Nolosha oo Laga Fahmo Dhinac Cusub



Dadku waa laba jaad: Dad u nool si ay u noolaadaan nolol darteed, iyo dad u nool aragti darteed. Haddaba dadka aragtida u nooli waa waa laba nooc: Dad aragtida u nool se aan si dhammaystiran ugu qanacsanayn; iyo kuwo aragtida darteed la nool oo ay noloshooda oo dhan la wareegtay oo ay mulkiday. Kuwa hore aragtida ayay u noolyihiin, waayo way ka faa’idaysanayaan; kuwa labaadna aragtida ayay u noolyihiin, waayo aragtida ayuu ka dhex arkaa badhaadhaha, iyo waxkasta oo kale.

 Dadku dhinaca habdhaqanka waa laba nooc: Qaar waa kuwo ka fekera maxaad hanti iyo magac ba kasban oo heli kartaa? Kuwa kalana waa qaar ka fekera maxaad kasban ee caqli, fekrad, iyo dadnimo ah? Kuwa hore waxa ay qiimaynayaan xidhiidhka aad adigu iyaga la yeelanaysid, waayo waxa aad muhiim u tahay jeebkooda. Kuwa kalana waxa ay qiimaynayaan xidhiidhka ay iyagu kula yeelanayaan; waayo waxa aad muhiim u tahay caalamka fekradahooda. 

 Hoggaamintu waa laba nooc: Waxa jirta hoggaamin ka fekerta uun awood, awoodduna hoggaamiyayaashaas agtooda waa ka aasaas iyo gundhig. Waxa kale oo jirta hoggaamin mabda’ iyo aragti ku dhisan, waxayna awood adeegsataa marka ay dheef ka helayso, marka ayna awooddu muhiimka ahayna way iska dhaafaan, waxa iyaga MUHIIMKA u ahina waa mabda’a iyo shacabka. 

 Dadka ummadda wacdiya ee Diinta ugu yeedha ( Ducaaddu) waa laba nooc: Ducaad aad iyo aad axwaasha meesha ay joogaan ula socda oo maxalliyiin ah, waddanka ayay ku noolyihiin, mana garanayaan waxa ka dhacaya ama ka socda dalka debaddiisa, kaliya hadalkoodu wuxuu ku wareegaa uun waxyaabaha maxalliga ah, badankooduna waddanka ayay joogaan, farriintooduna waxa ay ku koobantahay xuduudda meesha ay joogaan. Sidoo kale, waxa jira Ducaad caalami ah, hadalkoodu waa mid ballaadhan oo caalami ah, dadka ay la hadlaanna waa dad badan, balse saamayntoodu waa mid yar oo aad u liidata, sababtuna waxa weeyaan in uu ka maqanyahay hadalkii isku jiray ee caalamiga iyo maxalligaba lahaa. 

 Siyaasiyiintu waa laba nooc: Siyaasiyiin ku shaqeeya dayrka danaysiga ( Macne ahaan markasta ku fooggan dan), iyo siyaasiyiin kale oo ku shaqeeya dayrka saamaynta ( iyaga oo isku dayaya inay dadka saameeyaan oo noqdaan siyaasiyiin saamayn leh). Kuwa hore waa Faylasuufyo iyo falanqeeyayaal. Kuwa kalana waxa ay ku shaqeeyaan fekrad la’aan. Sida saxda ahi waa in nooca hore lagu shaqeeyo boqolkiiba afartan ( 40%); qaybta labaadna waa in laga dhigo boqolkiiba lixdan ( 60%). Markaas waa in labadaba la isku badhxo oo labada dayr ba la kulmiyo. 

 Dadka halgamaya ee hirdamayaa waa laba jaad: Kuwo u dagaallamaya oo ku hirdamaya dimuqraadiyadda dalkooda, balse u arka in dimuqraadiyadda dalalka kale ayna muhiim ahayn. Sidoo kale, waxa jira dad u dagaallama caddaaladda iyo dimuqraaddiyadda meelkasta oo ay joogaan; dadkanna waa kuwa mabda’a leh. Waxa innagu jira dad neceb Madaxwayne Siisi, waayo waa keligii taliye; sidoo kale waxa jira dad jecel Siisi, waayo dano ayay ka leeyihiin oo dano gaara ayaa kaga xidhan. Tanna waxa ay ka mid tahay calaamadaha iyo waxyaabaha lala yaabo ee ka jira caalamka siyaasadda iyo loollanka.

 Dawladuhu waa laba nooc: Dawlado xubno ah, oo leh taariikh siyaasadeed iyo mustaqbal fog. Sidoo kale, waxa jira dawlado lagu shaqaysto, mana laha taariikh siyaasadeed, waana dawlado la samaystay, mana laha mustaqbal siyaasadeed. Arrinta layaabka lihi waxa ay tahay in siyaasiyiinta qaarkood ay ku xidhanyihiin dawlaha lagu shaqaysto, waxayna noqonayaan uun siyaasiyiin cid kale u shaqeeya. 

 Noloshu waa laba nooc: Nolol aan lahayn wax milgo nololeed ah, dadku way noolyihiin, balse dhab ahaan way dhinsanyihiin. Noloshu waxa ay leedahay nolol, dadkuna waa xor, xorriyadduna waa nolol, geeriduna agtooda kama aha in qalbigu joojiyo shaqada, ama in jidhka ay ruuxdu ka tagto. Noloshu waxa ay agtooda milgo ka leedahay oo nolol ka tahay marka xorriyad la helo, dulmigana la diido. 

 Mustaqbalku dadka agtooda waa laba nooc: Mustaqbal aan la garanayn, tanina dad kala duwan ayay haysataa oo ku dhex faafsantahay. Sidoo kale, waxa jira mustaqbal la garanayo, ama u eeg wax la garanayo, tanina bulshooyinka horumaray way ku dhex faafsantahay. Iyada oo intaasiba jirto mustaqbalku dhabta ahi wuxuu ku jiraa gacanta Alle kelidii. Balse, bulshooyinka horumaray waxa ay iswayddiiyaan wayddiimo si ay mustaqbalka u gartaan. 

 W/Q: Cabdiraxmaan Bashiir 
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
 04, Juun, 202

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"