Wax’akhrisku Waaa Sirta Nolosha


        


Wax’akhrisku waa safar, safarkana cibro ayaa ku sugan. Dadka safra ee badawda ahina waxba ma akhriyaan, wixii nolosha cibroqaadasho ku suganna ma garanayaan; waayo ma rixlaynayaan, meel kaliyana waqtigu wuu iskugu bedbeddelayaa. Safarku waa isku mid balse, cibraqaadashu maaha dhaqdhaqaaqa. Cibraqaadashadu waa caqliga socdaalaya ee dhaqdhaqaaqaya.

Wax’akhrisku waa fiirfiirin, fiirfiirintana waxaa ku jirta fekrad. Balse, kuwa wax akhriya caqlila’aan waxba fiirfiirin maayaan. Waayo, iyaga oo aan fahmin ayay rabaan in ay wax ogaadaan. Abii Muuse Al-Ashcari waxaa laga doonay fahan.. fahan, ujeeddadooduna waxa ay ahayd ogaansho, fahan ma ahayn. Balse Cumar Buugga (إعلام الموقّعين عن رب العالمين) fahmi dabadeed ayuu ku sheegay, warqaddii Cumarna waxa ay isku baddeshay Buugga uu gacanta ku qabtay Ibnu Qayim.

Wax’akhrisku wuu macaanyahay, macaankuna wuxuu leeyahay raaxo. Balse, kuwa wax akhriya iyaga oo aan macaankii wax akhriska dareemayni caqli malaha. Waayo, aqoontay jecelyihiin jaceyl aan dhab ahayn. Ujeeddadooda dhabta ahina waa in ay helaan uun aqoon, balse, isma wayddiinayaan aqoonta helidda maxaa ka dhalanaya? Aqoontaba ma aqoon daraadeedbaa? Mise aqoontu waa yool magaceed? Waa maxay farriinta bulsho ayna aqoontuba wax macaan ah u lahayn?

Kumay dhaboobin xidhiidhintii ka dhexaysay caalamka fekerrada iyo wax akhriska, xidhiidhintuna waxay u baahantahay dadaal. Balse, kuwa wax akhriya iyaga oo aan fahmin [Kama hadlayo hadda]. Sababtu waxaa weeyi wax kahrisku wuxuu u yahay yool, uma aha uun kaliya waddo/dariiq. Hadduuna qofku xidhiidhinta [akhriska] garanayn uuna isdabagelinayn; sidee buu u fahmi karaa wuxuu qorey Sheekha wayn iyo Faylasuufka wayn ee  Maxamed Al-Qasaali (Masiirkiisii aqooneed iyo ruuxeed)? Sidee buu qofku u fahmi karaa geeddigii ay soo martay bini-aadannimadu? Siduu qofku ku fahmi karaa caalamkan casriga ah haddii uuna wax ka akhrisan mufakiriinta Reer Galbeedka? Sidee buu uga dabbaalan karaa dhibaatooyinka fekerka Reer Galbeedka;  haddii uuna akhriyin Mufakiriintii Islaamka oo uuna fahmin fekerka iyo casrigan hadda waxa dhacaya?

Wax’akhrisku wuxuu leeyahay raadad, raadkuna waa noocyo. Kuwa feker kaliya uun akhriyaa waxa ay ku noolyihiin caalam kaliya. Waxyaabaha Bini-aadanka ku hareeraysani way isku eegyihiin.

Wax’akhriska khibradbaa ku jirta oo laga [dhaxlaa], waana khibrad; khibraddana casharro aqooneed baa ku jira oo laga [dhaxlaa], waana aqoon. Dadka aan waxba akhriyin wax khibrad ah ma helaan, wax sidiisa u qaldan ayay ku jiraan; waxayna ka dhursugaan natiijooyin kala geddisan. Waxaa jira dad wax’akhriya, waxay akhriyaanna jecel. Inay akhriyaanna waajib maaha, waxaa suurtagel ah in ay khaldanyihiin.

Wax’akhrisku waa fahan, fahankuna waa aragti. Qaarbaa wararka akhriya iyaga oo bilaa caqlisiyaasadeed ah.  Qaarna wararka waxa ay akhriyaan iyaga oo bilaa marjac fekereed ah. Fekerkii siyaasadeed waxa ay u eegayaan aragti Diineed. Waqti hore waxa aan saaxadda ku  arkay qof aragti sheegaya oo sidii nas Diineed u sheegaya. Waxayna noolyihiin waqti taah fekereed.

Allah [Aayaddii uu usoo hordajiyay Qu’aanka] waxa ay ahayd (Akhri~ اقرا). Wax’akhriska waa keyd, keydkana waxaa ku jirta hanta. Balse, keydkaa waxaa jirta cid aan akhriyin. Aayadahaasi waxa ay xidhiidh ka dhexaysiiyeen wax’akhriska iyo hantida fekereed. Nasiib malaha ummadda aan waxba akhriyin.

Magaalo yar oo aad ugu dhawayd caasimadda, magaceedana la yidhaa (Gatineau) ayaan habeen xilli danbe aan soo maray Jaamacad magaalada ku taal, waxa aan galay maktabaddii Jaamacadda. Waxa aan ku arkay boqollaal arday iyo cilmibaadhayaal; miskastaana dantiisa ayuu ku fooganyahay [ oo waxbuu akhrisanayaa]. Balse, wax’akhriska qofna kor uma qaadayo [hoosbaa loo akhriyayaa]. Dhaqdhaqaaq tartaneed oo buugta fiirfiirintooda loogu jiraa ma jiro. Waxa iga yaabisay waxaa weeyi dhammaantood way daalanyihiin, haddana ma joojinayaan wax’akhriska iyo cilmibaadhista.

Labo saacadood kaddib ayaan ka baxnay Maktabaddii, waxaanannu ahay walaalo badan oo iskugu jira Soomaaliyiin iyo Jabuutiyiin; waxaannu fadhiisannay maqaaxi. Dadkii ugu badnaa ee maqaaxida fadhiyay waxa ay ahaayeen dadwaaweyn. Naftayda ayaan warsaday.

Wax’akhrisku waa sirta nolosha. Sirta noloshana wayddiimo badan ayaa jira. Noloshu iskuma furto illaa qof haysta furayaasheedii mooyiye. Furaha aasaaska ahina waa wax’akhriska. Ummadda Islaamkuna waxa ay furtay waddo aqooneed. Sidaas daraadeed ayaa qoraalkeeda loogu bilaabaa wax’akhris, looguna dhammeeyaa taqwa. Wax’akhriska iyo Taqwadana waxaa u dhexeeya socdaal dheer.

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi].
W/T: Cabdirasaaq Sandheere [Af Soomaali].


Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"