Sookoobidda buugga “ تعليم المتعلم طريق التعلم~Barashada uu baranayo Ardeygu Habka wax loo barto.”



Hordhac
Buuggan la yidhaa “تعليم المتعلم طريق التعلم.” Waxa qoray Sheekh Burhaan Islaam, oo ku magacdheeraa As-Sarnuuji. Sarnuuji meeshii uu ka soo jeeday ayay ahayd, oo hadda qiyaas ahaan waa meesha u dhexaysa Webiga Jiinjaan, iyo Turkistaan. Wuxuu dhashay 591dii Hijrada. Fiqiyaqaannadii waaweyneed ee Xanafiyada ayuu ka mid ahaa. Wuxuunna ku caanbaxay ka hadalka mawdduucyada aqoonta ku saabsan. Shaqadiisuna qoraa ayay ahayd.
Buuggan uu muddada hore qoray, waa la iskaga danbeeyay oo dhawr wadaad oo kale ayaa dabadii dib u cusboonaysiiyay oo daabacay. Waxa ka mid ah Salaax Maxamed Khiimi, oo sannadkii 1987kii Dimishiq ku daabacay, intuu taxqiiqiyay. Kan aan anigu hayana waxaa soo saaray, oo xataa Muqaddamada ku darsaday Sheekha Jabuuti ee Cabdillaahi Cali Geelle. 2012kii ayuu daabacay. Jeldiga horana wuxuu ba ku qortay ‘تخريج’ oo macnaheedu tahay ‘ Soosaare.’
Buuggu waa buugyare kooban, oo aqoon badani ka tiixayso. Bogag ahaan ma badna illaa 63 bog ayuu ka koobanyahay. Qaybo dhawr ah ayuu leeyahay.
Qoraagu sababta uu buugga u qoray wuxuu ku sheegay markii uu arkay qaar badan oo ardeyda ka mid ahi waqtigeennan inay doonayaan inay waxbartaan, haddana ay helayn midhihiisii, iyo dheeftiisii. Waayo, waddadii loo marayay ayay ka leexdeen, ama ka qaldantay; tiirarkii uu ku taagnaana dhegahay ka furaysteen. Taasaa keentay inaan buuggan qoro ayuu leeyahay.
Waxan uu qoray halka uu ka keenay ayuu carrabaayay, wuxuu  leeyahay waa wixii aan ka maqlay Macallimiintaydii aqoonta iyo murtida lahaa. Iyo waxa aan ka ka soo xigtay buugaagta aqoonyaahanka.
Gudaha Buugga
Wuxuu ku bilaabayaa muhiimadda ay aqoontu leedahay, fahankeeda iyo fadligeeda. Marka koowaad wuxuu soo daliishaday xadiiskii Suubbanaha ee ahaa : “ Doonidda/dalbidda aqoontu waa ku faral ninkasta oo Muslin ah, iyo gabadhkasta oo Muslimad ah.” Qofka faral kuma aha inuu barto aqoon walba, se waxaa ku faral ah inuu barto aqoonta kolba taagan, ayuu leeyahay. Waayo, waxaa la yidhaahdaa: “ Aqoon la barto waxaa ugu fiican ta la barto waxa taagan/ xaaladda. Shaqo la qabtana waxa ugu wanaagsan ta la ilaaliyo taagnideeda. Qofka Muslinka ah na waxaa lagu faralyeelay inuu barto waxa taagan hadda, xaaladdii la doono ha ahaatee.”
Sharafta ay aqoontu leedahay wuxuu ku sheegayaa inay tahay wax DADKA loo gaar yeelay, oo NOOLAHA kale la wadaagin. Waayo, waxyaabaha kale ee sida Geesinnimada, awoodda, IWM waa lala wadaagaa oo noolaha kale wuu la wadaagaa; se aqoonta lalama wadaago.
Shuruudda laga rabo qofka wax barana ayuu taxayaa, isaga oo qaybqayb u samaynayaa. Waxa ka mid ah:
