soo barbaartay,
sidoo kale ahayd Kiristaan!
Waxa ay Adna, ka warramaysaa in
muddo ah oo ay ku noolayd Magaalada Boorama. Awawgeed Yuusuf, iyo Ayaydeed
Clara ayay la noolayd muddadaa. Ayaydeen waxa ay turjumaan ka ahayd Dhakhtar,
Awawgeedna warbaahinta ayuu ka shaqayn jiray. Caanaha xoolaha ayaa aad loo siin
jiray. Hooyadeed iyo Ayaydeed ba waxa ay ahaayeen KIRISTAAN sida ay xusayso, oo
waxa ay tidhi: “ Kasoo jeedidda aan ka soo jeedo guri laba Diinood kala haystaa
waa ii khibrad xiiso u leh carruurnimadaydii. Aabbahay wuxuu ahaa Islaam
Salaadaha tukada. Sidoo kale, Salaadaha Jimcaha ayuu tagi jiray sida uu u tegi
jiray Ramadaanta Iyo Ciidaha… Ayeeyooyinkey, iyo Hooyaday way heesi jireen, waxayna
u dabbaaldegi jireen Kirismaska!” Bogga 32.
Maskaxdaydu waxa ay u
gaajoonaysay xogo iyo aqoon ayay tidhi Edna. Buug xaafadda taallay ayay soo
qaadan jirtay. Maalin ayay buug soo qaadday, way kalabixisay oo akhriday.
Aabbaheed ayaa ku yidhi “ Maxaad qabanaysaa?” In ay wax akhriyayso ayay u
sheegtay. Been buu moodayay iyo inay
iska yeelyeelayso, wuu u yeedhay, waaba iyada oo buug akhriyaysa. Wuu yaabay. Xaafaddii ayaa tashi bilowday
markay arkeen inantan yar ee iyadu wax isbaraysa meeshan ayna ka jirin Dugsiyo
gabdheed. Hooyadeed iyo Aabbaheed ba waxa ay ahaayeen aqoonyahanno siday
sheegayso. Waxa la isku raacay in waxbarasho loo diro.
Jabbuuti ayay waxbarasho u
tagtay. Waxa loo geeyay Habaryarteed Cecilia
oo Hooyadeed walaaloyihiin oo halkaa ku noolayd. Habaryarteed ninkeedu wuxuu
ahaa ganacsade, intayna u tagin ayaa dhawr sano ka hor la dilay. Waxa ay u
haysay saddex carruura, kii afraad ayay uur u lahayd. Waxa ay ka shaqayn jirtay
Dugsi. Iyada ayay Adna Aadan la joogtay, waxbarashadana ka dhigan jirtay.
Habaryarteed Ingiriisiga iyo Faransiiska ayay ku hadli jirtay. Labadaas Adna si
degdega ayaan uga bartay ayay tidhi.
Lix sano ayay Jabuuti ku soo
qaadatay ( 1946-1952). Soomaalilaan ayay ku soo laabatay. Gabadh la yidhaa
Caasha oo Dhakhtar ahayd ayay muddo
Hargeysa kala shaqaynaysay. Waxoogaa ka dib waxa Burco laga furay Dugsi. Waxa
loo baahday Macallin Luuqadaha yaqaan oo ardeyda waxbara, Macallimiintana
caawiya, maadaama Macallimiintu Soomaaliga uun yaqaanneen, Ingiriisigana waxyar
ka yaqaanneen. Laba Sano ayay ka shaqaynaysay oo ku noolayd Burco Marwo Adna.
Waxa ay tidhi shaqadaasi waa tii iigu horreysay ee aan lacag ku qaato, weliba
Shilimaad ayay qaadatay. Ingiriiska ayaa Deeq Waxabarasho bixin jiray. Sannado
hore wuu bixiyay, sannadkan ay Burco joogtana deeqdii waalla bixinayaa. Waxa ay
tidhi waa la igu soo qoray, oo magacaygu ardeyda imtixaanka laga qaadayo ee
debadda laga gaynayo inuu ku jiraan ogaaday. Iyada kelideed ayaa gabadh ahayd,
waxa kale rag bay ahaayeen. Imtixaankii way baastay. Markii la wayddiiyay waxa
ay baranayso, iyada oo aan ka labalabaynayn ayay tidhi “ Nurse baan doonayaa.”
