Agabka Geela



Agabka Geela: Seeto (2)

Seetadu waa inta xadhiga soohan ee lugta lagaga xidho geela, iyada oo labada lugood in yar loo dhexaysiinaya lana kala fogaynayo. Seetada iyo Dabriddu way kala duwanyihiin oo in yar ayaa u dhexaysa; Seetada lugaha ayaa inyar la kala fogaynayaa; halka dabridda la isku duldhigayo. Badanaaba geela waalla seeteeyaa gugii, haddii la eegayo, Jiilaalkiinna marka aan la eegayna waalla seeteeyaa, walow Jiilaalka mararka qaar la dabro. Balse, xilli gaar ah kuma xidhna. Haddii la seetayn waayo, waxaa dhici karta in uu baxsato ama hallaabo oo la heli waayo, waayo geela lugtiisaa dheer oo lama gaadho haddii uu kaa horreeyo Kiiloomitirro ayuu goynayaa. Xoolaha kale lama Seeteeyo lamana dabro badankooga, walow ay jiri karaan, haddana waa dhif iyo naadir. Geelaa ugu badan kuna caan ah wax la dabro ama la seeteeyo.

Agabka Geela: Dabar (3)

Dabarku waa in inta xadhig soohan oo miiq jawaan ka soohan la soo qaato lagu xidho lugaha geela iyada oo la isku duldhigayo labada lugood. Inta badan waxa lagu sameeyaa geela oo la dabraa. Dabridda haddaynnnu sii furfurno waa xajin ama siihayn. Geela marka la dabro ma dhaqaaqo oo meel dhaadheer ma gaadho. Halka lagu dabro meelo aan ka dheerayn uun buu daaqaa.

 Waxaa laga yaabaa haddii lagu dabro meel in uu maalinta dhan uu dhaafi waayo wax aan Kiiloomitir gaadhayn. Ma fiicna geela haddii la eegayo in la dabraa waayo si fiican uma daaqayo, meesha uu daaqayana ma dheeraanayso. Haddii aan la eegayn oo laga baqayo in uu baxsado ama in uu lumo ayaa la dabraa oo laga tagaa.

Cabdirasaaq Sandheere
Semtember, 2018.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?