Gorfeynta Buugga “ Before You Quit Your Job.”

 


Hordhac

Buuggan la yidhaa “ Before You Quit Your Job ~ Ka hor intaanad iska casilin Shaqadaada” Cinwaanhoosaadkiisuna yahay 10 Real-Life Lessons Every Entrepreneur Should Know About Building a Multimillion-Dollar Business ~ 10ka cashir Nololeed ee Dhabta ah ee ay Tahay inuu Hal’abuur Ganacsi oo kastaa o gaado, oo ah sidii uu uu Dhisi Lahaa Ganacsi Malaayiin Doollar Macaasha.”Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay 1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha Rich Global LLC iyo the Rich Dad Company, iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Waxa qoridda ka caawiyay oo la qoray John Fleming iyo Kim Kiyosaki. Qoraagu wuxuu caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Wuxuu qoray buugaag badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga ‘ Why A students work for C Studenst, and B students for Government.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financial IQ.’ Robert Kiyosaki’s Conspiracy of the Rich, The 8 New Rules of Money.” “Rich Dad’s Success Stories” iyo ‘Rich Dad Poor Dad.’

Buuggu, waxa uu ka koobanyahay 209 bog. Waanna 10 cutub, oo isdabayaalla.

Buugga waxa uu kaga warramayaa 10 Cashir oo qofku markuu doonayo inuu ganacsi samaysto uu ogaado. Tobankaas qodob ayaynu si kooban u dulmari.

Nuxurka

Qoraagu maadaama uu ku caan ahaa wax ka qoridda, iyo ka hadlidda waxyaabaha la xidhiidha  ganacsiga, waxa uu marka hore iswayddiinayaa: hal’abuurnimada ganacsi ma dhalashaa, mise barasho? Waxa uu kaga jawaabayaa, jawaab uu siiyay aabbihiisii hodanka ahaa, oo ahayd “ waa loo tababbartaa.”

Qoraagu cashirradan, uu buugga ku sharraxayo isagaa la soo kulmay, oo waxa uu sheegayaa in sannadkii 1979kii uu shaqadiisii shaqaalennimo ka tagay, dabadeedna isagu bilowday shaqo u gaar ah markii danbe. Se intuuna bilaabin waxa uu sheegayaa markii uu shaqadaa ka tagayay inuuna lacag haysayn, ee uu shiid ahaa. Wax xataa uu alaabta Xafiiska la dhigayo, ama kirada xafiiska uu ku bixiyo ma haynin.

Hal’abuurayaasha ganacsi ee iyaga oo aan dugsiga dhammayn ganacsiyo waaweyn sameeyay, qoraagu qaar ka mid ah ayuu sheegayaa. Waxa ka mid ah: Thomas Edison, Aasaasaha ‘ General Electric.’  Henry Ford, Aasaasaha ‘ Ford Motor Company. Bill Gates, aasaasaha of Microsoft. Richard Branson, aasaasaha  Virgin. Michael Dell, aasaasaha Dell Computers; Steven Jobs, Aasaasaha Apple Computers and Pixar; and Ted Turner, Aasaasaha of CNN.

Isbeddelka uu qofku iska beddelayo shaqaalennimo, ee uu noqonayo hal’abuur ganacsi ayuu qoraagu xusayaa. Waxa uu sheegayaa markasta oo abbihiisii faqiirka ahaa uu yidhaa ‘ Dugsiga tag, si aad shaqo u heshid hadhow’ wuxuu soo qaadan jiray, oo ka hadli jiray amniga. Halka aabbihiisii hodanka ahaa, markasta oo uu kala hadlayo hal’abuurka ganacsi, waxa uu ka hadli jiray XORNIMO. Dabadeedna, qoraa Robert waxa uu leeyahay Aabbahaygii hodanka ahaa ayaan ku idhi “ Miyayna Amni iyo Xornimo isku mid ahayn?”Waxa uu ugu jawaabay: “ Isku mid maaha. Way iska soo horjeedaan. Markasta oo aad ammaan hesho, xorriyaddaada ayaa yaraata… Shaqaaluhu waxa ay jecelyihiin nabadda; halka hal’abuurrada ganacsi ay jecelyihiin xornimada.”