Waa lagu qoray. Ingiriiska ayay 1954kii tagtay.
Ingiriiska ayay Kalkaalisannimo
ka diyaarinaysay. Biil baa la siin jiray. Shaqo yar ayay doontay inay qabato
xilliyada ayna waxba baranayn. BBC ayay muddo la shaqaynaysay sida ay u xustay.
Aabbaheed ayaa maqlay. Wuu ku farxay, oo wuu u soo hanbalyeeyay. Habeennada
qaar waxa ay tagi jirtay meelaha lagu ciyaaro. Habeen ay tagtay ayay iyaga oo
ciyaaraya is arkeen Wiil quxux badan. “ Halkeed ka timid?” ayuu ku yidhi. Inay
Soomaalilaan ka timid ayay u sheegtay. Isna way wayddiiysay. Wuxuu u sheegay
inuu Soomaalilaan isna uu ka yimid. Adigu isku tuurtuur badan ka dib way
isbarteen. Magaceed ayuu wayddiiyay. “ Adna Aadan ayaa la I yidhaa.” Ayay
tidhi. Magaca Aabbaheed oo caan ahaa inuu gartay waa suurtagel. Isna magaciisa
ayuu u sheegay wuxuu yidhi “ Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal” ayaa la I yidhaa. Qoyska Xaaji Ibraahin oo caana ahaa ayaan
gartay ayay tidhi. Dabadeedna Lanbarka iyo meelaha ay iskala soo xidhiidhayaan
ayay kala qorteen.
Waxoogaa ka dib ayuu Maxamed
Xaaji Ibraahin casuumad Casho u
sameeyay, iyadna way ka aqbashay. Si wanaagsan ayay u sheekaysteen. Iyaga oo
aan weli is arag ayuu Maxamed Aabbihii Xaaji Ibraahin Cigaal xanuunsaday.
Maxammed dalka ayuu ku soo laabtay. Lix Bilood ka dib Aabbihii ayaa geeriyooday
AHUN. Maxammed ganacsi xaafaddu lahayd ayuu sii waday.
Edna laba sano ka dib ayay
dalka markii koowaad ku soo laabatay sannadkii 1956kii. Abbaheed aad buu ugu
faraxsanaa inay inantiisu waxbaratay, halka hooyadeed ay na jeclayn ee ay
doonaysay inay Adna joojiso riyadeeda oo guriga u fadhido, waxa ayna Edna
hooyadeed odhan jirtay “ Waxa aan guursaday nin doqon ah, wuxuunna ii dhalay
gabadh doqon ah” Bogga 63.
Muddo badan ayay joogtay
Ingiriiska. Kalkaalisannimada aasaaskeedii ayay dhammmaysay. In ay sii biirsato
ayay doontay. Aabbaheed oo booqday ayay la tashatay. Ugu danbayn waxa ay
haddana bilowday Ummuliso. Sidaas ayay u dhiganaysay. Intii ay Ummulisannimada
baranaysay waxa ay ka dhalisay dumar aad u farabadan. Dhakhtarro kaladuwan ayay
ka hawlgali jirtay oo tababbar ku qaadan jirtay sida ay xusayso. Markii
Ummulisada ayna dhammaysay, waxa ay rabtay oo ay xiisaynaysay inay barato Maammulka
Dhakhtarrada, maadaama ay doonayso inay mustaqbalka dhisto Cusbitaal waa muhiim
inay maammulka Dhakhtarrada barato. Sidaas daraaddeed waxaa qasab noqotay inay
waqti kale sii joogto Ingiriiska, oo Jaamacaddiina codsigeedan u gudbiso. Way
gudbisay. Waanna laga aqbalay. Sidii ayay ku bilowday barashada Maammulka
Dhakhtarrada.
