Posts

Showing posts from April 27, 2025

Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’

Image
   Hordhac Buugan cinwaankiisu yahay ‘ Ragga oo kaliya’ waxa cinwaan hoosaad u ah ‘ Xeerarka la dhaqanka dumarka.’ Waxa qoray Dr. Ad’ham Sharqaawi. Waxa luuqadda Af soomaaliga ku turjumay Cabdixakiin Obsiiye, oo ah qoraa iyo turjumaa turjumay buugaag badan oo uu ka midyahay buuga ‘ Salaad baa I dhaaftay.’ Buugu waxa uu ka warramayaa habdhaqannada lagula dhaqmayo dumarka, habfekerka dumarka iyo guud ahaan nolosha dumarka. Wuxuu qaab wanaagsan ka bixinayaa xeerarka ay tahay in raggu kula dhaqmaan dumarka. Nuxurka buuga Marka hore waxa uu qoraagu ka warramayaa abuurka labada jinsi ee ragga iyo dumarka. Wuxuu qoraagu ku bilaabayaa in sida qudha ee lagu fahmi karo mawduuca kala duwanaanshaha labada jinsi waa in loo noqdo asalkii abuurta insaanka. Eebbe SWT, wuxuu doonay in la dego meerahan aynu ku noolnahay, waana sidii dhacday oo dhoobo ayaa uu u ka uumay hummaag dada oo u uku farayaraystay, ka dibna wuxuu ku afuufay ruux. Aadan oo bashar dhammaystirana ayaa istaagaya, ha ahaatee ...

Shaqadii iigu horraysay.

Image
  Maadaama maanta tahay maalintii Shaqaalaha Adduunka (May 1), waxa aan rabaa in aan xasuustayda dib u celiyo. Shaqadaydii iigu horraysay waxa ay ahayd Macallinnimo guri ( Home teaching). Wa markii aan Quraanka xifdiyay, Dugsigana ku jiray. Baahi wayn baan u qabay, maadaama ay ugu yaraan wax ii tarayso. Lacagta aan bisha ka heli jiray $15 bay ahayd. Si kasta oo ay u yartahay, haddana wax wayn bay ii qaban jirtay.  Bilihii ugu horreeyay waxa aan ka iibsaday Khamiiskan aan xidhanahay. Waxa la iga siiyay $13, waxaanan ka toshay Dawaarle Boorama ka caan ahaa. Khamiisku wuxuu ahaa Dirays ay lahaayeen Jamciyaddii Al Huda Wal Furqaan oo ahayd urur dhallinyaro ahaa, oo aannu ku midawnay ardaydii aanu isku Maddarasadda Al Furqaan ( Xaaji Kuul) wada dhigan jirnay. Macallin dhallinyaro ahaa, oo aan waxbadan naga waynayn, se caqli badnaa ayaa hormuud noo ahaa waqtigaas. Ardaydii aanu ku wada jirnay Jamciyaddu Dirayskaas ayay soo wada tosheen, anna aniga oo xiisahaas qaba ayaan in badan k...