Shaqadii iigu horraysay.
Maadaama maanta tahay maalintii Shaqaalaha Adduunka (May 1), waxa aan rabaa in aan xasuustayda dib u celiyo. Shaqadaydii iigu horraysay waxa ay ahayd Macallinnimo guri ( Home teaching). Wa markii aan Quraanka xifdiyay, Dugsigana ku jiray. Baahi wayn baan u qabay, maadaama ay ugu yaraan wax ii tarayso. Lacagta aan bisha ka heli jiray $15 bay ahayd. Si kasta oo ay u yartahay, haddana wax wayn bay ii qaban jirtay.
Bilihii ugu horreeyay waxa aan ka iibsaday Khamiiskan aan xidhanahay. Waxa la iga siiyay $13, waxaanan ka toshay Dawaarle Boorama ka caan ahaa. Khamiisku wuxuu ahaa Dirays ay lahaayeen Jamciyaddii Al Huda Wal Furqaan oo ahayd urur dhallinyaro ahaa, oo aannu ku midawnay ardaydii aanu isku Maddarasadda Al Furqaan ( Xaaji Kuul) wada dhigan jirnay. Macallin dhallinyaro ahaa, oo aan waxbadan naga waynayn, se caqli badnaa ayaa hormuud noo ahaa waqtigaas. Ardaydii aanu ku wada jirnay Jamciyaddu Dirayskaas ayay soo wada tosheen, anna aniga oo xiisahaas qaba ayaan in badan ku taamayay in aan tosho Khamiiskaas, Alle mahaddii lacagtii ugu horraysay ee aan ka qaato fiidweerar ayaan ku iibsaday.
Muddo dhawr bilooda ayaan xaafaddaas ugu dhigi jiray carruurta. Bilo ka dib way iska joojiyeen, haddana bilaa camal baan noqday. Muddo markii aan raadiyay ayaan mid kale helay. Halkii ayaanan ka sii waday, oo Fiidweeradka (Home Teaching), waan sii waday, waqti dhawayd oo xataa ahayd waqtigii aan Jaamacadda ku jiray ayaan dhigi jiray macallin guriga. Waa shaqo waqti aan u baahnaa ku soo caana maalay, waxbadanna I tartay oo waxbarasho iyo nolol ba ku maareeyay.
Si kasta oo ay u adagtahay, oo qofku markuu tagayo xaafad ayna wax aqoon ahi ka dhexayn, ee albaabka garaacayo waa hawl. Adiga oo in aad wax dhigtid usoo diyaargaroobay ayuu kayar ee xaafadda u yar kugu ciyaarayaa oo hadduu doono mulqaacad kugu dhufan karaa ama ku rafaadin. Albaabka xaafadda markaad garaacaysid ee ' waa ayo' lagu yidhaahdo adigoo xishoonayaa ' Waa macallinkii'leedahay. Adiga oo soo galay ayaa lagu odhanayaa ' yara joog dumarku baa bilaa shalmadee.' Waa iska caqabad badnayd. Haddana waa shaqo oo waxay kuu taraysaa. Caqabadda shaqo ayay u ahayd.
Shaqaalannimadu waa waqti qofku tababbar nololeed oo adag maro, dhinaca kalana qofku wuxuu ku bartaa samirka, dadaalk, shaqada, hawlkarnimada, masuuliyadda iyo inuu qofku hore u socon karo. Taa baddelkeeda Xorriyadda qofka ayaa xaddidanta, qofka waa la xisaabiyaa, waana meel xabsi u qaab eeg oo qofku xabsi nololeed dareemayo.
Maalinta Shaqaala Dunida ( May 1), awgeed qofkasta oo shaqaale ah waxa aan u rejaynayaa fasax wanaagsan, waxaanan xasuusinayaa inuu halgan lagu bogaadiyo uu ku jiro, aakhirkana guul gaadhi doono.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
May 1, 2025.
Comments
Post a Comment