Ogosto 09, 1961kii ayay dalka
kusoo laabatay. Si wanaagsan ayaa loo soo dhaweeyay. Shaqooyin kaladuwan ayay
Hargeysa ka bilowday. Wiilkii ay Ingiriiska isku barteen ee Maxamed Xaaji Ibraahin
beri hore ayaa ugu danbaysay. Isagu siyaasadda ayuu ku biiray, oo Wasiir ayuu
noqday. Iyadna Hargeysay Dhakhtar ka shaqaysaa. Maxamed ayaa soo booqday
Gobollada Waqooyi, gaar ahaan Hargeysa. Edna oo ay isyaqaanneen muddana ayna is
arag ayaa si wanaagsan u soo dhawaysay, siday xusayso. Soodhawayntii ka dib
ayuu ku yidhi “ Inaan si gaara u sheekaysannaan doonayaa.” Waqti ayay ballameen, way sheekaysteen, xusuuso hore
ayay isku soo hadalqaadeen. Inuu Muqdisho ku laabanayo ayuu u sheegay. Ballan
cad kumay kala tagin, e in ay Edna Muqdisho timaaddo ayay isku ogaayeen. Isna
wuu iska laabtay illaa Xamar.
Edna Abbaheed Aadan wuxuu tagay
Muqdisho. Maalmo ayuu joogay. Wuxuu doonayay inuu usbuucyo ku maqnaado. Iyadu weli Hargeysa ayay ka shaqaysaa. Maalin
ayay Berbera tagtay, si ay adeeg caafimaad halkaa uga soo qabato. Habeenkii
markii ay soo socdeen ayaa nin ku yidhi “ Ma Ina Aadan Dhakhtar baad tahay?”
Waxa ay ugu jawaabtay “ Haa.” Wuxuu ku yidhi: “ Aabbahaa wuu dhintay!” Waxa ay
isku qancisay malaha ninkani aabbahaa waxba kama garanayo. Haa ma garanayo.
Sidaas ayay ahayd illaa ay idaacadda ka maqashay “ Waxa aan tacsi u diraynaa
qoyskii Aadan Dhaktar.” Taariikhdu waxa ay ahayd 1dii Diisamber, 1962kii. Weli
may rumeysa illaa ay soo gaadhay Hargeysa,
gaar ahaan xaafaddii oo lagu buuqsanyahay. Markay xaafadda timid ee ay
aragtay ehelkii oo ooyaya ayay xaqiiqsaday. Isla aroortii waa la aasay Aabbaheed oo
Muqdisho ayaa lagu aasay. Aaska waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynihii waqtigaa
Soomaaliya Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, Wasiirro, madax, iyo dad farabadan. Saddex cisho ka dib ayay Edna Aadan Muqdisho u
duushay. Qabrigii aabbaheed ayay tagtay oo ay soo eegaysay. Dhimashadiisa way
ka shikisantahay, oo in la dilay ayay u badinaysaa, se ma hubto. Dhimashadiisu
xanuun aad ah ayuu ku abuuray. Maalmo ka dib Hargeysa ayay iskaga oo laabatay
si ay shaqadeedii u sii wadato.
Weli adna Hargeysa ayay ka
shaqaysaa. Wiilkii ay Ingiriiska isku barteen ee muddada badanna xidhiidhayeen
ee Maxamed Xaaji Ibraahin ayay isjecelyihiin. Maxamed, xaas ayuu lahaa. Se way
kalatageen. Hargeysa ayuu yimid. Edna ayay wadacasheeyeen. Waxa ay isla soo
hadalqaadeen Jaceyl. Ugu danbayn in la
isguursado ayay isku raaceen. Adeerkeed ayaa bixiyay oo meheriyay maadaama
Aabbaheed dhintay. Arooskii Hargeysa ayuu ka dhacay. Waxa ay leedahay ‘ Waan diidday inaan arooskayga u dhigto sida
dhaqanka Soomaalida ah.’ Waxa kale, oo ay xusaysaa in markii ay guursanaysay
lagaga naxsaday “ Guurku waa xanuun!”
