Sookoobidda buugga ‘ Dead Aid ~ Gargaar Gunnimo.’
Hordhac
Buuggan lagu
magacaabo ‘ Dead Aid’ oo aynu ku af Soomaaliyayn karno ‘ Gargaar Gunnimo’ ama ' Gurmad Gunnimo.' Waxa
qortay qoraa Dambisa Moya, oo ku caan ah ka hadalka arrimaha la xidhiidha
gargaarka, bini’aadannima, dhaqaalaha, iyo siyaasadda. Cinwaankiisa guud waa “ Dead Aid”, Cinwaan
hoosaad waxa buugga u ah “ Why Aid Isn’t Working, and How there is another way
for Africa?”
Dambisa, waxa ay
ku dhalatay kuna barbaartay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka. Dugsigii hoose,
dhexe, sare iyo jaamacadda qaybta koowaad waxa ay ku qaadatay isla dalkeeda
hooyo ee Zambia. Shahaadada Masterta waxa ay ka qaadatay Jaamacadda Harvard,
Kulliyadda Dawladnimada; halka Shahaadada sare ee PhD da ay ku qaadatay
Jaamacadda Oxford, gaar ahaan kulliyadda Dhaqaalaha. Baanka Adduunka ayay muddo lataliye ka ahayd.
Sidoo kale, siddood sano ayay ka shaqaynaysay Goldman.
Buuggu waxa ay
qortay 2009kii. Waa buuggii u horreeyay ee Dambisa qorto. Sida New York Times
ay qortay, wuxuu ka mid ahaa buugaagtii ugu iibsiga badnayd ‘ Best Seller.’ Buugga,si
guud waxa ay ku naqdinaysaa, gargaarka waddamada shisheeye siiyaan Afrika. Waxa
uu ka koobanyahay laba qaybood. Waxaanna soo hoosgala 10 cashir, ama cinwaan oo
ladhka buugga la xidhiidha. Bog ahaan
waa 188 bog.
Nuxurka
Hordhaca hore,
waxa ay ku doodaysaa inaynnu ku noolnahay dhaqan ah gargaar, oo Afrikaan ahaan
ay inna quudiyaan reer Yurub. Haddii hore loogu sii dhaadhaco, waxa aynnu
dareemi in kuwa hodanka ahi ay caawiyaan kuwa saboolka ah. qaabka ay u
caawinayaanna waa inay ahaato habka gargaar, ayay leedahay. Gargaarku wuxuu ka
mid noqday qayb ka mid ah maddadaallada warshadaha. Mar kale, waxa ay leedahay
gargaarku waxa uu noqday dhaqan alaabeed (badeecadeed). Waxa ay sidoo kale
qabtaa in GARGAARKU qofkii saboolka ahaa sabool ka sii dhigayo, qofkii soo
korayayna ay hoos u sii dhigayso.
Qeybta 1aad waxa
ay ladh uga dhigtay ‘ the World of Aid ~ Adduunyada Gargaarka.’ Waxa ay kaga
warramaysaa sida waddamo badan u noqdeen meesha qashinka lagu qubo, oo hanbadii
waddanka hodanka ah ka hadha la keeno.
Waxa ay
qaybinaysaa gargaarka. Sida ay qabto saddex qeybood oo aad u waaweyn ayay u
qaybinaysaa:
1- Gargaar degdeg
ah, ama mid Bini’aadannimo:
Kani waa ka dawladuhu isasiiyaan marka qaran masiibo weyni ku habsado, sida
Daadad, abaaro, dabaylo, IWM. Waxa ay tusaale u soo qaadaynsaa Sunaamidii
2004tii ku dhufatay waddamo ka mid ah qaaradda Eeshiya, gargaarkii loo fidiyay
mid degdeg ah, oo bini’aadannimo ayuu ahaa ayay leedahay. Waa mid sal ku haysa
arrin degdega ka jawaabiddeed.
2- Gargaar Sadaqo
ama caawimeed: Waa midka
ay si caadi ah la iskugu caawiyo, ee la isku siiyo, ee dadku isasiiyaan, ama ururradu dawladda
siiyaan.
3- Gargaar habaysan:
Kan waa midka ururrada shisheeye ay siiyaan dal, iyaga oo hab soo marinaya. Ama
dawladi ay siiso dawlad kale, ama Xarun wayn oo sida Baanka adduunka ahi uu
siiyo dawlad.
Qeybta saddexaad
ee ah ‘ Gargaarka habaysan’ ayay sida fiinta ka qaylyasaa Marwo Damisa, oo ay
aad u dhalliilaysaa. Waxa ay xusaysaa
inuuna buuggu khusayn labada qaybood ee hore ee ‘ Bini’aadannimada, iyo
Sadaqada’ se uu khuseeyo qeybta kale ee ‘ Gargaarka habaysan.’
