Posts

Showing posts from April 5, 2026

Haddii aad tahay DHALLINYAR…

Image
   Haddaa tahay dhallinyar qodobbani way ku anfacaysaa: 1-        Inta aad yartahay waa in aad wax dhisataa, waa in ayna raaxadu ku qaadan: Haddii waqtiga aad dhallinyarada tahay nasashada doorbiddid gadaal ayaan shanlayn doontaa. Halka dadka kale iska baashaalayaan waa in aad adigu wax dhisatid oo wax qabsatid. Haddii aad HADDA anshax yeelatid, berry waxa aad heli doontaa xorriyad dhinacyo badan ah. 2-       Maad habsaamin: Qof bar dhammaadka qorshihiisii jooga ha isbarbardhigin adiga oo bar bilowga qorshahaaga jooga. Qofkastaa waqtigiisa gaarka ah ayuu leeyahay, adigu waqigaaga uun diiradda saar. Isbardhiggu waa dilaaga koritaanka. 3-       Saaxiibbadu way yaraan doonaan: Saxiibbada qaarkood way kula jaanqaadi doonaan oo kula kori doonaan, halka kuwa kalana kaa hadhi doonaan; halka qaarna ku khiyaami doonaan. Waa sunnaha isbeddelka. Qofna diyaar uma aha inuu kaa caawiyo noqoshada qofka aad rabtid...