Maxammed iyo Adna, waxa ay
isguursadeen 1963kii bishii April. Markii ay wada aqalgaleen ee isku tageen
waxa ay Edna la kulantay xanuun badan oo Xubinta taranka ah, maadaama hore loo
guday oo weliba gudniin Fircooni ah lagu sameeeyay. Waxa ay xusaysaa, in
Maxamed yaabay, se uu u naxariistay oo weli iska degganaa, iyadana aannu waxba
huruufin. Aroortii ayay dumarkii xaafadda la sheekaysatay, waxa ay u sheegtay
arrinta ay la kulantay iyo xanuunkan gudniinkii Fircooniga ahaa keenay. Adigu
Kalkaaliso ayaa loo geeyay, haweenka qaarkood Giriimyo iyo Faasliin ayay mariyeen,
sidey sheegayso. Adigu wax lala tacaalo oo goobo badan ay tagto sidii way yara
dhaantay. Toddobabixii waxa ay Edna iyo Maxamed tageen oo ku soo qaateen
magaalada Cadan. Hudheel ayay degeen oo halkaas ayay soo joogeen. Waxyar ka dib
way soo laabteen. Maxammed Muqdisho ayuu ku laabtay, oo wuxuu hoggaamin jiray
Xisbi Mucaarad ah. Adnina Hargeysa oo ay Cusbitaal ka shaqayn jirtay ayay
timid.
Muddo ka dib Edna waxa u yeedhay ninkeedii Maxamed. Muqdisho
ayay tagtay. Guri uu lahaa oo carruuri u joogtay ayay tagtay. Carruurtii ay
AAYADA u ahayd ee ninkeedu dhalay ayay Hooyo iyo qof xannaaneeya u noqotay.
Edna, waxa ay rabtay inay shaqaysato, se taasi way ku yara adkeyd maadaama ay
carruur hayso. Muddo markii ay joogtay ee ay waxba UUR yeelan wayday ayay iswayddiisay
sababta. Maxammed, carruur ayuu lahaaye sababtu waa adiga ayay isku qancisay.
Muddo ayay sidii ahayd. In ay guriga Maxammed ka guurto oo aqal kale oo ay
Kirada iska bixiso magaalada ka kiraysato ayay doontay, wayna kiraysatay.
Hooyadeed iyo walaasheed ayaa la soo degay. Sidaas ayay gaar ugu noolayd.
Maxammedna waxa ay ku qancisay “ Waxa aan doonayaa meel gaar ah oo ku nefiso.”
Iyada oo sidaas ayaa qof ay isyaqaanneen u soo bandhigay
inay codsado shaqo UN ta qaybteed Hay’adda Caafimaadka Adduunka ka bannaan. Way
ka masuugtay, oo ma adiga oo aan khibrad lahayn ayaad codsan ayay iskugu
sheekaysay. Ugu danbayn waxa ay istidhi bal isku day uun. Way codsatay.
Shaqadii ayaa u soo baxday. Saddex dal oo kala ah Sucuudiga, Yemen, iyo Liibiya
ayay jagooyinku ka kala bannaanaayeen, saddexdii ayaa la kala dooransiiyay.
Waxa ay dooratay Liibiya. Liibiya ayay tagtay oo shaqadii ka bilowday gaar
ahaan magaalada Tiriiboli. Halkaas ayay tagtay , weli ninkeedii Maxammed ismay
furin, se way kala maqanyihiin. Hooyadeed iyo walaasheed ayaa u raacay Liibiya.
Muddo laba sano iyo waxoogaaya ayay ka shaqaynayasay Liibiya. Ninkeedii
Maxammed ayaa dhawr jeer Farriin u soo diray, iyadna way uga jawaabtay.
Sannadkii 1967kii Markii Maxammed loo doortay Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayuu
ku yidhi: “ Edna, waa inaad timaaddaa dalka.” Way ku faraxday in ninkeedii loo
doortay Raysalwasaare. Muddadaa ay kala maqnaayeen ee ayna se isfurin, ninkeedu
wuxuu sii guursaday Xaaskiisii hore ee uu furay carruurtana u lahayd. Edna,
waxa ay iswayddiisay sawka guursaday! Wuxuu ku yidhi adiga ayaa noqonaya
Marwada Koowaad. Sidaas ayay ku qanacday. Dalxiisyo badan oo Marayakan, Landhan,
iyo Jarmalba leh ayay u raacday. Shaqadeedii Liibiya ee ay UN ta u haysay way
iska casishay. Muqdisho ayay timid, siday xusayso.
