Naqdinta Buugyaraha “ Mashruucii Ladagaallanka Nuurka”
Hordhac
Buugyaran “ Mashruucii Ladagaallanka Nuurka” waxa qoray
Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac. Wuu koobanyahay oo waa buugyare waraaqo aad u
yaryar lagu daabacay. Marka hore aad baan qoraaga buugga qoray u bogaadinayaa.
Si guud buuggu waa hummaagyo
run buu u muuqdaa la leeyahay. Adigu si kooban waa sheeko qoraagu kolba meesha
uu la doono la aadayo.
Waxa aan isku dayi doonaa in aan nuxurkiisa naqdiyo,
waxoogaa koobanna qoraaga ku diido fekradda buugga, iyo waxa auu ka hadlayo.
Sidoo kale, habqoraalka, iyo qaabdhaca buugyaraha aan farafareeyo.
Farriinta
Sheekada
Buugyaruhu waa mid BAC ku bilaabmaya BAC NA ku dhammaanaya!
‘ Bac’ Af suuqigaa in la ila fahmayaan filayaa. Waa hummaag khiyaali ah, oo se
uu qoraagu ku doodayo ‘Khatar kugu xeersan oo aadan ka warhayn.’ ( Bogga 5). Waa sheeko aan isleeyahay INTA
badan waa xanta suuqa, fadhikudirirka, meelaha lagu caweeyo oo qoraal loo
baddelay!
Waa buug shaykulkulli ah oo waxkasta isku qaadaya ka
hadalkooda, haddana aan kaa haqabtirayn! Mar Waddaniyad buu ka hadlayaa!
Markale khayraad, markale jaceyl! Markale Diin! Markale Dawlad! Wad uun. Waa
gaaraabidhaan kolba meel ka hillaacaya, oo kolba mawduuc wayn isku qaadaya,
haddana aan kaa dharginayn. Dhaliisha
ugu wayn waxa ka mid ah inuu ka hadlayo mawduucyo aannu kaa dharginayn oo aanu
diyaar u ahayn hal’abuur ahaan, iyo baadhid ahaanba iyo inuu bac moorgaraysan
oo hadda Warshadda ka soo baxday kugu xidhayo! Dabadeedna maanta dhan kugu
celcelinayo “ Mashruuc… Mashruuc… Mashruuc…”
Magacan uu qoraagu buugga u bixiyay aad buu u dhutinayaa! Waxa
wanaagsanayd erayga ‘ Ladagaallan’ oo uu sidan u qoray ‘ La Dagaallanka’ qoraal
ahaan waxa wacnayd inuu u isku xidho oo uu u qoro ‘ Ladagaallanka.’ Waxa jira
xeer aan qornayn se qoraayadan danbe agtooda caanka ah oo u dhigan “ Marka laba
eray oo kalago’ani isku xidhmaan in hal eray la iskaga dhigo oo aan waxba loo
dhexaysiin qoraalkooda.”
Laba eray oo soogelooti ah, oo Carabi ka yimid ayaa ku jira.
Labada eray waa loo heli karaa Af Soomaali badhaxtiran oo kaga habboon. Erayga
‘ Mashruuc’ oo qoraagu qaatay waxa Af Soomaaligiisa saxda ahi yahay ‘ Qorshe.’
Halka erayga kale ee ‘ Nuurka’ uu Af Soomaaligiisu yahay ‘ Iftiinka.’ Waxa laga
yaabaa inaad istidhaahdid ‘ Haddii la fahmayo maxay macno leedahay?/ Miyaan
Carabiga ba laga soo ergisan karin…” Waa wayddiin dhaba. Ergesadu afafka
agtooda waa ka caan, se kuwa loo helayo kuwa u dhigma lama soo ergisto. Marka
af wax lagu qorayo, haddii afkaasi ay ku jiraan erayo cabbiraya waxa laga
hadlayaa, maaha in afqalaad wax laga soo ergisto. Qoraaga wax qorayaa dhaxal
ummadeed ayuu ka tagayaaa e Shuuro ma
laaqayo. Waxa wacan ummadda uu wax u qorayo efkeeda dhaladka ah inuu wax ugu
qoro.Waa masuuliyadda qoraaga wax qoraya, taas aan sheegayaa. Dhinaca ladhka
dhaliishaas wayn ayaan ka arkaa!
