Xusni Mubarak: Madaxweynihii hore ee Masar



Xusni Mubaarak, ayaa shalay geeriyooday AHUN. Hawlgab ayuu ahaa, oo da’ ahaan  92 gu ayuu cagacagaynayay. Xusni, waxa uu ahaa jiitaa ama keligiitaliye caan ah. Masar waxa uu xukamayay 30 sano, laga soo bilaabo sannadkii 1981kii ilaa 2011kii oo xukunka laga tuuray. Ruugcaddaa in badan siyaasadda iyo maammulka kasoo botorinayay ayuu ahaa. Waqtigaa uu Masar xukumayay aad baa loo tixgelin jiray oo madaxweynayaasha laga haybadaysto ayuu ugu horreeyay.
Sannadkii  1928kii ayuu dhashay. Wuxuu ku dhashay Kafr El-Meselha. Barashada Millatariga ayuu galay, wuxuunna qaatay Kulliyada barashada Diyaaradaha. Baylood diyaaradeed ayuu muddo ahaa.  Sargaal ka tirsan Ciidamada Hawada Masar ayuu ahaa in muddo ah. waxa kale, oo uu soo noqday Abbaanduullaha Ciidamada Hawada Masar, iyo Kuxigeenka Wasaaradda gaashaandhigga Dalka Masar. Markii ay Israa’iil iyo Masar is haysteen ee xurguftu ka kacday Kanalka Suways, Xusni aad ayuu u dagaallamay, arrintaasi waxa ay ka dhigtay HALYAY qaran oo muddadii danbe aad loo tixgeliyo.  Sannadkii ku xigtayna derajo sare ayaa loo dallacsiiyay.
Sannadkii 1975kii ayuu Madaxweyne Anwaar Saadaat Madaxweyne kuxigeen u magacaabay Xusni Mubarak. Booskan isaga oo metelaya wuxuu ka qaybqaaday waanwaantii u dhexaysay Israa’iil iyo Masar. Riyaad iyo Dimishaq  ayuu tagay Sebtenber 1975kii, si uu uga warramo heshiiska ay Israa’iil wadagaleen. Waxa uu kulan ka diiday Madaxweynihii Suuriya ee waqtigaa Mudane  Hafez Al-Assad. Intii wadakulmayeen Boqortooyada Sucuudiga waxa ay kulmeen Waliyulcahdi Fahad ooh ore u diidday inuu Anwaar Saadaat la kulmo.
Xusni, waxa lagu dhaawacay shirqoolkii lagu dilay Anwar Saadaat. Shirqoolka waxaa sameeyay taliyii ciidama Sarreeye Guuto Khalid Islambouli. Markii Anwaar Saadaat la dilay, waxaa xukunka si meelgaadh ah ula wareegay Maxkamadda Ciidama.
Sannadkii 1981kii ayuu Xusni noqday madaxweynaha Masar. Wuxuunna ahaa madaxweynihii 4aad ee Masar. Dalka dibudhis ayuu ku sameeyay. Ururkii Waddamada Carab ayuu dib u shiday, oo Masar kaalin firfircoon ka gashay. Waxa la xusaa inuu ahaa madaxweynayaasha tirada yar ee diidday inay Israa’iil booqdaan. Wuxuu ku guuleystay inuu xidhiidh wanaagsan la yeesho Midowgii Soofiyeeti.
Xukunka markuu la wareegay waxa uu qalabeeyay oo dibuhabayn ku sameeyay ammaanka. Dhaqaale gooniya ayuu u qoondeeyay, meel la majeertana wuu gaadhsiiya. Colaaddii gacanka Masar qayb ayay ka ahayd, oo Xusni ayaa hoggaaminayay.
Shirqoollo badan ayaa la dhigay oo uu ka badbaaday. Illaa 6 jeer ayaa la shirqoolay sida BBC sheegtay.  Madaxweynihii 2aad ee ugu muddada dheeraa dalka Masar ayuu ahaa. Waxa ka muddo badnaa oo Masar in badan xukumayay MD Maxammed Cali Baashaa oo dalka Masar xukumayay 1805kii illaa 1848kii, muddo 43 sano ah.
Xusni, dabayshii Guga Carabta la odhan jiray ee ka soo bilaabantay Tuunisiya ayaa qaadday. Waxa xukunka laga tuuray 2011kii. Muddaharaad socday 18 maalmood ayuu xukunka iska casilay Febraayo 2011kii. Madaxweyne kuxigeenkii dalka in isaga iyo madaxweyne Xusniba iscasileen, awooddii dalkan ay ku wareejiyeen Ciiddamada qalabka sida.
Wixii intaa ka danbeeyay Xusni waalla eedeeyay oo Jeel ayuu galay. Waxaanna eedda lagu daray laba innamood oo uu dhalay. Xadhig ayaa lagu xukumay. Dhawr mar ayaa arrimo caafimaad looga soo saaray.
Shalay 25, 2020, ayuu geeriyooday Xusni AHUN.

Sandheere



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?