Muddo markii ay wadanoolaayeen, ee ay haddana waxba dhali
wayday inay isbaadho ayay doontay. Iyadu Ingiriiska ayay tagtay. Maxammed wuu
dhaafay, oo wuxuu tagay Maraykan oo Khudbad ayuu UN ta ka jeedinayay. Iyada oo
weli London joogta oo in ninkeedii soo mara oo ay dalkii isku raacaan sugaysa
ayay idaacadda ka maqashay “ Madaxweyne Sharmaake, waa la dilay!” Waxa ay
leedahay, ma rumeysan, waxa aan wacay Safaaradda Soomaaliya ee Ingiriiska.
Warkaasi inuu jiro ayaa la ii xaqiijiyay. Maxammed, weli Maraykan ayuu joogaa.
Isna wuu maqlay waxa dhacay. Inay israacaan oo Ingiriiska ka duulaan oo Addis
haddana Muqdisho iyo dalkii sidaa ku tagaan ayay doonayeen. Maxammed wuxuu
yimid London. Inay duulaan ayuu qorshuhu ahaa. Way diyaargaroobeen, oo Garoonkii
laga duuli lahaa ayay yimaaddeen. Iyaga oo garoonka jooga ayuu Maxammed Xaaji
Ibraahin go’aansaday inuuna dalkii tagin maadaama uu qalalaase ka dhacay,
dawladdiisiina la afganbiyay. Edna ayaa dalka timid saddex Sitimaan ka dib
markii afganbigu dhacay.
Muqdisho markii ay
timid gurigii iyo wixii yaallayba iska tag ayaa lagu yidhi. Intii ayna ka tagin
waxa ay sheegaysaa inay isticmaali jirtay oo cabbi jirtay Sigaarka, oo waxa ay
tidhi waxa aan ka cabbi jiray werwerka. Xataa Baakidhadii Sigaarka aan ka cabbi
njiray waa la iga qaatay waqtigaa ayay leedahay. Mardanbe, oo ay ka warramayso ninkii u
danbeeyay ee ay isguursadaan ee Xasan Kayd la odhan ay isasoo fureen, waxa ay
tidhi shaqo ma haynin. “ Hooyaday ayaan lacagta shidaalka iyo ta Sigaarkaba
wayddiisan jiray.” Ayay ku tidhi bogga 204.
Maxammed kacaankii dalka afganbiyay ayaa xidhay. Edna,
sidaas ayay ku kala irdhoobeen. Iyadu dib ayay shaqo yar iskaga kabkabatay, oo
Muqdisho ayay Farmasii ka furatay markii hantideedii iyo tii Maxammed la
bililiqaystay. Maxammed, ma oga in gurigiisii la dhacay, in alaabtii taallay la
qaatay, iyo in Askari bililiqaysatay toona! Edna, waraaqo ayay u diri jirtay,
isna wuu u soo jawaabi jiray. Maxammed, guri kale ayuu magaalada ku lahaa.
Gurigaas ayay intay Edna Kirada uga soo qaaddo jeelka ugu diri jirtay. Maalin
ayuu u soo qoray “ Lacagta kirada ee gurigaa xaaskeyga iyo carruurtayda u dir?”
Way yaabtay. Waxa ay ku tidhi: “ Anigu maanan xaaskaagii ahayn?!” “ Waa
go’aankeyga ayuu ugu soo jawaabay. Waxyar ka dib ayay hadal qadhaadh u qortay.
Waxa ay su’aashay: “ Taas macnaheegu waxaa weeyi anigu xaaskaaga ma sii ahaan
doono saw maaha?” Wuxuu yidhi: “ Ednaay, waad fasaxantahay, weliba sida
shinbirta ayaad u fasaxantahay.” Jawaabtiisii qalbiga ayay iga jabisay ayay
tidhi. Ka eeg bogga 177.
