Haddii aad tahay DHALLINYAR…
Haddaa tahay dhallinyar qodobbani way ku anfacaysaa:
1- Inta aad yartahay waa in aad wax dhisataa, waa in ayna raaxadu ku qaadan: Haddii waqtiga aad dhallinyarada tahay nasashada doorbiddid gadaal ayaan shanlayn doontaa. Halka dadka kale iska baashaalayaan waa in aad adigu wax dhisatid oo wax qabsatid. Haddii aad HADDA anshax yeelatid, berry waxa aad heli doontaa xorriyad dhinacyo badan ah.
2- Maad habsaamin: Qof bar dhammaadka qorshihiisii jooga ha isbarbardhigin adiga oo bar bilowga qorshahaaga jooga. Qofkastaa waqtigiisa gaarka ah ayuu leeyahay, adigu waqigaaga uun diiradda saar. Isbardhiggu waa dilaaga koritaanka.
3- Saaxiibbadu way yaraan doonaan: Saxiibbada qaarkood way kula jaanqaadi doonaan oo kula kori doonaan, halka kuwa kalana kaa hadhi doonaan; halka qaarna ku khiyaami doonaan. Waa sunnaha isbeddelka. Qofna diyaar uma aha inuu kaa caawiyo noqoshada qofka aad rabtid. Cidkasta sideeda ku aqbal oo ka soco.
4- Caadooyinkaagu waxa ay qeexayaan mustaqbalkaaga: Waxyaabaha aad sida maalinlaha ah u samaysid waxa ay qeexayaan mustaqbalkaaga. Waxa aad maanta samaysid wuxuu sheegayaa waxa aad berri noqon doontid. Hagaaji maalintaada… waxaadna hagaajinaysaa tobanka sano ee noloshaada.
5- Jooji lacag ku bixinta si aad u ekaato qof hodan ah: Muuqaal (iska dhigista hodan) ma aha hanti dhab ah, Ku maalgeli xirfadahaaga. Ku maalgeli caafimaadkaaga. Ku maalgeli hantida (wax kuu shaqeeya). Lacag si fiican loo isticmaalo waxay dhistaa xorriyad. Lacag la khasaaray waxay kaa dhigtaa meel istaag (horumar la’aan).
6- Inta badan talooyinku waa kuwo aan faa’iido lahayn: Feker kasta (ra’yi kasta) qiimo ma leh oo cidkasta fekerkeedu maaha wax shaqaynaya. Kaliya waxa aad dhegaysataa dadka natiijo macno leh ka keenay waxa aad rabtid. Natiijooyinku waxa ay keenaan hagid, halka talooyinku khalkhal qofka ku abuuraan.
7- Waxaad ku fashilmi doontaa safarkan—marar badan: Laakiin taas macnaheedu ma aha inaad joojisid waxqabadka. Markasta xataa khasaaruhu faa’ido ayuu wataa oo leeyahay.
Fashil kastaa wuxuu ku barayaa wax ayna guushu waligeed ku bari lahayn.
8- Qofka aad noqon doonto 30 jirkaaga hadda ayaad ka shaqaynaysaa: Waxa aad maanta samaynaysid ayaa go’aaminaya qofka aad berri noqon doontid. Nidaam darrada, anshax la’aanta, caadooyinka xun… kuwaas oo is urursaday baa ku saamaynaya. Hadda qorshayaal samayso, ama gadaal ayaad qiimo sare bixin doontaa.
9- Diirrada meel saar, si aamusanna u shaqee: Hadalka yaree, hawshana badi. Ismuujinta yaree, dhismaha qorshahaagana badi. Abuur oo dhis nolol wanaagsan oo kuu qalanta.
W/Q: The Dark mentor 0.2 ( English) ( https://www.facebook.com/photo?fbid=122129478471128972&set=a.122093354229128972 ).
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment