Faallada Buugga “ Focus on What Matters”


 


Buuggan waxa qoray qoraa Darius Foroux. Darius waa qoraa buugaag kala duwan qoray. Buugta uu qoray waxa ay ka midyihiin buugta caalamka ugu iibsiga badan. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaahdo “Think Straight and Do It Today.” Iyo buuggan aynu faallaynayno ee “ Focus on What Matters.”

Darius Foroux wuxuu bulshada ka caawiyaa sidii qofku hantiile u noqon lahaa. Wuxuu inta badan wax ka qoraa arrimaha la xidhiidha maalgelinta, waxsoosaarka, caadooyinka IWM.

 

Waxa aan isku dayi doonaa in aan si kooban buugga uga warramo.

1-      Haddii aad fulinaysid waxa aad afka ka sheegaysid waxa aad tahay qof macquula: Qoraagu wuxuu xusayaa in haddii qofku qabto oo ka shaqeeyo wuxuu ku hadlayo inuu yahay qof la isku hallayn karo. Waa qof la isku hallayn karo oo hawsha loo dhiibo lagaga seexan karo.

2-    Diiradda saar waxa aad xakamayn kartid, oo nolosha dabiiciga ahi sida ay sheegayso raac oo waaqica iyo xaqiiqada ha ka baydhin. La heshii waaqaca.

3-      Waxa aynu u baahannahay in waxyaabaha aynu qabanayno aan u qabanno hab ka turjumaya nolol maalmeedka iyo waaqica. Taas ayaa keenta nolol wanaagsan.

4-    Ka feker duruufaha, duruufahaasi ha ahaadaan kuwo togan ama kuwo taban, kuwo waxtar leh iyo kuwo waxyeello leh ba. Haddii arrimuhu iskugu kaa toosanyihiin, ku soco. Haddii ay kaa kala daadanyihiin ha u joojine xal keen,

5-      Noloshu way gaabantahay, lacagtuna saamayn bay ku leedahay. Haddii aad rabtid in aad hantiile noqotid ku soco waad noqon kartaaye. Haddii aanad rabin in aad noqotidna waa caadi.

6-    Naftaada diiradda saar, noqona qofka aad doonaysid in aad noqotid. Haddii qof kale taageeradaada u baahanyahay caawi.

7-      Uma baahnid in aad naftaada wax u soo iibisid si aad maanta uun wanaag ugu dareentid. Maanta ku lumi oo geli waxyaabaha kaa dhigaya qof wanaagsan.

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere.
Dec, 2022.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?