Sookoobidda buugga “ Ku Raaxayso Noloshaada~ استمتع بحياتك”

 

   

Hordhac

Buuggan ladhkiisa la yidhaahdo “Ku Raaxayso Noloshaada ~ استمتع بحياتك” Waxa qoray Dr Maxammed Ben Cabdiraxmaan Al Cariifi. Luuqadda carabiga ayuu sheekhu ku qoray oo u doortay asal ahaan. Dr Cariifi, waa daaci islaam ah oo Sucuudiga u dhashay. Waxa uu wax ka dhigaa jaamacadda Boqor Mascuud ee Dalka Sucuudiga. Shahaadada sare ee Ph.D ayuu diyaariyay, wuxuunna ku qaatay Usuulu Diin, Caqiidada. Culimada uu wax ka bartay waxa ka mid ahaa Sh. Cabdicasiis Ibn Baas. Kutub badan oo kale ayuu qoray, waxa ka mid ah “نهاية العالم (في أشراط الساعة)..” iyo “تجربتي في ربع قرن (نصائح للداعية المبندئ).”

Buuggu wuxuu ka koobanyahay 290 bog. Qaybo badan ayuu iskugu jiraa. Habdhaqanka, iyo hababka dadka lagula dhaqmo ayuu ka warramayaa. Diktoorku muddo 20 sano ah inuu wado baadhidda iyo qoraalka buugga ayuu xusayaa.

Qoridda buugga waxa ku dhalisay sida uu xusay, waxa uu sheegay in markii uu jiray da’da 26 sano jir uu buugga la yidhaa “ Fanka dadladhaqanka ” oo uu qoray Dale Carenegie, uu akhriyay. Buug cajiib ah oo aan muddo badan ku celcelinayay ayuu ahaa ayuu yidhi. Qoraaga buugga Dale Carenegie ayaa sheegay in qofku bishiiba akhriyo oo ka caado dhigto sidii baan sameeyay ayuu Dr. Cariifi yidhi. Xeerarkii uu sheegayay ee dadladhaqanka ayaan dabaqay oo noloshayda ku saleeyay dadkana kula dhaqmay ayuu Cariifi ku sii daray. Natiijo wanaagsan ayaa iiga soo baxday ayuu yidhi. Dabadeedna, Siiradii iyo Sooyaalkii Nebi Muxammed ayaan baadhay, waxaanan goostay inaan buuggan qoro, ayuu ku sii daray Dr. Cariifi.

Buuggani hadda aynnu wadnaa inuuna bilo ama sannad ku qorin oo ku soo bixine uu muddo ka badan 20 sano waday ayuu Dr. Cariifi xusayaa.  Waanna erayo qalbi ka yimid, oo midkale inay si ka qalbi ah ugu duxaan uu rabo. Raaxada uu Cinwaanka buugga ku xusayaa waxa ay tahay QOFKU markuu DABAQO ee ku DHAQMO dhaqannadan ayuu raaxo dareemayaa, noloshana ku raaxaysanayaa.

Nuxurka Buugga

Buuggu waa buug ballaadhan. Xeerar iyo qodobbo ayuu u badanyahay. Waxa aynnu isku dayi inaynnu kuwa ugu muhiimsan ee lafdhabarta u ah buugga qaar ka mid ah si guud u tilmaanno.

Qiso isaga iyo wiil dhexmartay ayuu Wadaadku xusayaa. Waxa uu yidhi “ Farriin baa Moobilka iigu soo dhacday. Farriintu waxa ay ahayd ‘ Sheekhoow, waa maxay Xukunta isqudhgoyntu?’ Ma fahmin. Barbaarkii waan la xidhiidhay waxaanan ku idhi ‘ Cafwan, ma fahmin wayddiintaadii, iigu celi?’ Wuxuu yidhi wayddiintu way caddahay ‘ Waa maxay xukunka isqudhgoyntu?’ Waxa aan doonay inaan kedis kaga dhigo jawaab aan ku soo dhacayn. Intaan qoslay ayaan idhi ‘ Xukunkeedu waa Mustaxab.’ Wuu qaylyay, wuxuunna yidhi ‘ Maxay?’ Waxa aan ku idhi ‘ Xukunka Isqudhgoyntu waa Mustaxab. Balse maxaad ka qabtaa haddii aannu kaa caawinno habkii aad u samayn lahayd?’ Wuu aamusay. Waxa aan ku idhi ‘ Si fiican. Maxa aad u doonaysaa in aad isdishid?’  Wuxuu yidhi: ‘ Wax shaqo ah ma helin… Dadkuna ima jecla… Asal ahaanna waxa aan ahay qof guuldarraystay.’  Wuu iga tagay isaga oo ii warinaya sheeko dheer oo la xidhiidha guuldarradiisa, iyo sida uuna ugu diyaargaroobin inuu ka faa’ideysto waxa uu haysto ee awoodo ah.’  Waa masiibo wayn oo dad badan haysata.”

