Caqliga Iyo Naqliga Fekraha Baraarugsan


                   
                   
1-    Waddamadeenna waxaa kanbadhuudha kuwa la dagaalamaya caqliga, illaa haddana kamay tanaasulin. Caqligu naqli la’aan wuu anbanayaa; Diintana wuu ka baxayaa. Wuxuuna u sii siqayaa Sanaadiqada. Sidaasay in badan kaga warrameen Kutubtooda. Waxayna isku khaldeen ra’yiga ka soo fulaya caadifadda, iyo ra’yiga ka soo fulaya caqliga manhajaysan.

2-   Waddamadeenna waxaa laga helaa cid dagaal ku dhawaaqday oo caqligii kula dagaalsan magac Diineed. Xigtadii fekerka iyo caqligana waxay ku sifeeyeen Caqlaaniyiin. Caqlibadnihiina waxay ka dhigeen shayddaan la fogeeyay. Sidaasayna qulqulka Diinta dhexdeeda uga soo muuqdeen faaruq [abaar] feker, iyo dhoohanaan siyaasadeed. Sabobtuna waxaa weeyi caqligii manhajaysnaa ayaa ka maqan [waqtiga] la baranayo culuunta Islaamka.

3-   Wadamadeenna waxaa la arkaa yeedhmooyin lagu xoorayo caqliga oo lagaga saarayo manhajka. Caqligu wuxuu ka soo horjeedaa naqliga. Naqliga kaliya ayaa ah dariiqa Allah kalidii loo marayo; waxaynannu aragnaa cid waxyiga ku dhiganaysa bilaa caqli. Saaxadda way ka habsaameen diraasooyinka lagu barto Cilmiga usuulul Fiqiga. Sidaasa ayuuna cilmigani u yahay calmiga Fiqiga, hadlaha Shareecada. Maqnaanshiyaha cilmiguna waxa ay caddaynasaa [boogo dhayid u baahan].

4-   Waddankeenna kaliya ayay falsafaddii noqotey hadimmo, akhrintii natiijada fekerka qofka Islaamku iyada oo taariikhda loo eegayo (waxa ay noqotay0 Sandaqad ~ زندقة). Arrinta ummaddani waa layaab! Siyaasigii wuxuu ku ciyaaray caqligoodii. Fekerkii markuu doono wuu diidayaa, markuu doonana daruuriyad ayuu ka dhigayaa. Balse, bulshooyinka noolnooli taariikhda waxa ay ka bartaan oo ay ka soo saaraan fekrado laxaadle. Halkan waddankeenna waxaa laga helaa cid nacaysa Qasaali, waayo waxyiga ayuu ku fahmay dariiq caqliyeed. Waxaa laga yaabaa in ay innaga mid yihiin cid dagaal ugu dhawaqday Ibn Siinaa, waayo wuxuu u matalaa ummadda Daabuurkii shanaad; intuuna noqon aqoonyahan ama saynisyahan ka hor wuxuu noqday Faylasuuf. Intuuna noqon qof muuqda (muuqde) ka hor wuxuu noqday qof qarsoon (qarsoome).

5-    Waddankeenna caqligii wuxuu galay shabag tuhun; waligiinna waxa ay ku tiriyeen tuhunkaa. Halkanay caqligii karaamada iyo dheeraadka lahaa ka noqday dhinnaan (naaqus). Maalin qudhana isma iwayddiin; waa maxay farqiga u dhexeeya dadka kaa’inaatkiisa bayoolaji ahaan, iyo kaa’inaatka intooda kale? Muxuu bini-aadanku dhiggii kaga duwanyahay? Maxaa isaga kalidii loola hadlay? Waxaan iswayddiiyey: maxay awoodda diineed uga cabsanaysaa caqliga? Maxay uga cabsanaysaa waxbaadhista, iyo cilmiga loojigga? Haddii aynu Muslimiin nahay miyaan ka reebbanahay caalamkan? Waa maxay xaaladdan carruurnimo ee waligeed ahi?
6-   Waddankeenna caqligii manhajiga ahaa aad buu ugu dibdhacay, Qur’aanka caqliga laftiisa (daatadiisa) ma amaanin, wax daliilana waxyiga loogama soo helayo. Balse, wuxuu amaanay caqliga manhajiga ah: Waana caqliga cilmiga [ku dhisan] ee iska baddelay dayrkii INFICAALIGA, iskuna baddelay dayrkii qabashada. Waana caqliga ka fekeraya Kownka, raadinaya sirta abuurka, fiirinaya xanuunnada, socdaalaya isaga oo taariikhda ku cibra qaadanaya oo baadhaya sida sida loo abuuray abuurka iyo halka ay ka bilaabantay.  Fiirfiirintaasi waata Qur’aanka la innaga dalbay: “ Dhulka socda oo fiirfiiriya sida loo bilaabay abuurka..”
7-    Waddankeenna kaliya, caqligii faahimka ahaa waxaa lagu xidhay caqli xisaab sayniseed ku xidhan─ ama caqli xisaab taariikheed. Taariikhda, wararka iyo qisooyinka laga sheegay Nebiyadii iyo Rasuulladii waa waxyiga (Qur’aanka) rubicii. Aayadaha lagu sheegay in la fekerku waa illaa in ka badan kun aayadood, oo u dhiganta sudus (lix meeloodoow meel). Wayddiintu waxa ay tahay; maxay mas’alooyinka fiqigu uga xoog roonaadeen mas’looyinka muhiimka u ah sida Fiqiga? Fiqiguna aad buu ugu baahanyahay. In la dhiso caqli aqoon leh, waxaa u sabob ah dhisidda manjah aqoonaysan. Waana waxa uu waxyigu rabo ee uu u soo bandhigayey sidii la nolosha la isku xukumayay.

