Hal’abuurnimadu waa Ilbidhiqsi Quruxbadan. Laakiin…….



Hal’abuur ka noqo xagga dookha, aragtida, iyo go’aanka. Balse, hal’abuurku suurtagel maaha ilbidhiqsi kasta. Waxaa jira ilbidhiqsi kaliya oo hal’abuurnimada ku habboon.

Maqaal quruxbadan ayaan ku qoraa Masaajidka. Waxaa laga yaabaa inaan helo fekrad ashqaraar leh, aniga oo ku jira Suuliga. Basle, waxa ay ilbidhiqsiyadu ka sii ashqaraar badanyihiin markaan kaliday ku kaliyaysto qilkayga hurdada, xafiiska, marka aan dhammaysto akhrinta Buug wanaagsan, marka aan guto ee waliba dhammaysto Cibaado raad leh, ama marka aan dhagaysanayo mufaker fiican.

Waxa aan jeclahay inaan dadka kale ka duwnaado. Balse, ma jecli inaan qof wax isku adkeeya noqdo. Waxa aan akhriyaa aragtiyaha mufakiriinta kalageddisan. Ma jecli fekerka goonnigoosadka ah. Naftaydu waxa ay  ka agdhawdahay mufakerka wax cusub, adeg, halis ah qora. Waxa aan necbahay ka buugta wax ka soo guuriya ee aan wax aragtiya lahayn.

Waxa aan la noolanahay hal’abuurayaasha, gaar ahaanna caalamka fekerka. Waxa aan ku laabtaa kutubtooda si joogto ah. Garanmaayo, inta jeer ee aan akhriyay buugta Faylasuufka Cabdiwahaabn Al-Masiiri; waa hal’abuure fekereed iyo Falsafadeed. Waxa aan aad u jecelahay Buugta daaciyadda Qasaali; waa halbuure dacwadeed iyo carineed.

Waxaa innagu jirta cid wax akhrida. Balse,  aan waxba u fiirsan. Waxaa innag mid ah cid wax xifdida. Balse, aan waxba munaaqashayn. Waxaa innaga mid ah cid wax dhagaysata. Balse, aan waxba fahmin. Taasi waa mid ka muuqata Caalamka Islaamka. Waxaynna u baahantahay furfurid. Maxaan wax u akhrinnaa innaga oo aan fahmayn? Maxaynnu muxaadarooyinka u tagnaa innaga oo dhagaysi kaliya uga jeedna?
Ha akhriyin buug uu cinwaankiisu cajiibyahay, ama qaabkiisu wacanyahay. Balse, marka aad doonayso inaad wax akhrido waxa aad isku daydaa inaad akhrido muqaddamada, iyo qayb ka mid ah araarta. Sidoo kale eeg Tusmada. Halkaas ayaad ka garan qiimaha buugga. Immisa buug oo aad gurada kala yaabtay; ayaa gudaha ka madhan!
Waxa aad akhridaa fekerrda; balse, ha akhriyin kaliya sadarrada. Buugga mucdiisa la nooloow, balse, hala noolaan kalmadaha. Indhafuran wax ku akhri.  Adiga oo baraarugsan ruux baadhiseed ku akhri. Baadhiddana garasho ku dar. Waayo, garashadu waa cuntada ay noloshu joogtada ku sii ahaato ee ay ka dhashaan caqliyadu.


W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere
Dec. 07, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?