Magaca buugga iyo xogta ku jirtaa si wacan iskumay haystaan.
Qoraallada dhexdooda si mala’awaala looguma faahfaahinayo ‘ Mashruucan’ ku
xardhan jeldiga! Mar waxa aad mooddaa inuu sheeko jaceyl ka sheekaynayo, oo nin
iyo naagtiisa qaabka ay u wadadhaqmaan iyo xidhiidhka ka dhexeeya ayuu ku
mashquulayaa qoraaga oo metele ka ahi! Haddana buuggu uma dhawa jaceyl, oo
shaqo iyo shuqul toona kuma laha. Aad buu se qoraagu ugu mashquulayaa. Waa
dhalliilaha buugga. Dhalliil ka mid ah kuwa buugga akhristaha indhaha fiiqani
ka soo dhex qaban karo weeyi.
Waxa jirta waxyaabo bulshadu isla dhexmarto, gaar ahaanna u
badan dadka aan ‘ Waxbadan akhriyin ee la socon waayaha.’Arrintaasi waxa ay
tahay in waxkasta oo ay arkaan in ay yidhaahdaan ‘ Waa laga danbeeyaa oo waa
Mashruuc!’ Nuxurka buuggu haddaba wuxuu ku saabsanyahay waxbadan oo inna haysta
bulsha ahaan ‘ Waa mashruuc’ Sida magacuna muujinayo! Runtii waxa aad iila
nasiibxumo in aan aragno dad aqoonyahanno ah oo waxbartay sida Qoraaga oo kale,
oo haddana ku doodaya ‘ Waa Mashruuc!’ Waa arrin sheegaysa abaarowga wacyigeenna,
iyo sida aynu nahay. Waxa iyadna igala nasiibxun in waxaa la qoro oo iyada oo
aan caddaymo iyo u kuurgalid la samayn ‘ Waa mashruuc!’ lagu soo koobsado! Ka
Sandheere ahaan, ma diiddani in wax jiraan, oo faragalin meelaha qaar la innagu
hayo! Se waxa aan diiddanahay in iyada oo aan la caddayn karin Xanta Suuqa iyo
Maqaaxiyaha Shaaha la soo qaado oo sidii qof aan weligii waxba baran kaliya ‘
Waa Mashruuc. Waa wax qarsoon’ lagu soo koobsado! Misana taasi waa salleellee
weliba la innoo qoro!
Waxyaabaha kale ee buuggu ka warramayo waxa ka mid ah ‘ In
horumarla’aanteenna uu cidkale u tiirinayo!’ Tusaale ahaan, waxa uu meelo badan
aad uga warramayaa ‘ Sida Soomaalida loo QAYBIYAY!’ wuxuu ku sheegayaa qaab ‘ Mashruuc ah.’ Xantan waa ta fadhikudirirka,
oo golayaasha odayaasha, meelaha lagu qayilo, iyo dhallinyarada qaarkood ayaa
ku odhanaya ‘ Horumrkeennaa Maraykan iyo Galbeed ka xunyahay!’ Waa arrin lagu
qariyo tabaryarideenna, caajisnimadeenna iyo sida aynnu nahay! Waxa lagaga
dhuuntaa xaaladaha adag marka la maamuli kari waayo. Waxkasta oo dhaca oo xataa
innagu aynu masuul ka nahay waxa lagu dhaafaa ‘ cadawgeennaa wada/Debaddaa laga
wadaa!’ Qoraagu arrintaas ayuu si teelteel ah Federalka Soomaaliya,
Maamulgoboleedyada sida Butlaan, Jubbalaan, IWM ah ku tilmaamayaa! Runtii
aragtida sidan ahi waa mid qofka waxbartay aad ugu qosli doono, isaga oo og ‘
Meesha aynnu joogno ka Soomaali ahaan innagu isdhignay, cid ka danbaysa oo sida
QORAAGU qabo Mashruuc ku soo qaadatayna ayna jirin, haddii ay jiraanna ay
yihiin kuwo aynnu innagu u oggolaannay oo masuuliyadda leennahay se aan marnaba
cidkale loo tiirin karin.’