Waxa ay xusaysaa inay arrintaa aad uga xumaatay. Waxa kale,
oo aad ka dhadhansanaysaa hadalkeed inay aad u jeclayd Maxammed Xaaji Ibraahin
Cigaal. Sidaas ayay gabadh garoob ah ku noqotay Maxammedna isku
macasalaameeyeen. Da’deedu waxa ay ahayd 35 sano sida ay sheegtay.
Muddo ka dib Edna, waxa ay isguursadeen Axmed Xuseen Bulbul.
Waxyar markii ay isqabeen ayaa Maxamed I. Cigaal Jeelkii laga sii daayay, siday
xusayso. Maxammed ayay is arkeen iyada oo Saygeeda Axmed Xuseen la socota. Maxammed Xaaji Ibraahin Cigaal gacanta ayuu u
taagay Axmed Bulbul, wuxuunna ku yidhi: “ Gabadhaa ilaali.” “Hadalkaas waxa aan
u turjuntay inuu I raalligelinayo” ayay tidhi Edna.
Edna, arrimaha caafimaadka ayay aad uga shaqaysaa. Halkaa
markay marayso waxa aad u bilowday ladagaallanka Gudniinka Fircooniga ah. Abaabul
badan ayay samaysay, oo dadkii ay la noolayd aad bay ugu wacyigelisay. Waxa
kale, oo ay u baxday safarro badan oo ku saabsan wacyigelintaas. Meelaha ay
tagtay waxa ka mid ah Suudaan, Maraykanka, Netherlands, iyo meelo kale oo
badan. Sidoo kale, waxaa loo magacaabay agaasimaha Gargaarka Caafimaadka.
Ninkeedii Bulbul ayay isfureen sannad ka dib markii loo magacaabay Agaasimaha
Gargaarka Caafimaadka. Sababtana waxa ay ku sheegtay inay safarro badnayd, oo ninkeedii
uu u arkay inay wax kale ka doorbidayso, ayna suurtagel ahayn inay guriga
joogto. Markii ay Bulbul kalatageen isagu waxa uu ku noqday oo dib u guursaday
gabadh kale oo uu hore u qabay, se uu furay. Edna, waxa ay tidhi mar haddii aan
ninkii labaad isfurnay qoyskii ceeb bay dareemeen! Anna waxa aan goostay ayay
tidhi: “ In aanan weligay markale guursan!”
Qaddar Alle, haddana waxyar ka dib waxa ay isguursadeen nin
Xasan Kayd la odhan jiray, oo yaraantii soo wadakoreen. Waa ninkii saddexaad ee
ay isguursadaan. Xasan Kayd, waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u
fadhiyay Cummaan. Cummaan ayuu u guuray, Edna way ku qasbanaatay inay halkaa u
guurto. Shaqadeedii ay haysay ee Caafimaadka ay ka shaqaynaysay way iska
casishay. Muddo ayay wadanoolaayeen. Riyo ah inay Cusbitaal dhisto ayay qabtaa.
Lacag ku filan ma haysato. Dad ayay inay caawiyaan oo Dhakhtarka la dhisaan ay
wayddiisatay. Wax baa loo ballanqaaday. Se nasiibdarro ninkeedii ayay
kalatageen oo isfureen. Markii saddexaad markii la isoo furay, ayaan iswayddiiyay
“ Maxaa kaa qaldan? Ma adigaa qof dhib badan ah?” ayay tidhi. Waxa aan isku
qanciyay “ In aanan ahayn xaas qumman/saxan” ayay sii raacisay.
Cummaan markii ay ninkeeda kalatageen ayay iskaga soo
laabatay. Wax shaqo ahna may haynin, maadaama shaqadeedii hore iskaga casishay.
