Fekerku wuu waarayaa; wixii ka soo hadhaana wuu suulayaa!



Waqtigii hore, caalamka dibdhacay waxa ay  aad u aaminsanaayeen in kaliya awoodda ciidanka iyo ammaanku tahay waxa dawladda ilaalinaya, ee ummadda dhisaya. Sidaa daraadeed waxa ay odhan jireen: “ Ciddii caasimadda gacanta ku dhigta, ciidamana haysta, waxa ay ku guuleysatay  in ay dawladdu u adeegto”. Balse, taasi maaha mid la jaanqaadasa dawladdan casriga ah; haddii aynnu ku eegno halbeegga waqtigan.

Awoodda dhabta ah ee bini’aadamku waa: Aaminaadda (Caqiidada), iyo fekerka─ oo qalbiga iyo caqliga ka ahaadey. Wax awood ku qabsan karaanna ma jiro. Balse, gaadhidda dhabnimadu waxa ay ku jirtaa meel taag ah dhexdeed. Cilmiga hadalka, loojigga, iyo afcelinta kala geddisani maaha wax fudud. Sida aynna dhisidda fekerka, iyo xiiseynta  aragtiyaha kala duwani aynna mid fudud u ahayn! Halkaas aaminaaddu waxa ay helasaa awood, fekerkuna wuu ku dhimanayaa.
Xarakadaha Islaamku waxa ay noqdeen kuwo xambaara awood feker ka hor intaynna noqon kuwo leh awood nidaam. Waxaynna adeegsadaan caddeymo sax ah oo ay dadka ku qanciyaan, iyaga oo ula dhaqmaya kolba sida uu qofku yahay, [amminta iyo xaaladdana eegaya]. Tanaana ka awood badan tabihii cusbaa! Geeska Afrika wuxuu ku guuleystey in uu noqdo lanbarka ugu adeg. Balse, intooda badani awooddii fekerka waxa ay ubaddeleen awood nidaam. Isbahaysiga Yaman wax ba ka muu tarin jiriddii xarakada, waayo fekerkeedu wuxuu awood ku gilgilayaa badhtanka─waxaynna matelasaa awood fekereed. Waxaanna la mid ah: Masar, Falastiin, Urdun, Khaliijka, Galbeedka Carabta (Morooko), Baakistaan, Hindiya, Siniingaal, Suudaan, Maalleesiya, IWM.

Fakaag looma hayo si loo soo celiyo loollankii, oo lagu celiyo sawrac dhaqan, iyo xorrriyad wadata dhammaan maanafastadeedii. Sidoo kale, meel looma hayo si la iskaga hortaago qulqulatooyinka fasaad, iyo kharaab ee meel kasta muush ka ah. Ka ugu khatarta badanna waa ka aan fahmeyn dabeecadda loollankaa, balse dhex galaya isaga oo cid kale ka wakiil ah!

Xarakadu waxa ay ku guuleysatey in ay soo saarto caqliyo cilmiyeysan─oo aan markii hore jirin. Waxaa jira caqliyo cilmi leh, sharci leh, feker leh oo sidii xiddigta usoo ifay, waxaana ka mid ah: Dr. Yuusuf Al-Qardaawi, Dr. Abdul Karim Saydani, Dr. Issam Al-Bashir, Dr. Cali Qurhi Daacii, Dr. Salman Al-Cawda, Dr. Safrul Xawaalii, Dr. Axmed Raysuunii, Sheekh Xassan At-Taraabii, Sheekh Raashid, iyo Dr. Salax Sultaan oo golihiisii ku dhammeeyey buug kun (1000) bog gaadhaya; waanna buug cilmi ku duuganyahay, balse, luuqad taag daran ayuu ku qoranyahay.

Ururkan culimada iyo mufekeriintaba ahi, waxa ay bilaa shaki ku guuleysteen in ay yeeshaan caqliyo khibrad leh. Haddii aynna lahaynta─Taa─kumay guuleysteen fekradda Bangiyada Islaamka ee Bariga iyo Galbeedka. Kii u horreeyey ee boodhka ka jafey wuxuu ahaa Abuu Sucuud, caalimka weyn ee dhaqaalaha dalka Masar. Wuxuunna ka mid ahaa Xarakadaa. Haddeyna dadaalladaasi jirin maynaan aragneen caqliga siyaasiga Erdoganka, iyo Awqaluuga Turkiga.  Sida fekeraaga istaraatijiga ah ee Dr. Alan uu u tusaaleeyo natiijada dabiiciga ee ciidda. Sidoo kale, Dr. Shanqiidi; caalimka siyaasadda. Waxaynnaan illoobi kareyn Aqoonyahan Xasan Al-Murutaaniyi, Dr. Abu Sayd akhriyaagii Galbeedka ee fekeraaga Islaamka, Abuu yacrib Al-Masruuqiyi; Falsafadyaqaankii reer Tuunis, daacigii fekeraagga ahaa Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil, iyo fekeraaggii reer Jabuuti; Ustaad Daahir Maxamed Rooble, labadaasi oo ah Geeska Afrika, iyo kuwo kalaba, waa [aqoonyahannada] waqtigan.

W/Q: Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere.


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?