Qisada Saxaabiyaddii Qumaysa Bintu Milxaan

 

Saxaabiyaddii Ummu Sulaym Nebiga Alle SCW way jeclayd, weliba jaceylkaasi oo ahaa mid dhiigga iyo lafaha raacay oo kaga milmay, qalbigeedana degay.
Jaceylkeedaasi Nebiga wuu gaadhay, waxaana uga warramay inankeedii Anas, wuxuuna yidhi: “ Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nebigu SCW seexday gurigeenna, waxa ay ahayd maalin aad u kulul oo dhabannadiisa waxa ka da’ayay dhidid, hooyaday ayaa soo qaadatay weel, ka dibna waxa ay hoos dhigtay oo ku shubaysay dhididkii Nebiga, ka dibna Nebiga SCW ayaa baraarugay, wuxuuna yidhi ‘ Waa maxay waxan aad samaynaysaa Ummu Sulaymeey?’ Ummu Sulaym baa tidhi ‘ Nebiyoow, kani waa dhididkaagii oo aan ururiyay, waxaanan ka dhigayna udugayaga, wuxuuna noqon doonaa udugga ugu wacan ee ugu carafta badan.’…”
Qisada Ummu Sulaym oo dhammaystiran waxa aad ka akhridaa buuga Milicsiga Sooyaalka Asxaabta oo ah turjumaadda kitaabka ‘صور من حياة الصحابة والصحابيات .’

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

15 XEER EE NIN RAGEEDKA