Safarkeygii Burco



Hadda Burco ayaan galay, waa xilli duhur ku dhawaad ah. Magaaladu iska buuq bay ahayd, oo waa maalin shaqo. Semtenber 11, 2019kii maalin Arabaco ah weeyi. Magaaaladu si guud kulayl way lahayd, se boodh ma lahayn. Magaaladu meel kulayl ah ayay dhacdaa asalkaba. Buuro malaha oo bannaan ayay ku taallaa. Roob badan may lahayn, sida la ii sheegayna aad uma roob badna. Maalintaa waxa bilaabmay Bandhigga buugaagta Burco, oo aan ku casuumnaa.

Burco way koraysaa, oo dhismayaal badan ayaa ku soo kordhaya. Haddii aad magaalada koornaheega marto dhismayaal badan oo socda ayaad indhaha la halacsanaysaa. Inta badanna magaaladu hareeraha ayay ka kobcaysaa oo ka fidaysaa. Badhtamaha iyo suuqana way ka socotaa, oo waxa ii muuqanayay guryo la dumiyay oo fooqaq laga taagayo. Aad bay Burco u kordhaysaa.
Dhinaca waddooyinka magaaladu ma xuma, aadna uma wacna. Waddooyin way leedahay, se waxa ay u badanyihiin kuwo aan la dayactirin, oo inta badan sidii lagu sameeyay lagu illaaway. Marka laga yimaaddo dhawr waddo oo halbowle ah kuwa kale aad bay u liitaan. Waxa iyadna xusid mudan in magaalada aynna waddooyinka laamayda ahi  ku badnayn.

Magaalada qaabdhismeedkeedu ‘Town Plan’ aad buu u wacanyahay. Waxa aad mooddaa in muddo hore aad loo habeeyay, se hadda waayadan dib uu u yara noqonayo oo waxoogaa aan aad loogu baraarugsanayn hagaajinta qaabdhismeedka magaalada. Kollay magaalooyin badan way dhaantaa.
Dhinaca ganacsiga aad bay u soo koraysaa, oo  waxa ka furmaya ganacsiyo yaryar, oo u badan kuwo hal’abuur cusub ah. Sidoo kale, waxa aad uga shaqeeya Maqaaxiyahay shaaha laga cabbo. Waxa kale oo ku soo badanaya Tukaanno yaryar oo sameeya sharaabka la shiido noocyadiisa kaladuwan. Waxa iyadna xusid mudan in magaaladu leedahay Hudheello waawayn oo nasasho, hurdo, cunto iyo waxyaabo badan leh.

