Sideed Xanuunka iyo dhibaatooyinka ku soo waajaha uga dhigi kartaa Shidaal hore kuu wada?

  

Qoraalkan laba jeer akhri- waxa laga yaabaa inuu noloshaada baddelee

Qofkasta dhibaatooyinka iyo xanuunku way soo wajahaan, balse inyar ayaa ka faa’idaysata oo aan oggolaan in ay baabbi’iyaan.Waxa aad fahantaa in xanuunku yahay macalinka ugu daacadsan ee nolosha. Dhibaatadu waxa ay kaa khalkhalinaysaa aagaagii raaxada, waxayna soo saaraysaa daciifnimadaada, waxayna kugu qasbaysaa in aad burburtid. Raggu intooda badan way ka dhuuntaan dhibaatooyinka, balse ragga geed adayga ah ayaa xanuunka u baddela tamar.

Haddaba, haddii aad dareemaysid niyadjab, dibudhac ama guuldarro qaad tallaabooyinkan:

1-     Xanuunku waa barbilowga awoodda

Qofkasta oo meeqaam lihi waxa dhisay duruufo uu ku sigtay inay burburiyaan.

Gym-tu keliya ma dhisto murqaha uun, balse sidoo kale waxay yaraysaa xanuunka.

Marka aad dhaawacantid ha iswayddiin ‘ Maxaan u dhaawacmay?’ Se iswayddii ‘Maxaan ka baran karaa?’

2-Cadhada ficil u baddel

Waxa aan cabashada joojiyay maalintii aan ogaaday in qofna inta uu ii yimaad aanu I badbaadinayn oo duruufaha nolosha igala dabbaalanayn.

Marka noloshu ku harraatido, halka ay kugu harraatiday ha ku sii mashquulin, waqtina ha iskaga lumin cudurdaar.

Diidmo kasta oo lagugu sameeyo, qalbijabkasta oo ku soo gaadha iyo guuldarro kasta oo aad la kulanti ha ku noqdaan shidaal aad u isticmaashid yoolkaaga.

3-Xanuunku waa falcelin, maaha guuldarro

Marka aad dhibaato dareentid xanuunkaasi wuxuu muujinayaa waxa aad u baahantahay in aad kobcisid ama waxa kaa dhiman ee korodhka u baahan.

Xanuunku wuxuu ku leeyahay ‘ Weli waad nooshahay, hore usoco.’

Guulaystayaashu kama cararaan/ordaan dhibaatoyinka, balse waxa ay u akhriyaan sida khariidada.

4- Xanuunka u adeegso in aad ku dhistid anshax (Discipline )

Naso marka aad daashid, marka aad seexanaysid saacadda ku buuxso in aad kacdid 5 subaxnimo

Anshaxu waa habka qofku kaga doorto wax gaaban oo aan hore u baabba’aya shay waaraya oo mustaqbalka anfaca.

5- Dhayidda dhaawacu hore ha kuu waddo

Dhayidda dhaawacu waxa ay sheegtaa in aad ka soo kabatay.

Xanuunku wuu dhammaanayaa, balse waxa aad adigu dhistid ayaa weligii jiraya.

Ha iska rejayn nolol fudud, rajee dadaalka waxa aad samaysid.

 

W/Q: The Stoic Ascent

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Faallada buuga “ UNDERSTANDING YOUR POTENTIAL~ Garo karaankaaga”