1-      Niyada: Marka wax la baranayo niyadu waa muhiim, waanna bilowga waxkasta. Nebigu SCW wuxuu yidhi: “ Camalku waa niyada.”
2-    Inuu doorto aqoonta uu rabo inuu barto: Marka uu dooranayo ha u kala horreysiiyo sida ay u kala muhiimsanyihiin. Isaga oo ka bilaabaya mid ba ka uu ka muhiimsanyahay.
3-     Inuu Macallin doorto: Macallin uu wax ka faa’idi karo oo wanaagsan inuu doorto ayuu sheekhu xusayaa. Macallinku kaalin wayn ayuu waxbarashada ardeyga ku yeeshaa.
4-    Inuu wayneeyo aqoonta iyo dadka aqoonta leh: In aynna aqoonta si wanaagsan loo baranayn haddii ehelkeeda la ixtiraamayn ayuu sheekhu xusayaa. Ninkii Gabyay wuxuu yidhi: “ Macallinka iyo dhakhtarkuba kulama taliyaan haddii aan la ixtiraamin, xanuunkaaga u samir haddii dhakhtar ku madax adeygto; Jaahilnimadaadana u samir haddii aad macallin ku madax adeygto.”
5-     Dadaal: Ardeyga waa lagamamaarmaan dadaalku waqtiga uu waxbaranayo. Dadaalku inuu albaabkasta oo xidhan furo ayuu xusayaa qoraagu. Hore ayaa loo yidhi: “ Qofkii dadaalaa wuu helaa; qofkii albaab garaacana waa laga furaa.”
6-    Joogtayn: ardeygu waa inuu joogteeyaa, oo waxa uu baranyo si joogto ah uga warhayaa.
7-     Hammi: Hammigu inuu kaalin muhiima ka qaato barashada qofka ayuu qoraagu xusayaa.
8-    Talasaarashada Alleh: waa lagamamaarmaan talasaarashada Alle qofku marka uu waxbaranayo.
9-    Waqtiga: Qofku waa inuu waqtiga ku xisaabtamaa, sidoo kale uu ogaadaa da’duu doono ha joogee inuu waxbaran karo. Qoraagu waxa uu xusayaa waqtiyada uu qofku wax akhriyayo, waxa ka mid ah kuwa ugu fiican Salaadda Maqrib iyo Cishaa’iga inta u dhexaysa, iyo waqtiga suxuurta.
10- Inuu wax korodhsado: Ardeygu waa inuu marwalba wax korodhsadaa, oo uu markasta isku dayaa inuu wax cusub soo biirsado.
11-  Xalaalmiirashada: Ardeygu waa inuu xalaalmiirashada ku dadaalo waqtigan uu waxbaranyo. Inkasta oo xalaalmiirashadu wanaagsantahay waxqtikasta, haddan ardeygu waa ka ugu baahi badan.
Qoraagu waxa uu waxyar ka taabanayaa waxyaabaha qofka  xifdigiisa ilaaliya. Waxa ka mid ah ayuu leeyahay:
1-      Dadaalka.
2-    Joogteynta.
3-     Cuntada yaraysiga.
4-    Salaatul layla oo la tukado.
5-     Qur’aan ka oo la akhriyaana waa ka mid.

Gegagebo
Buugyarahani intaas, iyo kuwo soo hoosgalaya oo ka farcama ayuu koobsanayaa. Waa buug aad u anfacaya dadka ardeyda ah, iyo kuwa doonaya inay waxbartaan.
Ciddii rabta inay waxbarato, ama ku ba jirta waxa aan kula talinayaa inay buugga akhriyaan oo dhugtaan.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
15 Dec, 2019.
Boorama, Awdal.




                                  

Comments

  1. جزاك الله خبرة
    Wll adigana Rabi cilmiga ha kuu siyaadiyo

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?