Sooyaal kooban
oo ku saabsan gargaarka ayay sheegaysaa. Waxa ay xusaysaa in gargaarku
bilaabmay saddexdii Toddobaad ee u horreeyay Bishii Julaay sannadkii 1944kii,
kulan ka dhacay Mounta Washintong Hotel, Bretton Woods, New Hampshire,
USA. Dagaalkii adduunka ka dib Toddoba
qaybood oo waaweyn ayaa loo qaybiyaa:
1- Curashadii Bretton Woods, sannadihii
1940maadkii: Qorshaha
Shirkii Bretton Woods wuxuu ahaa sidii dhaqaalaha caalamka loo qaabayn lahaa,
sidoo kale la samayn lahaa ganacsi saddex geesood ah, iyo in la dhiso qaab
iskaashi dhaqaale oo ka hortagaya in uu soo noqdo Burburki Dhaqaale ee waynaa
ee dhacay 1930meeyadii.
2- Cahdigii
Qorshihii Marshal, sannadihii 195omaadkii: markii reer Yurub dhismeen ee dagaalladii ka soo kabteen,
waxa ay isku dayeen inay diiradda meel kale saaraan oo adduunyada kale gargaar
u fidiyaan, gaar ahaanna xooggasaaraan Afrika. Afrika inay gargaarka u
godlatay, oo u bislaatay ayay xusaysaa qoraayaddu. Qaaradda waxa ka buuxa bulsho aan waxba baran, shaqaale mushahar yar
qaata, qaab wanaagsan cashuurta uma
qaadaan, suuq caalamiyana ma helaan. Markaa dadkii ku qalabaysnaa fekradihii
iyo khibraddii Marshal, iyo waddamadii Hodanka ahaa ayaa Afrika fakaag
gargaarka laga beegsado u arkay. Halkaas ayuu gargaaru ka bilaabmay ayay
leedahay Domiso.
3- Cahdigii
Warshadaynta, sannadihii 196omaadkii:
Bilowgii sannadihii 1960maadkii 100 Malaayiin oo Doollar ayaa la keenay
Qaaradda Afrika.
4- Sannadihii
197omaadkii gargaarkii shisheeyaha ayaa loo baddelay wax lagaga jawaabo saboolnimada:
markii hore waqti gaar
ah ayuu iman jiray. Se markan inuu waxkasta gargaar shisheeye lagaga jawaabayo
ayay xusaysaa Damisa.
5- Sannadihii
1980maadkii gargaarkii shisheeye ayaa loo baddelay wax ama agab (tool) lagu dejiyo
oo lagu qaabeeyo Afrika (Horumar wiiqid): Xilliyadan gargaarkii dalka ayuuba soo farageliyay oo in
lagu xisaabtamo, waxna lagu qaabeeyo ayuu keenay. Qorshuhuna wuxuu ahaa in
horumarka la wiiqo. Horumarkii inuu hoos u dhacay ayay xusaysaa marwo Dambiso
Moya.
6- Sannadihii
1990maadkii qorshaha gargaarka shisheeye wuxuu ahaa in dawladnimada jawaab la
geliyo: Gargaarkii iska
soo dabadhacayay ee waddamo badan oo Afrikaan ah lagu harqiyay in waxyaabo
badan jiritaanka dawladnimo Waddamada Afrkaanka ah ayay keentay. Sida ay Damiso
xusayso su’aaaha la iska wayddiiyay waxa iyana ka mid ahaa: Afrikaan
dawladwanaaga iyo anshaxa ma jaamacadaha Reer Galbeedka ayaa lagu soo baraa?!
7- Sannadihii 2000,
Qorshaha gargaarka shisheeye waxa soo baxday in la khammaaro: Qodobkan u danbeeya illaa haddaa waaka
socda ee Afrikaan saameeyay. Gargaarkii la soo diray inay qaar ka mid ah kuwii
loo soo dhiibay dhexda u fadhiistaan, oo iyagu wax ka sii qaataay yay
sheegaysaa. Sidoo kale, muddooyinka danbe dhibaatooyinka Afrikaanka gargaarka
ayaa lagu xalliyaa.
Dambisa, waxa ay
xusaysaa in ka badan 2 Tirilyan oo Doollar 50kii sano ee u danbeeyay in
waddamada Hodanka ahi siiyeen waddamada saboolka ah, Afrikana tahay qaataha ugu
badan gargaarkaa.
Dambisa, waxa ay
xusaysaa inuuna GARGAARKA SHISHEEYE shaqaynayn. Waxa ay tidhi: “ Gargaarka
shisheeye ma shaqaynayo.” Iyada oo
tusaale soo qaadanaysa, waxa ay xusaysaa in Afrika 4okii sano ee u danbeeyay
gargaar shisheeye ku socday. Xagga dhaqaalaha, wax uu ka rido mooyee waxba uma
soo kordhin.
Sababaha uu la
shaqayn la’ayahay dhawr qodob ayay xusaysaa. Aynnu waxyar ka soo qaadanno:
1- Musuqmaasuq.
2- Dagaallo inay dalka
ka qarxaan, oo ummadda wada deggani gargaarka isku qabsadaan ayaa laga yaabaa.
3- Waxsoosaarka ayuu
curyaamiyaa, oo isku hallayn ayuu keenaa.
4- Gargaarku
maalgeshiga iyo waxkaydsashada ayuu yareeyaa.
Dambisa, waxa ay
ku doodaysaa in gargaarka shisheeye uu yahay ‘ Dilaaga qarsoon ee koboca.’ Waxa
ay qabtaa in gargaarkaasi curyaaminayo waxsoosaarka dalka, iyo dhaqaalana.
Sidoo kale, waxa ay xusaysaa inuu qayb laxaadle ka qaato dhiirrigelinta
musuqmaasuga iyo isdabamarinta.
Qeybta 2aad ee
buugga waxa ay ladh uga dhigtay ‘ Adduunyo bilaa gargaar ah.’ Sida aynnu hore u
soo sheegnay, waxa uu buuggu diiradda saarayaa inay tahay GARGAARKA HABAYSAN
(Systematic Aid), se aynna ka warramayn labadii gargaar ( kii Bini’aadannimada
iyo Sadaqada) ee kale. Markaa halkan waxa ay wax ka odhanaysaa waddadama
gargaarka la siiyo haddii laga joojiyo, maxay ku baddelanayaan. Sidayna ahaan
lahaayeen.
In waddamada
gargaarka gurtaa wax dhaama ku baddeshaan ayay soo jeedinaysaa. Dhawr qodob oo
kale in baahida gargaar shisheeye lagu daboolo ayay qabtaa. Marka la joojiyo
waxa ay ku baddelanayso ayay sheegaysaa. Qodobbadaa waxa ka mid ah:
1- In xal hantiyeed la
keeno: Qaab hanti lagu abuurayo waa in la keenaa ayay qabtaa Dambisa.
2- Ganacsi waa in la
abuuraa oo la ganacsadaa ayay leedahay Dambisa.
3- Bangiyo in la
samaysto, ayay soo jeedinaysaa.
4- In qorshe
horumarineed la keeno way qabtaa.
Qoraa Dambiso,
waxa ay iswayddiinaysaa “ Maxay
Afrikaanku qabanlahaayeen ama maxaa u
hirgeli lahaa haddii GARGAARKA LAGA Joojiyo?”
Dhawr arrimood
ayay qabtaa. Waxa ka mid ah waxyaabaha Afrika u hirgeli lahaa:
1- Dhaqaaluhu wuu
horumari lahaa waddamo badan oo Afrikaan ah.
2- Musuqmaasugu wuu
yaraan lahaa.
3- Hal’abuurrada
ganacsi (Enterpreneurs) wuu horumari lahaa.
Waa natiijada la
filayo inay soo baxdo, haddii gargaarka laga joojin lahaa Afrika ayay ku
doodaysaa Dambiso.
Waxa ay ku soo
koobaysaa in Afrika horumarkeegu ku xidhanyahay:
1- Sida ay u baraarugto
ee u miyirqabto. Ikhiraac ama ibafurid cusub inay la yimaaddaan.
2- Inay daacad u noqoto
waxa u shaqaynaya ee ka soconaya horumarkeedana u sii dhawaynaya, misana aynna
isku wareerin wax aan soconayn.
Hal qodob ayay
ku soo koobaysaa, oo ay leedahay ‘ Hal shey Afrikaanku ha ogaadaan, kaasi oo ah
inaan GARGAARKU shaqaynayn.’
Gebagebo
Waxa aynnu buugga
si guud u qaybinnay laba qaybood. Qeybta 1aad wax aynu ku soo bandhignay gargaarka
iyo qaybihiisa, ka aynnu sheegayno ee GARGAARKA habaysani sida uu aafo ugu
yahay ummadda. Xilligii gargaagrku aad u soo batay. Sababaha keena inuu
gargaarku shaqayn la’yahay, iyo sidoo kale in gargaaarku dilaa qarsoonyahay.
Qeybta labaad
waxa aynnu kaga warrannay ‘ Adduun bilaa Gargaar ah’, qaabka uu noqonlahaa,
haddii gargaarka la joojiyo waxa ay waddamada Afrikaanku ku baddelan lahaayeen,
iyo waxa u hirgeli lahaa waddamadaa.
Buuggu mawduuc
muhiimaddiisa leh ayuu lafagurayaa. Dhinac wanaagsan ayuu ka istaagay. In la
akhriyo oo qofkii wax intaa dhaafsiisan rabaa inuu buugga ku noqdo ayaan kula
talinayaa.
Isaga oo Daawasho ah halkan ka daawo:
Buuggii 5aad: Sookoobidda iyo Gorfeynta Buugga " Dead Aid ~ Gargaar Gunnimo." Cabdirasaaq Sandheere ( https://www.youtube.com/watch?v=xkEBxUseW78 ).
W/Q: Cabdirasaaq
Sandheere
18 Dec, 2019.
Boorama, Awdal.
Comments
Post a Comment