Qoraagu baco badan ayuu afuufayaa! Waxa ka mid ah oo uu
sheegayaa “… Madaarrada ayaa lagu dhibi jiray qofka loo garto Soomaali,
passport kuu doono muu sito. Waa qorshe aannu u dejin[n]ay in lagu wiiqo oo
hoos loogu dhigo hanka sare ee qofka Soomaaliga ah oo ah noqotay caqaba.”
Bogga 142. Runtii kelidii maaha dadka aaminsan fekerkaa! Islaamaha Shaaha
iibiyaa waxa ay ku doodaan ‘ In Miskiinka Tuulo ka baxay Madaarka Maraykan lagu
dhibo, waa SOOMAALI dartii!’ Alla Huunno, malaha Maraykan waxa ay moodayaan
Farmaajo oo Muuse la ficiltamaya! Ama Soomaaliya iyo Kenya oo badda ay
yaqaannaan isku haysta! Yaa u sheega inuuna Maraykan ogayn ba oo miskiin tuulo
ka yimid. Se Maraykan kaliya xeer uun uu yaqaan oo aannu Soomaali iyo wax kale
toonna aqoon. Yaa u sheega in Maraykan ay u yaallaan hawlo ka waaweyn dhibidda
miskiin baahan oo Soomaali ah!
Waxa kale oo qoraagu aad ugu celcelinayaa ‘ In ku dhaqanka
Diinta Islaamka gaalo la dagaallamayso.’ Tani waa run aan qirayo inay wax ka
jiraan. Se iyada lafteedu sida uu u dhigayo ma aha. In aynnu dalkeenna Islaamka
ku dhaqno waxa innaga hortaagan waa madaxda, se maaha wax ay gaalo kaliya loo
tiirin karo. Waayo dalka gaalo hadda ma haysato, se madax aynu doorannay oo
innaga mid ah ayaa xukuma! Wixii eeda iyagaa leh. Arrintan marka laga hadlayo
waxa wanaagsan in baadhis ah looga hadlo, se aan looga hadal si sheeko ah.
Mawduucyada uu buugyaruhu dulkaxaadis iyo sheeko ahaan u
dulmarayaa maaha kuwii ku wanaagsanaa Sheekaxariirada! Waa kuwa ku soo baxaya ‘
Baadhista Aqoonaysan.’ Waa mawduucyo laxaadle oo aan baadhis wax aan ahayn
lagaga gayoon karin. Se maaha kuwo qof intuu qolkiisa iska fadhiisto wixii la
wanaagsanaada iska qoro. Hadda sheekada waxa aad iiga dhadhantay inayna xaqiiqo
badan, iyo baadhis dheer toona midna shaqo ku lahayn. Waxa aan ka gartay sida
qoraagu u sawirayo hummaagga. Waa mid waqti kooban inta loo fadhiistay aad
loogu shaahay.
Qaabdhaca
Sheekada
Haddii aan qaabka sheekada wax ka abbaaro, ilama aha mid
hal’abuur afeed, iyo hal’abuur curineed ka muuqdo. Marka sheeko mala’awaala la
qorayo waxa ugu muhiimsan in qoraagu aad ugu dadaallo waxa uu ka hadlayo inuu
curin yeesho. Sidoo kale, waxa muhiim ah in sheekada lagu qoro erayi cuddoon oo
qaarkood u jeeddo dheer gudbinayaan. Maaha sida qoraaga sheekadan in
afmaalmeedka Sheeko lagu qoro.