Lacagta saddex nooc ayuu qoraagu u qaybinayaa. Saddexdu waxa ay kalayihiin:

1-      Competative Money: Waa lacagta ay dadku inta badan u shaqeeyaan, ee ah inuu qofku biil ahaan u helo, dallacsiin loo sameeyo, waxayna ka soo horjeeddaa, oo caqabad ku noqonaysaa tartanka ay shirkaddu ku jirto.

2-    Cooperative money: Waa lacagta qaab wadashaqayn, ama iskuxidhnaan ah lagu helo, ee kooxi wadahesho.

3-     Spiritual money: Waa dadka qorshaha, iyo hiraalku u cadyahay ee ganacsiyada lacag ay ku degaan ka raaddiya, waanna nooca ugu wanaagsan lacagaha.

Ganacsiga, iyo qaabka loo aasaaso shirkadaha iyo ganacsiga u qaybinayaa. Saddex qaab ayuu qoraagu qaybinayaa. Saddexda qaybood waxa ay kalayihiin:

1-       Kuwa dadkii ku habboonaa ganacsiga u raaddiya.

2-    Kuwo fursadaha habboon uun eegta.

3-     Kuwo lacagta uun raaddiya.

Inta aanad shaqada iska casilin intan soo socota ogsoonoow, oo sii qorsheyso:

1-      Waa inaa d lahaatid awooddii aad shaqaalannimadan ugu baddeli lahayd hal’abuure.

2-    Awooddii aan ku hawlgeli lahayd ee aad wax ku qaban lahayd adiga oo aan lacag haysan.

3-     Awooddii aad fursadaha ku ilaashan lahayd in ka badan hantida.

4-    Waa inaad lahaatid awoodo maamul oo kaladuwan oo aad ku maammuli kartid dad kaladuwan.

5-     Inaad isku xidhka wadashaqaynta iyo tayada xooggasaartid, in ka badan inta aad xooggasaartid dallacsiinta, iyo biilka.

6-    Weligaaba ahaw qof firfircoon oo wax korodhsanaya- ma jirto maalin qalinjebineed, macne ahaan yayna jirin maalin aad waxbarashada soo gebageynaysid, oo aad halkaa ku joojisaa.

7-     Waxbarashada guud yeel, oo si guud u baro, halkii aad qayb ahaan ka baran lahayd.

8-    Isku dhiirrigeli inaad ganacsiga dhammaantii masuul ka ahaatid.

10ka Qodob ee Hal’abuurka Ganacsi Milyaneer ku noqon karo

Qoraagu 1okaas qodob ayuu ku sharraxayaa buugg Intiisa dabe. Qodobbadaas ayaynu soo qaadan:

1-      Ganacsiga guulestay waxaa la abuuuraa isaga oo aan ganacsi jirin: Qoraagu waxa uu ku sheegayaa in qofku isaga oo aan ganacsigii weli bilaabin uu sii ogaado ujeeddooyinkiisa, meesha uu ka samaynayo, waxa ku baxaya, waxa ka soo galaya, waxa kaga baxaya IWM ah. Waa inuu qorshe ka sii lahaado.

2-    Baro sida nasiibka xun loogu baddelo nasiib wanaagsan: Qoraagu halkan waxa uu ku sharraxayaa inuu qofku qaladkiisa waxka barto, oo uuna isdhigan. Dadka hal’abuurayasha ganacsi waa ‘ Khatar u badheedhayaal’ halka kuwa kale ee shaqaalaha ahi ay yihiin kuwo qaladka ka baqa, kahatarna aan u badheedhin. Qoraagy, waxa kale oo uu xusayaa in waqtigii uu yaraa markii uu ganacsiga bilaabay inuu markii koowaad ku fashilmay oo khasaare galay, halka markii labaad uu guuleystay. Waxa uu leeyahay abbahaygii hodankii wuxuu I baray inay 4 dareen jiraan. Oo nasiibkuna ku xidhanyahay hadba sidaad kuwaa u maamusho. Afarta dareen waa:

B) Cadhada.

T) Farxada.

J) Murugada.

X) Cabsida.

3- Garo farqiga u dhexeeya shaqada aad cidkale u haysid, iyo aad adigu iska leedahay: Qoraagu, waxa uu halkan ku sharraxayaa inuu qofku aad u kala garanayo shaqada uu lacagta ku qaato, ee shaqaale ka yahay, iyo ta uu isagu iskii iskaga leeyahay.

