Gundheerida Dhibaataa ku jirta; Dhibaataduna way gundheertahay!





Mandiqadeennan waxaa soo maray ilbidhiqsiyo aan innaba caadi ahayn. Xaqiiqo lagu kalsoonyahay lagama hayo dhinacyada  metelaya. Sababtuna waa shakigii oo gogladay booskii kalsoonida. Midkastaana wuxuu ka baqayaa ka kale. Dhammaan way shakisanyihiin, dadkana waxaa kusii siyaadaya cabsashada ay ka cabsanayaan Mustaqbalka. Waayo, daynta waxa la soo qaataa in le’eg, faqrigiinna awood buu sii yeeshay. Gaabkii u dhexeeyay dabaqaduhuna wuu sii batay. Dadka intooda yari waxa ay haystaan madaxnimo iyo xoolo! Intoodii badnaydna waxa ay la taahayaan faqri; dabaqaddii  dhexduna saaxaddaba way ka baxday.
Dhibaatooyinka mandiqaddennu waa waa saddex maanafeesto. Xadgudub diineed oo metelaya feker qufulan oo ah labo nooc: Fekerka qaska oo ay xanbaaesanyihiin kooxaha cunfiga Diineed lihi sida Al-Shabaab iyo walaallahood. Iyo fekerka engagan ee xawilaya intuu maqnaysiiyo doorkii shacabka,  misana waynaynaya doorkii madaxweynaha. Ta labaadna waxa ay adkeynaysaa jiitaannimada siyaasadeed. Kuwa sijoogta ah uga shaqaynaya Kursiga Sharcila’aan. Kuwa saddexaad waa fakaag siyaasadeed, oo raba in ay kexeyaan dagaallada sokeeye. Saddexdaa Maanafeesto, waxa ay leeyihiin Saddex sababood:
1- Jaahilnimadu waxa ay leedahay noocyo: Mid fudud iyo mid isasaaran. Waxaa jirta Jaahilnimo cuskan shacabka ka hor nidaamka xaakinka, illaa la sameeyo. Garanna maysid waxa ka socda saaxadda oo dhaqdhaqaaq ilbaxnimo ama siyaasadeed ah. Halkanna fallaagannimada iyo jiitaannnimadu iyo kharaabintu waxa ay helayaan fakaag fekereed oo uu gadhwadeen ka yahay jahliga noloshu.
2- Wuxuu qabaa Sheekh Maxammed Al-Ghazali, in guumaysigu uu fidiyo Fakaagga.  Dhibaato debadeed ma jirayso iyada oo aan la wajahin dhabnimadeed gudeed. Umaaddu waxay leedahay ilbaxnimo fudud. Waynna ka dibdhacday fekerkii gunka dheeraa ee loollankii dhabta ahaa. Fuqahada Siyaasadda qaarkood waxa ay adkeeyaan in mushkiladda dhuuxeegu uuUmmadda kaga hadho haamishka nolosha dheer.
3- In Maslaxad laga helo Wadaadda, iyo Madaxda. Waxa jiro Wadaaddo aan hammi lahayn aan ka ahayn sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen qaar ka mid ah xoolaha debadda ka yimaad. Waa jaahiliin. Balse, waxaa jira Wadaaddo u diyaar ah shaqo iyaga oo ka madaxbannaan madaxda. Maslaxaddaasina waxa 
ay samaysaa caalam ka madaxbannaan iska caabbin.
Dhibaatada fekereed iyo midda siyaasadeedba aad bay ugu   gundheeryihiin geeskeenna. Waanna sababaha ugu waaweyn dhibaato kasta oo geeska ka socota. Xal dhaba loo heli maayo mushkiladaha ummaaddeenna inta aan xal loo helin dhibaatada fekereed. Kuwa Diinta leexinaya…. Sharcidejintu waa mas’alo taariikh leh, oo istaagtay waqtiyadii hore. Waxaa madarasaddan ka jira arrin kale oo dadka ugu yeedhaya in ay Diinta ka tagaan oo ay samaystaan saaxad aan Diin soo celisa lahayn. Waxaynnu arkaynaa in Mustaqbalka dhaw uu Geeska soo foodsaari doonaan kedisyo cusubi.


W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi].
W/T: cabdirasaaq Sandheere [Af Soomaali].

Semtemper, 2018 Ama Muxarram, 1440





Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?