Qoraagu erayada uu
isticmaalay, iyo hannaanka uu isticmaalamay maaha kuwo curin leh. Sidoo kale,
sheekada kama muuqdaan curin hal’abuureed oo qoruhu la gaaryahay. Aad na u
xanxantaynaysa akhristaha. Badanka erayada uu isticmaalaya waa kuwa loogu
talagalay hadalka maalinlaha ah, maaha kuwa sheekafaneedda innoo meteli kara.
Buugyaraha waxa aad mooddaa sheeko meel ka daaran oo aan nuxur curineed, iyo mid afeed lahayn ooa aan ku soo
jiidanayn. Dhankaa dhan dheh. Dhalliil, iyo toosinna ha iga ahaato.
Habqoraalka
Sheekada
Sheekada waxa ka buuxa erayo qoraal ahaan qaldan, oo
habqoraalkooda la ilduufay. Haddii aynnu erayadan qaar ka mid ah xusno wax ka
mid ah kuwa buugga ku yaalla ‘ Tallo, Xallane, Barre IWM.’ Erayadani
dhammaantood waa qalad habqoraal ahaan. Sida saxda ahi waa ‘ Talo. Xalane.
Bare’ Kuw kale, oo badan oo sida kuwan u qaldan ayaa ku jira. Se waxa sheekadu
ka habaarantahay dhinaca ERAYADA LIBINLAABMA. Kuwa badan oo ku jira oo
Libinlaabma ayuu qoraagu iskaga tagay bilaa Libilaabid! Mooyi kama’ iyo kas
waxa ay ahayd.
Waxa sheekada ka buuxa ‘ Erayo Ingiriisi ah.’ Erayadaasi
badankooda in laga maarmi karayay ayaan u arkaa. Waayo waxbadan oo looga
baahnaa ayaan jirin. Qaarkood nuxurka ayay sii xumayanayaan; halka qaar kale ay
nuxurka fogaynayaan. Inta badan marka sheeko af lagu qorayo in afkale lagu soo
daro waa laga dhawraa, waayo way nuxurtiraysaa. Meelaha buugga iintu ku yeelan
karo halkaas ayaa ka mid ah.
Gebagebo
Buugyarahan ‘ Mashruucii L dagaallanka Nuurka’ waa
hummaag mala’awaala oo qoraagu sameeyay, se uu ku doodayo ‘ hummaag rumaad.’
Waxa ay ka hadlaysaa waxa uu ugu yeeshay ‘ Mashuuc.’ Mashruucaas ma qeexine si
duuduub ah ayuu kuu leeyahay ‘ Waa Mashuuc!’ Dhinaca fekradda buugga dheelli
iyo dhinnaan badan oo kala dhantaalan ayaa ka muuqda. Mawduucyada idil ee uu
qoraagu isku furayna ma jiro hal mid oo uu akhristaha si wanaagsan uga
dharginayo waxan uu ka hadlayo.
Dhinaca qaabdhaca sheekadu hal’abuuryari ayaa ka
bidhaamaysa. Waxa aad mooddaa inaan feker badan la galin, misana aan aad loo
dhuuxin hababka loo qoro sheekafaneedda. Sheekafaneeddu waa mid ka mid ah
waxyaabaha ugu heerka sarreeya ee wax lagu gudbiyo. Waa muhiim in qofku aad u
dhuuxo.
Dhinaca habqoraalka sheekadu way hoosaysaa, oo meelo badan
oo qaldan ayaa muush ah. Tifaftir badan oo lagu quraaro, oo lagu shiilo may
helin. Degdeg waxoogaaya ayaa ka muuqda.
Gunta iyo gunaanadka, buugyaruhu mawduucyada uu ka hadlay waa kuwo loo baahanyahay
in laga hadlo. Aad na aad u dhiirrigelinayo in laga doodo, wax laga qoro oo la
gorfeeyo. Se qaabka uu uga hadlay, hannaanka uu u maray, iyo sida ay u
dhigantahay inayna ahayn sidii habboonayd ee looga hadlayay ayaan u arkaa.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Julaay, 2020.
Comments
Post a Comment