Shaqo ayay codsatay. Ururka WHO oo shaqo bannaan haya ayay shaqo ka heshay. Sannadkii
1986kii ayay Alexandaria oo xaruntu ahayd tagtay. Waddamo badan ayay
caaafimaadka dumarka iyo ilaalintooda u qaabbilsanayd. Waxa ka mid ahaa: Afghanistan, Bahrain, Djibouti, Egypt, Iran, Iraq, Jordan,
Kuwait, Lebanon, Libya, Morocco, Oman, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Somalia,
Sudan, Syria, Tunisia, United Arab Emirates, Cyprus iyo Yemen sida ay xusayso.
Sannadkasta waddamaas 11 ka mid ah ayay booqan jirtay. Muddo ayay ka
shaqaynaysay.
Sannadkii 1988kii oo Hargeysa dadka ay dawladdii
Siyaad ku xasuuqaysay ay booqasho saddex maalmood ah ku timid, si ay dadka wax
la yeelay u soo kormeerto. Xilligaa Hargeysa waxaa ka socday xasuuq lagu
laynayay dadkii degganaa, oo dad gaadhay 50,000-20,000 ayaa lagu dilay! “
Markii aan 12 saacadood magaalada joogay ayaan helay farriin sheegaysa in aan
ahay Kacaandiid, oo la I xidhi doono” ayay tidhi. Maadaama qabiilka ay ka soo
jeeddo ee Isaaq dawladda mucaarad ku ahaaa. Iyadana waxaa loo arkayay inay
cadawtahay. Sidaa daraaddeed inay iska laabatay ayay xusaysaa.
Wixii ka dhashay dagaalkii Millatariga ayay
xusaysaa. Waa la qaxay, oo Itoobbiya yaa la galay. Muddo wax la dagaallamaba
Soomaalilaan ayaa gobolladii Waqooyi ka dhalatay. Waqtiyadaa Edna WHO ayay u
shaqaynaysay. Soomaalilaanna si hoose ayay uga warhaysay. Oo shirar badan oo
dibuheshiineed sidii kii Boorama way ka soo qaybgashay. Waxa ay dib u yara
xusaysaa Madaxweyne Maxamed I. Cigaal, oo markan ay aad u wada shaqeeyeen.
Waraaqo ayuu iisoo diri jiray aniga oo Debadda jooga ayay leedahay.
Waraaqahaasi may ahayn kuwa guur, waxa ay ahaayeen kuwa siyaasadeed ayay ku sii
daraysaa. Aad inuu Cigaal u ixtiraami jiray, oo markay Hargeysa timaad uu soo
dhawayn jiray ayay xusaysaa. Xataa gurigiisa oo xaaskiisu joogto ayuu qado ugu
samayn jiray. Markaas ayay Edna si kaftana u leedahay, anna waxa aan ahay “
Xaaskiisii hore oo guriga joogta.”
Waxa ay doonaysay inay Cubsitaal ay ku
riyoonaysay oo ay Abbaheed ku xasuusasto dhisto. Markii koowaad, dhul ayay
raaddinaysay. Waxa ay muddo raadisaba Cigaal oo dalka Madaxweyne ka ahaa ayaa
dhul Magaalada ka yara baxsan siiyay. Dhulkii fogaanshahaa ayay ku diidday.
Cigaal ayay kala doodday. Waxa ay rabtay in magaalada dhexdeeda laga siiyo. Se
Cigaal inaan laga helayn ayuu uga cudurdaartay. Hadal badan ka dib halkii way
diidday, iyada oo xanaaqsan ayay dhooftay, oo wax isyara canaanatay. Gidaarka
ayay ku tidhi: “ Gurigaygii ayay qaateen, ninkeygii iyo noloshaydiina way
raaciyeen, haddana iima oggolaanayaan inaan Cusbitaal dhiso!” Cadhadii Jabuuti
ayay ka dhooftay oo Ingiriiska ayay tagtay. Muddo kooban yay ku maqnayd, ugu
danbayn way soo laabatay. Dhulkii ay rabtay meel wanaagsan oo ay isla qaateen
Cigaal ayaa laga siiyay. Sidaas ayay hawshii dhulsiintu ku dhammaatay. Waxa
hadhay uun Cusbitaalkii oo la taago.