8-   Waddankeenna kaliya marxaladda baraarugi waxa ay u baahi qabtaa amaba ku xidhantahay  shidaal. Waxaynanu aragnaa waxbarasho ku taxan taariikh caqiido, balse, aan caqiido ahayn. Dhab ahaanna laguma magacaabi karo barasho caqiido. Balse, waa barasho taariikheed oo la baranayo hadal dhex maray dugsiyo ama macallimiin kala geddisan. Mas’alooyinka doodda leh, inta badan  dadka baraarugu waxa ay arjaxaan mad’habka Axmed Bin Xanbal, Ibnu Taymiya iyo kuwa kale, waxayna ka arjaxaan kuwa kale. Waxa ashqaraarka lihi waxaa weeyi raajixyada Ibn Taymiya ma saarna dhallinyaro caqli wax ku xukuma, balse, way naqliyaan. Laakiin, kuwa Qasaali, Juwayni, Nawawi, iyo Ibn Xajar maaha naqliya’e waa kuwo caqli ku xukuman.

9-   Waddankeenna kaliya, fekerkii waalla tuhmay, waayo wuxuu ka yimid (ka dhashay) caqli. Wayddiinta qadhaadhi waxa ay tahay: maxaa u dhexeeya fekerka iyo fiqiga? Fekerka caqlibaa dhala, fiqiguna waa sidaas oo kale. Laakiin, dadka qaar ayaa isku khalda, oo fiqigii waxay ka dhigaan islaam, fekerkana waxa ay ka dhigaan mid aan Islaami ahayn.

10) Fiqigu waa maxsuulka caqliga manhajiga ah, marka uu la dhaqmayo waxyiga. Fekerkuna waa natiijada baadhista, marka uu la gorgortamayo waaqica. Waxa weeyi caqliga cilmiga lihi wuxuu dhalaa fiqi iyo feker. Balse, waxaa jirta mas’alo muhiim ah, ayna waajibtahay in aan baranno, waxaana weeyi: Fekerka Islaamku wuxuu la dhaqmayaa dhammaan, bini-aadanka, kawnka iyo dhammaan nolosha jaadadkeeda kala geddisan, sida uu ustaad Sayd Qudb Kitaabkiisa (خصائص التصور الإسلامي) ku sheegay. Iyo sida uu Dr Cabdalla Cadaa Cumer ku sheegay kitaabkiisa (معالم الفكر الإسلامي ، ضوابطه وخصائصه). Fiqiguna wuxuu la gorgortamayaa faraca. Halkanna ma suurgalaso in uu muslinku la macaamilo nolosha fiqi la’aan.  

Fekerku waa shaqo dadaal badan iyo fahan ballaadhan oo nolosha ah u baahan. Sidaas adaraadeed ayuuna waxyigu innooga dalbay in laga shaqaysiiyo caqliga si loo fahmo nolosha. Waxaa agteena yaalla erayada feker, fekerid, dhugasho, iyo fiirfiirin. Kuwa caqliga dagaalka ku soo qaaday maanta ma fahmayaan waxa dalka ka socda ee isbadbaddelka khatarta aha. Waxayna ku qaabbili oo ay ku dhaafo waa fitno dulqaatihii ka dhigaysa xayraan. Waayo caqligii manhajiga ahaa ee nolosha si fiican u fahmayay ayaa ka suulay. Taasi waa caajisnimo gudeed oo ay ka soo burqanayso murti la’aani. Waxaynu leenahay keyd debadeed, sidaas ayuuna Qasaali u qoray kitaabkiisa cusub (جهاد الدعوة بين عجز الداخل ، وكيد الخارج ). Fekerkan gaabani wuxuu ku guulaystay in uu saameeyo caajisnimadii gudeed iyo nidaamkii siyaasadeed ee jiitaaga ahaa. Gumeysigiina wuuku mashquulay fekerkan gaaban eek u dhisan fekerka iyo siyaasadda.
 





 W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi].
W/T: Cabdirasaaq Sandheere

May, 2018


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?