4-Guuldarrada guulbaa ka danbaysa: Halkan qoraaga aabbihiisii hodanka ahaa waxa uu ku baray afar dugsi oo ganacsiga lagu bartaa inay jiraan. Qoraaguna sidaas ayuu u soo guurinayaa. Waxa ay kalayihiin:

-         Dugsiyada dhaqan ahaan ee ganacsiga lagu barto; sida Jaamacadaha Degreega laga qaato.

-         Dugsiyada Ganacsiga ee qoyska: Kuwani waa kuwa xaafadda ee aabbuhu ilmihiisa baro ganacsiga.

-         Dugsiyada Tababbarka ee Shirkadaha: Waa shirkadaha waaweyn ee shaqaalahooga tababbara, ee aqoonta u kordhiya.

-         Dugsiyada Ganacsiga ee Dariiqyada: Waa halka uu qofku ganacsiga iyo hal’abuurka ganacsi ka barto marka uu saddexdaa hore waxba ka baran waayo, ama uu waayaba.

5-Habka/qorshaha ayaa ka muhiimsan hadalka ama yoolka: Qoraagu, waxa uu qabaa in yoolku yahay muhiim, se ay ka sii muhiimsantahay in qofku uu hab uu u maro yoolka lahaado. Waayo, haddii aad dadka wayddiisid “ Kuma ayaa doonaya inuu Milyaneer noqdo?” Qofkastaa gacanta ayuu taagayaa, oo ‘ aniga’ ayuu odhanayaa. Waa u yool inay Milyaneer noqdaan, se waxa ay rabaan habkii iyo hannaankii ay ku gaadhi lahaayeen yoolkaas. Waxaanna jira habab uu qofku wuxuu doonayo uu ku gaadhi karo. Qorshahan uu qoraagu sheegayaa waa ka uu qofku la yeelanayo maamulka lacagta, waqtiga iyo hantida.

6- Jawaabta ugu wanaagsan waxaa laga helaa wadnahaaga/qalbigaaga, se lagama helo maskaxdaada: Qofku marka uu isagu fekero ee wax rogrogo ayay wax u soo baxaan, oo meelgaadhaa. Qoraagu halkan waxa uu tusaale u soo qaadanayaa saddex xaaladood oo kaladuwan oo uu isagu soo maray. Saddexda xaaladood waxa ay kalayihiin:

B) 1974 to 1984—Waa sannadihii uu waxbaranayay qoraagu (Learning Years).
T) 1984 to 1994—Waa sannadihii uu macaashayay (Earning).
J) 1994 to 2004—Waa sannadihii wuxuu galay ee isku qarashgareeyay uu dib u soo celinayay (The Giving Back Years).

Ka hor intaanad shaqada iska casilin ogoow xaaladda aad ku sugantahay.

7) Missionkaagu intuu le’egyahay ( baaxadda)  ayaa go’aamiya waxsoosaarkaaga: Waxa aad rabtid ee kaa go’an inta uu leegyahay ayuu waxsoosaarkaaguna leekaanaya ayuu qoraagu qabaa. Waxa uu ku leeyahay marka hore sii ogoow waxa aad noqonaysid, noocay doonaanba ha ahaadaane.

    8- Waxa aad qorsheysaa (Design) ganacsi uu ku qabto wax aan ganacsiyada kale kuu qaban: Ganacsiga aad doonaysid ha kuu ahaado mid aad ka heshid, wax aanad kuwa kale ka helayn. Qorshe u samayso oo ku dadaal.

9-    Waqtiga gorgortanka Iibka xanafta iyo dagaalka iska ilaali: Waqtiga aad wax iibinaysid isdeji, oo macmiilka iyo qofka wax kaa iibsanaya si wanaagsan ula hadal.

10-Ogoow oo garo waqtiga aad iscasilaysid, ee shaqada ka tagaysid: Ha kuu sii caddaado waqtiga aad istiqaalada shaqada dhiibaysid, oo yuuna madmadaw kaaga jirin.

Gebagebo

Buuggu, waxa uu ka warramayaa waxyaabaha aynu soo taxnay. Si kooban ayaynu u dulmarnay waxa uu daaranayahay. Intaas ayaan ku soo koobayaa.

 Halkan ka daawo:

Qaybta 1aad: https://www.youtube.com/watch?v=XzkbZ_nNWd4&t=159s 

Qaybta 2aad: https://www.youtube.com/watch?v=6lMa4JGi7hs 


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

12-13 April, 2020



 

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?