Sheekadaa ka gadaal baadhisaha uu sameeyay oo uu wayddiin ugu bilaabayo ladhadhkooga ayuu gudagalayaa.  Adduunyada waa ka macruufa werwerka, xanuunka, faqiirnimada, lacagta, qaninnimada, farxadda, IWM. Dad ka dhan way haystaane  ku raaxayso noloshadaa ayuu leeyahay. Mawduucyada uu qaadaadhigayo ee ka warramayo waxa ka mid ah:

1-      Raalli ku noqo waxa Alle qaybiyay, oo nolosha ku raaxayso.

2-    Cibaadada Alle ku dadaal, hoosna u dhig.

3-     Naftaada werwer ha ku dilin, iska yaree wixii buuq kugu furaya, oo nolosha ku raaxayso.

4-    Muranka badan iska ilaali, oo nolosha ku raaxayso.

5-     Carrabkaa ilaali oo hadalka wanaagsan uun ku hadal.

6-    Dhoollacaddee.

7-     Ha isku kellifin waxaanad karayn.

8-    Waxa kuu muuqda xooggasaar, oo waxyaabaha kaa qarsoon ha baadhbaadhin.

Dadkalaqanka iyo sida wanaagsan ee dadka loola dhaqmo ayuu buugga aad ugu falanqaynayaa. Waxyaabaha uu xusayo waxa ugu muhiimsan:

1-      Si wanaagsan u dhaqan: Qoraagu waxa uu xusayaa inuu qofku Masaakiinta, dumarka, carruurta, xawayaanka IWM ah ba si wanaagsan uladhaqmo.

2-    Niyada dar Alle u wanaaji.

3-     Hadalka ka waangsan dooro oo ku hadal: Waxa uu xusayaa inay dadku waxa ay jecelyihiin dhagaysigiisa looga sheekeeyo, halkii looga sheekayn lahaa waxa uu qofka sheekaynayaa jecelyahay. Wuxuunna leeyahay ‘ Dadku waxa ay dhagaysigooda ha helaan uga sheekee, se ha uga sheekayn waxa aad adigu ka heshid ka warramiddooda.”

4-    Dadka kale ihtimaam sii: Qoraagu waxa uu leeyahay qalbiyada ayaan la tacaamulnaaye jidhka lama tacaamulno, markaa dadka qalbiyadooda tixgelin gaara sii.  Dadku markasta oo aad tixgelisid, aad bay kuu jeclaani.

5-     Qofka magaciisa xifdi: haddii aad is aragtaan qofka, ama aad isbarataan magaciisa xifdi oo xasuusnow,si haddii aad mardanbe u baahatid, ama aad la kulantidba magaca ugu yeedhid.

6-    Wax maalaaycni ah ha galin: Macne ahaan wax aynna waxba kaa galin ha doonan. Nebigu SCW waxa uu yidhi “ Qofka Islaamka ah wanaagiisu waxa uu ku jiraa inuu ka tago waxa aynna waxba ka galin.”

7-     Xumaanta lagugu sameeyo wanaag ku gud.

8-    Qofka qalad gala u nasteexee: Sheekhu waxa uu weliba ku darayaa marka aad qofka u nasteexaynaysid, qaladkiisa ku qanci suu u qaato nasteexada,  oo qaladka uu galay si wanaagsan ugu sheeg.

9-    Qofka gaar wax ugu sheeg, dad dhexdii waxba ha ugu sheegin: Haddii aad qofka dad dhexdii ugu sheegtid waad fadeexadaysay ayay ka dhigantahay. Si gaara ugu sheeg.

10- Qaladkaaga qiro oo ha iswaynaysiin: Haddii aad qalad samaysid waa inaad qirataa. Waayo, qofku wuu degayaa marka aad qaladkaaga u qiratid.

11-  Deeqsinnimada.

12- Dhegaysiga baro.

Gebagebo

Si guudmar ah ayaynnu buuggaa qiima leh u eeg, waa buug ballaadhan. U dhugyeelasho badan raba. Intaas ayaan ku soo koobaynaa. Waxa kale ee dheeraada buuggaa laga sii akhrisan.

 

                                                        

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?