 Waxa xusid mudan in magaaladii shakhsiyan iigu horreysay ee aan HUB lagu dhex iibinayo aan ku arko ay noqotay. Xilli duhur ah ayay ahayd, Albeerkadii aan degganaa ayaan ka soo baxay, waxa aan raaddinayaa Hudheel Qadada sameeya oo aan cunto ka cuno, sidii aan u socday ayaan meel luuqa galay, waxaaban arkay Rasaas cascas oo meel daadsan! Markii koowaad waxa aan is idhi ‘ Waar Askar baa fadhida oo ku qayilaysa’ Waaban sii socday. Dabadeedna waxaaban arkay illaa 3 meheradood oo iska soo horjeeda misana iibinaya Qoryo hubaysan oo caadi ah, gaar ahaanna kuwa lagu dagaallamo ee loo yaqaanno AK47! Waan yaabay wallaahi, oo naxdin aanan waayahaa I qaban ayaa I qabatay! Meeshii degdeg baan u dhaafay, oo hudheel waxoogaa u jira ayaan galay. Cuntadii ayuu isoo hordhigay. Cuntadii goor aan cunay, iyo xilli aan ka kacay waan garanwaayay! Runtii aad baan u werwersanaa oo waxoogaa amakaag iyo naxdin ah ayaa igu jiray. Waxa aan ka naxsanaa hubkan Suuqa daadsan ee laga ganacsanayo!
Hubka in dawladdu gacanta ku hayso, oo iyadu maammusho, oo aynna shacabka faraha u galin ayaan ogaa, taas ayaanna wacnayd. Waayo, hubkan sidii bariiska iyo nacnaca loo iibinayaa khatar bulsho ayuu keeni karaa. Tusaale ahaan, haddii aannu qof wax na dhexmaraan oo aannu isku xanaaqno Suuqaa halka hubka lagu iibiyo ayaan tagaya, dabadeedna Xabbad ayaan soo iibsanayaa, sidaana qofka aan doono waan ugu dhufan karaa! Waa arrin aniga dhiillo igu noqotay, markii koowaad ee Suuq lagu iibiyo aan arkana ahayd! Tala ahaan, waxa aan qabaa in hubka dawladdu gacanta ku hayso oo shacabka laga mamnuuco. Waxa jirta berigii dagaalladii sokeeye laga soo noqday in dawladdu wax HUBKADHIGIS ugu yeedhay la sameeyay, oo xaafadkasta iyo qofkasta oo qori haystay laga qaaday. Ma garanayo Burco meel ay ka martay. Se in hub Suuqa Burco lagu iibiyaa sidii Nacnaca waa khatar bulsho, iyo in ay dawladda kolba joogtaa leedahay. Dabcan waxa la yidhi waa laga ganacsadaa oo ragbaa ku nool! Waxa aan u soo jeedinayaa in bulshadu arrimaha noocan ah dhinac iskaga basriso, dawladduna arrintan u dhugyeelato oo waa waxyaabaha dawladnimadu inay qabato la doonayee ay wax ka qabato, oo haddii ay ugu yartahay ay ka ganacsiga HUBKA ee bulshada joojiso.
 Muddo aan yarayn ayaan joogay magaalada. 3cisho oo ka mid ah waxa socotay Bandhig buugeed sannadle ah. Bandhiggaasi aad buu iiga farxiyay. Sannadkii 2aad ee Burco qabsato ayay ahayd. Cidi kamay taageerine dhallinyaro baraarugsan ayaa isyidhi ‘ Bal awooddiinna tijaabiya.’ Way tijaabiyeen, waynna ku guuleysteen, oo iyaga oo aan gacan dawladeed ama Hay’adeed helin ayay si wacan u qabteen.


Bandhiggu saddexdaa cisho (11-13 Semtenber) ee uu magaalada ka socday waxbadan baa magaalada iska baddelay, oo dhinaca baraarugga iyo aqoonta ah. Dhallinyaro badan oo wiilal iyo gabdho iskugu jira ayaa ka so qaybgalay oo waxyaabihii kaladuwanaa ee laga hadlayay ka faa’ideystay. Waxyaabo badana yaa laga hadlay. Waxa ugu ugu mudnaa, hal’abuurka kaladuwan, qoraalka, akhriska, suugaanta, horumarka, ganacsiga, dhaqaalaha, IWM. Si aqoonaysan ayaa looga hadlay, oo mawduuckasta cid u ehel ah ayaa loo dhiibay oo qaadaadhigaysay.

Buugaag wacan ayaa lagu soo bandhigay. Walow ay ku jiraan oo laga halacsanayay kuwo waxoogaa taya ahaan, iyo fekrad ahaan liita oo ‘ ka gaadhsiis ahi’ inay jireen oo lagu soo dhex daray. Waxase wax lagu farxo in wax la qoro. Marka wax la qorayo se waxa wacan in la ogaado waxyaabaha aasaaska u ah. Waa arrin mudan in waqti la galiyo barashada waxa wax laga qorayo, iyo sida loo qorayaaba. Bandhiggu si wacan ayuu ku soo xidhmay habeennimo sabti soo galaysaa. Waan bogaadinayaa dhallinyaradii isxilqaantay.
Dhinaca suugaanta iyo qoraalka magaaladu kama madhna. Abwaanno badan oo Hadraawi ka midyahaya ayaa ka soo jeeda. 
Maalmahaa aan magaalada joogay meelo kaladuwan ayaan booqday. Meelaha aan booqday waxa ka mid ah ‘ GURIGII SOOMAALILAAN LAGAGA DHAWAAQAY 1991kii.’ Waa guri ku yaalla Koornaha magaalada, Burco qofkii tagaana uu booqdo. Saaxiibkey Cabdiraxmaanb Faysal, ayaa ii tilmaamay oo I hagayay maadaama uu igu cusbaa. Gurigu sidii uu ku burburay ee dagaalladii sokeeye u saameeyeen ayuu yahay, marka laga reebo in dayrka oo meelaha qaar ka dumay la dhisay. Afaafka laga galayaa malaha wax albaab ah. sidaa uu yahay ayaa loo galaa lagana baxaa.

