Aabbahay Rashiid Sh. Maxammed




Yaraan ayaan ku bilaabay eegidda xoolaha. Raggii xoolaha eegi jiray way waynaadeen, oo qofku markuu kuray dhaafo haddii uu xoolaha eego coon baa loo arki jiray, markaa xoolaha wuu joojiyaa, oo beerta ayuu ka shaqeeyaa. Aniga oo Aabbahay Rashiid igu curtay ayaa yaraan la iigu diray markaa xoolaha. Curadka reerkana waxbadan ayaa lagu halleeyaa, sida maantaba ninka XAAFAD curad u ahi, ay sugayaan walaallo uu koriyo, iyo ehel isku ku xisaabtama.

Ka sokowo eegidda xoolaha, dibida ayaan sanwadi jiray. Dibida kuwa aan xaraashka ahayn ee kanaafka ah waxa qasab ah in la sanwado.  Waxa aan aad u xasuustaa maalinta beerta uu aabbo qodayay in la igu yidhi dibida sanwad. Aabbo oo markaa Daabiyadaha ka yimid ayaa dibida meeraray. Xamaantii ayuu saaray. Caloosha ayaa I xanuunaysay, dhawr jeer markaan soo rogay ee sanka hayay ayaan aabbo ku idhi “ Calooshaa I xanuunaysa.’ Laba daran mid dooro, ayay ku noqotay. Inaan aniga oo caloosha I xanuunaysaa sii sanwado dibida, iyo inuu qalabka ka dhigo oo maalintaa halkaa ku daayo qodaalka ayaa la gudboonaatay. In halkaa uu ku joojiyo ayuu go’aansaday.

Dhacdooyin badan ayaa aniga iyo aabbahay nagu wada dhacay muddadii qaddarku wadajoogayaga qaddaray. Foofinta, waraabka, dhibaynta, jeeltiridda xoolaha, tagidda gaafyada, IWM ayaa ugu roonaa. Tagidda aroosyada waan jeclaa, se ka carruur ahaan na looma oggolayn, oo in nala dilo ayaa laga biqi jiray. Halmar kaliya ayaa la oggolaa, oo waa marka qof wayni carruurta raacayo. Habeen baa gabadh gacalka ah  arooskeedii la dhisay. Gacalku inuu tagoi habeenka inantooda la dhisayo waa caado soo jireena oo qofkii ka hadha aad loo dacaayadeeyo. Aabbahay kuma badnayn aroosyada maadaama uu Abboyahay, oo xaafadda masuuliyad badani ka saarantahay. Se tan duruuftaa ayaa keentay. Wuu tagay. Waan raacay anna. Aqalkii laba daryaalaha ahaa ayuu I geliyay. Raggu way mirqaamaan, oo Waaberiga ayay ka yimaaddaan AROOSYADA. Sidoo kale, meesha heeso ayaa ka socda, oo sameecad wayn ayaa la saaraa barandaha sare. Waxa meesha ku luloodaa waa carruurta. Ilmuhu haddii uu 12ka habeennimo gaadho, hurdo ayuu meesha uu joogo ku dhacayaa. Waan yaraa dabcan, waan lulooday. Isla fiid, in Aabbo I kexeeyo oo cawayskiisii iiga tago, iyo in aan meeshaa aan ku dhex lulooday ku seexdo ayaa hortimid. Inuu I kexeeyo, oo arooskan iskaga tago ayay noqotay. Habeenkaana wuu isoo kexeeyay. Se waxa iyadna layaable inaan dham’ay, oo dhinac aan u socdaba aanan garanayn, oo aabbahay ku lahaa ‘ Galbeed baad innoo waddaa’ annaga oo Bari u soconna!

Marar badan isaga oo maqaaxi iska fadhiya ayaan u tagay, oo intaan albaabka istaagay ‘ Aabbahay ayaan doonayaa’ idhi. Marka uu I arko, intuu maqaaxida ka soo baxo ayuu tukaannada u dhaw nacnac iyo buskud iiga qaadi jiray. Ka carruur ahaan marka aannu xoolaha aroorinno waxa  aannu aad u jeclayn nacnaca iyo buskudka. Weliba annagu halka aannu u aroorin jirnay waxa ay ahayd meel iska magaalo ah, oo barkadaha, Tukaannada, iyo Makhaayaduhuba isku hal goob ayay ku yaalleen. Raggu aroortii Makhaayadaha ayay iska sii fadhiisan jireen, oo iskaga sii qayili jireen, dhaanka iyo xoolaha Barkadaha la keenayana ku sugi jireen. Oo hadhaw meelaha barqada ayaa xoolaha ay carruurtu soo aroorin jireen.
Kumaanaan qiso oo aanan halkan ku soo koobi karin, oo xasuusqorkayga ku jira ayaa Abbahay Xurmadle Rashiid goobjoob ka wada ahayn.

Maalin dhawayd ayaan muddo badan ka dib is aragnayn. Waa ii farxad inaan sannadkan 2019ka dhammadkiisa la kulmo Aabbahay. Marar badan oo kale inaan wada joogno oo kulanno ayaan rejaynayaa.




Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"