Posts

Showing posts from September 16, 2018

Wax’akhrisku Waaa Sirta Nolosha

Image
         Wax’akhrisku waa safar, safarkana cibro ayaa ku sugan. Dadka safra ee badawda ahina waxba ma akhriyaan, wixii nolosha cibroqaadasho ku suganna ma garanayaan; waayo ma rixlaynayaan, meel kaliyana waqtigu wuu iskugu bedbeddelayaa. Safarku waa isku mid balse, cibraqaadashu maaha dhaqdhaqaaqa. Cibraqaadashadu waa caqliga socdaalaya ee dhaqdhaqaaqaya. Wax’akhrisku waa fiirfiirin, fiirfiirintana waxaa ku jirta fekrad. Balse, kuwa wax akhriya caqlila’aan waxba fiirfiirin maayaan. Waayo, iyaga oo aan fahmin ayay rabaan in ay wax ogaadaan. Abii Muuse Al-Ashcari waxaa laga doonay fahan.. fahan, ujeeddadooduna waxa ay ahayd ogaansho, fahan ma ahayn. Balse Cumar Buugga ( إعلام الموقّعين عن رب العالمين ) fahmi dabadeed ayuu ku sheegay, warqaddii Cumarna waxa ay isku baddeshay Buugga uu gacanta ku qabtay Ibnu Qayim. Wax’akhrisku wuu macaanyahay, macaankuna wuxuu leeyahay raaxo. Balse, kuwa wax akhriya iyaga oo aan macaankii wax akhriska dareemayni caqli malaha. Waayo, a

Gundheerida Dhibaataa ku jirta; Dhibaataduna way gundheertahay!

Image
Mandiqadeennan waxaa soo maray ilbidhiqsiyo aan innaba caadi ahayn. Xaqiiqo lagu kalsoonyahay lagama hayo dhinacyada   metelaya. Sababtuna waa shakigii oo gogladay booskii kalsoonida. Midkastaana wuxuu ka baqayaa ka kale. Dhammaan way shakisanyihiin, dadkana waxaa kusii siyaadaya cabsashada ay ka cabsanayaan Mustaqbalka. Waayo, daynta waxa la soo qaataa in le’eg, faqrigiinna awood buu sii yeeshay. Gaabkii u dhexeeyay dabaqaduhuna wuu sii batay. Dadka intooda yari waxa ay haystaan madaxnimo iyo xoolo! Intoodii badnaydna waxa ay la taahayaan faqri; dabaqaddii  dhexduna  saaxaddaba way ka baxday. Dhibaatooyinka mandiqaddennu waa waa saddex maanafeesto. Xadgudub diineed oo metelaya feker qufulan oo ah labo nooc: Fekerka qaska oo ay xanbaaesanyihiin kooxaha cunfiga Diineed lihi sida Al-Shabaab iyo walaallahood. Iyo fekerka engagan ee xawilaya intuu maqnaysiiyo doorkii shacabka,   misana waynaynaya doorkii madaxweynaha. Ta labaadna waxa ay adkeynaysaa jiitaannimada siyaasadeed. K

Agabka Geela

Image
Agabka Geela: Seeto (2) Seetadu waa inta xadhiga soohan ee lugta lagaga xidho geela, iyada oo labada lugood in yar loo dhexaysiinaya lana kala fogaynayo. Seetada iyo Dabriddu way kala duwanyihiin oo in yar ayaa u dhexaysa; Seetada lugaha ayaa inyar la kala fogaynayaa; halka dabridda la isku duldhigayo. Badanaaba geela waalla seeteeyaa gugii, haddii la eegayo, Jiilaalkiinna marka aan la eegayna waalla seeteeyaa, walow Jiilaalka mararka qaar la dabro. Balse, xilli gaar ah kuma xidhna. Haddii la seetayn waayo, waxaa dhici karta in uu baxsato ama hallaabo oo la heli waayo, waayo geela lugtiisaa dheer oo lama gaadho haddii uu kaa horreeyo Kiiloomitirro ayuu goynayaa. Xoolaha kale lama Seeteeyo lamana dabro badankooga, walow ay jiri karaan, haddana waa dhif iyo naadir. Geelaa ugu badan kuna caan ah wax la dabro ama la seeteeyo. Agabka Geela: Dabar (3) Dabarku waa in inta xadhig soohan oo miiq jawaan ka soohan la soo qaato lagu xidho lugaha geela iyada oo la isku duldhigayo