Qolal ayuu koobanyahay. Qolalkaasi qaar waa kuwii askartii SNM gali jireen, qaar waa halkii ay cuntada ku karsan jireen, qaar waa halkii ay ku shiri jireen, qaarna waa halkii ay qalabkooga dhigan jireen. Daarad wayn oo hadda dhir badan ka baxday ayuu leeyahay. Dhismuhu wuu wada burbursanyahay, oo dayac iyo duug baa ka muuqda. Maalintii Soomaalilaan lagaga dhawaaqay ayaa waxkaqabasho ugu danbaysay, dib looma soo jalleecin. Guryaha noocan ah dhinac uun baa loo qaadi jiray, dhisid ama dayactir, maadaama uu astaan ummadeed yahay. In waxyaabaha xasuusta leh ee dhismaha u badan sida ay yihiin lagu daayo, iyo in la qurxiyo oo dibudhis lagu sameeyaa waa dood la qabo oo macquul ah.
Burco xagga waxbarashada way ku fiicantahay. Dugsiyo farabadan, jaamacado iyo goobo kale oo wax lagu barto ayaa ka furan. Dhallinyaradu waxbarasho ayay ku mashquulansayihiin. Jaamacadaha ka furan magaalada waxa ka mid ah; jaamacadda Golis, Jaamacadda Alpha, Jaamacadda Togdheer, Jaamacadda Najaax, Jaamacadda Burco IWM. Jaamacaduhu suuqa dhexdooda ayay ku yaallaan badankoogu, marka laga reebo dhawr jaamacadood oo magaalada Koornaheega Kambas ku leh, sida Jaamacadda Golis, iyo Jaamacadda Burco oo aan booqday. Jaamacadda Burco ardey badan ayaa dhigata, deegaan wacan oo waxbarashada ku soo baxaya ayay ku taallaa. Sannadkii 2004tii ayaa la aasaasay.


Dhinaca barashada Diinta, iyo ku dhasqankeedu magaalada wuu ka muuqdaa. Burco, waxaa lagu tiriyaa magaalo aqoonta Diinta aad ugu horreysa oo culimo badan oo waxbartay ka soo jeedaan kuna noolyihiin. Culimo badan oo aqoonta Diinta aad ugu xeeldheer ayaa jooga, waxa ka mid ah Ina Sh. Cali Warsame, Sh. Cabdikariin Xasan Xoosh. Masaajidda aad baa wax loogu bartaa, oo culimadu duruus Diineed oo kala geddisan ayay ka akhriyaan. Dad farabadan oo dhallinyaro iyo waawayn ba iskugu jira ayaa ka faa’ideysta oo wax ka bartay. Madarasado waaweyn oo Qur’aanka Xifdintiisa iyo barashadiisaba lagu barto ayaa ka furan. Sidoo kale, Machaddo wanaagsan oo aad wax looga barto ayaa ku yaalla.

Dadka guud ahaan ku nool magaaladu waa dad ilbax ah, oo aftahannimo iyo af wax ku kala wada. Kaftanka way yaqaannaan oo inta badan wax la tusaalaynayo Burco iyo Mudug dadka ku nool ayaa la soo qaataa. Waa dad aad xaruuri ah oo kaftanyaqaan, haddii gole la yimaadna dadka maddadaaliya, oo rag badan oo riwaayadaha Jilaa Burco ayay ka soo jeedaan.
Burco, maaha magaalo hal maqaal iyo wax la mid ah lagu soo koobi karo. Muddo toddobaad ah oo aan joogay magaalada, oo ahayd markii koowaad ee aan muddo intaa le’eg joogo, ayaa igu kalliftay inaan bal si guud magaalada wax uga idhaa.

Cabdirasaaq Sandheere
Oktoober, 2019
Boorama, Awdal


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?