Ugu danbayn Edna dalka ayay ku soo laabatay.
Shaqadii ay u haysay WHO way ka hawlgabtay. Cusbitaalka dhismihiisii ayay niyada ku haysaa.
Waxa ay ku qiyaastay lacagta dhismaha $400,000. Cusbitaalkii iyadaa bilowday, se waa la
caawiyay oo hay’ado kaladuwan ayaa wax ku darsaday. Dhakhtarkii markuu sii
dhammaanayay waxa ay aad uga werwersanayd dadka ka shaqayndoona ee
Xirfadlayaasha Caafimaad ah halkay ka keeni lahayd.
Markii Cusbitaalka dhismihiisii dhammaaday, aad
baa loo soo dhaweeyay. Waxa si caadiya loo furay Maarij, 2002dii. Madaxweyne
Cigaal oo ku casuunnaa maalintaa wuu mashquulay. In ayn Edna dib u dhigto
Xafladda furitaan ayay doontay, se wuu ka diidday ‘ oo aniga yaan la ii joojin’
ayuu yidhi, wuxuunna u soo diray Kuxigeenkiisii Rayaale. Rayaalle ayaa furay. Caalamkana
meelo badan ayaa laga hadalhayay. Wargeysyo badan ayaa daabacay in Cusbitaal
cusub ay gabadhi furtay. Waxa ay tidhi: “ Maqaal la iga qoray oo si caalami ah
loo daabacay ayaa cinwaankiisa laga dhigay: ‘Awoman of firsts and her latest
feat.”Dad badan ayaa maqaal akhriyay ayay tidhi. Waxa ka mid ahaa Maayarkii
Chicago Mudane Richard J. Daley, oo aniga iyo Abwaan Hadraawi na
martiqaaday.
Cutubka u danbeeya waxa ay kaga warramaysaa
Dhakhtarka. Ugu danbayna buugga sidaas ayay ku soo gebagebaynaysaa.
Maxaa
dhalliila?
1-
Edna, meelo badan oo ay
ahayd inay si sarbeeban u sheegto ayay afka ku ballaadhisay. Tusaale, marka ay
ka warramayso markii koowaad ee ay guursatay ee Maxammed Xaaji Ibraahin la
aqalgashay, waxa ay afka ku ballaadhinaysaa inay habeenkii koowaad ee galmada
ay xubintu wax noqotay! Weliba aad bay uga sii sheekaynaysaa oo odeygeedu wixii
uu dareemay ayay sheegaysaa. Arrintaas may ahayn inay sidaa afka ugu
ballaadhiso, maadaama ay Boos Hooyo, iyo Ayayba ay taagantahay oo xilli ay afka
ku ballaadhiso sidii carruurta ayna joojin. Sidoo kale, meeqaamkeeda una wacna
Edna ahaan. Waxa iyadna sii raacda dhaqan ahaan ma wacna.
2-
In ay buugga dhinac ka
rartay oo ay aad uga badisay xidhiidhkeedii guurka, gaar ahaan xidhiidhkii
Cigaal ka dhexeeyay.
3-
Buugga waxa aad mooddaa
cabasho uu Mucaarad dawlad ka diyaariyay, ama mashruuc lagu qadhaabayano, waayo
qaab dhibaato sheegid ah ayuu u qoranyahay.
4-
Waxoogaa buunbuunin ah
ayay ku daraysaa Edna, oo waxkasta oo ay dad wadaqabteen, waxa aad mooddaa inay
kaligeed sheeganayso.
Gebagebo
Buuggu waa buug si farshaxamaysan loo qoray. Xiiso aad ah
ayuu leeyahay, qofkuu bilaabo kama xiisagoynayo. Waxa uu ku saabsanyahay gabadh
karti badan oo caan ah. Si guud baynu u dulmarnay. Nuxurkiisii iyo waxyaabihii
lafdhabarta u ahaa waynu sheegnay. Ma filayo inaan wax sidaa u sii badan ka
tagay dhinaca dhacdooyinka isdbayaalla. Intaas ayaan ku soo koobayaa.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Abril, 2020.
Comments
Post a Comment