Sookoobidda Buugga “ 21 Lessons for 21st Century – 21ka Cashir ee Qarnigan 21aad”

Hordhac

Buuggan la yidhaa “21 Lessons for 21st  Century – 21ka Cashir ee Qarnigan 21aad” waxa qoray Yuval Noah Harari. Yuval, waa aqoonayahan ku takhasusay Taariikhda Caalamka. Waa Yuhuudi. Wuxuu Ph.D ka qaatay Jaamacadda Oxford. Hadda wuxuu taariikhda ka dhigaa Jaamacadda Hebrew.
Laba buug oo kale ayuu qoray. Mid waxa la yidhaa “Sapiens: A Brief History of Humankin” Wuxuu kaga warramayaa tagtadii inna dhaaftay. Ka kalana waxa la yidhaa “Homo Deus: A Brief History of Tomorrow” Wuxuu kaga warramayaa timaaddada iyo sida ay dadku u ekaan karaan. Buugtaasi waxa ay ka midyihiin buugta Caalamka loogu iibsiga badanyahay. Waxaa laga daabacay in ka badan 12 Milyan oo Nushkhadood. Waxaanna lagu turjumay in ka badan 40 Luuqadood.
Buugga qaybta hore waxa uu ku sheegayaa inuu u hibeeyay NINKIISA! Waa Khaniis nin kale qaba.
Buuggan 21 Lessons for 21st  Century’ labadaas ayuu u dhexeeyaa, oo waxa uu kaga warramayaa waqtigan aynu joogno, iyo qarnigan aynu ku jirno. Wuxuu ka koobanyahay 333 bog. Waa 6 qaybood oo ballaadhan oo ay ku dhexjiraan 21ka cashir. Si guud baynu u duljoogsan.
Nuxurka Buugga
Qoraagu, waxa Qeybta 1aad kaga warramayaa “ Caqabadda Tijnoolayidda.” Halkan waxa uu ku eegayaa caqabadaha ay keentay Tijnoolajiyada. Wuxuu soo hoosgelinayaa sida ay u saamayso nolosha dadka. Halkaana waxa uu ka bilaabayaa 21ka cashir ee qarnigan 21aad, sida:
1-      DISILLUSIONMENT: Niyadjab: Dad badan waxa so wajahaya werwer iyo niyadjab ay ka qabaan sida ay waayuhu yihiin, iyo qaabkan adduunyadu ku qaabishay.
2-    Shaqada: Saamayn ayay Tijnoolajiyadu ku keenaysaa. Qoraagu waxa uu xusayaa in shaqadii Bini’aadanka ay qaban doonaan robot, oo dad badan ayaa bilaa shaqo ku dhici doonta. Markasta oo qofku waynaadana waxa uu noqon doonaa bilaa shaqo
3-     Xornimo: In mudnaan koowaad la siin doono oo la qiimayn doobi xorriyadda qofka iyo dookhiisa ayuu qoraagu xusayaa.
4-    Sinnaan: Qoraagu, waxa uu qabaa in la sinnaan doono, oo dadka ay Tijnoolayidda iyo Carra’edegayntu simi doonto. Maadaama ay adduunyadii maqaaxi yar iskugu soo ururtay inay sinmi doonto ayuu xusayaa. Sidoo kale, waxa uu ku darayaa marka la sinmo ee dadku isku mid noqdaan dhinacyo badan in ay mustaqbal yeelan doonaan dadka xogta hayaa. “ Ka xogta haya ayaa mustaqbalka leh” ayuu qoraagu leeyahay.
Qeybta 2aad, qoraagu waxa uu kaa warramayaa “ Isbeddello Siyaasadeed.” Siyaasaddu saamayn ayay keeni. Wuxuu ku xusayaa qaybtan qodobbadan:
5-     Bulshada: Bulshada dhinacyo kaladuwan ayuu isbeddel kaga iman doonaa. Qoraagu waxyaabaha uu xusayo halkan waxa ka mid ah sida uu bulshaday u saamayn doonaan baraha bulshadu, gaar ahaan Faysbuugga.
6-    Ilbaxnimada: Ilbaxnimooyin badan ayaa jira. Ilbaxnimooyinkaasi qaarkood way isku dhici oo waxaa iman “ Iskudhac Ilbaxnimo ~ Clash of Civilizatiom.” Ilbaxnimooyinka ka jiraana qaarkood ayna isla jaanqaadayn, oo isfahmayn. Se ilbaxnimada ama sheyga kaliya ee dadka oo dhani ka simanyihiin waa caqabadaha iyo fursadaha.
7-     Waddaninnimo: Dad badan waddamadooda ayay jeclaan, oo ay horumar badan u soo kordhin sida in ay Nuclear sameeyaan.
8-    Diimaha: Dadku in ay Diimaha, iyo aaminaadada aad iskugu kala duwanaanayaan ayuu xusayaa.
Qeybta 3aad, waxa uu kaga warramayaa “ Rejala’aan iyo Rejo.” Dhawr qodob ayuu soo hoosgelinayaa ladhkan. Waxa ka mid ah:
9-    Argagixisada: Argagixisadu noocay doonaan ba ha ahaadaane dad badan ayay dilaan, sidaas si le’eg dad badan ayay niyada ka jebiyaan oo rejadooda dilaan. Qoraagu, waxa uu soo qaadanayaa  argagixisada Maraykanka, Afgaanistaan, iyo Ciraaq.
10- Dagaallo: Tobankii sannadguuro ee u danbeeyay in uu adduunku nabdoonaa ayuu xusayaa. Se ka hor in ay dagaallo, iyo qas badan ka dhaceen afka ayuu ku dhufanayaa.
Qeybta 4aad, waxa uu qoraagu ladh uga dhigayaa “ Run.” Dhawr qodob oo ka mid ah a 21kaa qodob ayuu soo hoosgelinayaa. Waxa ka mid ah:
11-  Jaahilnimada: In uu qofku aqoonla’aanta ka baxo ayuu ku xusayaa. Waxa uu leeyahay : “ Waxa aad ogtahay, in ka yar inta aad malaynayso.”
12-  Caddaaladda.
13- Runta: In qofku iska ilaaliyo wararka beenta ah, oo runta ogaado ayuu xusayaa.
Qeybta 5aad, waxa uu kaga warramayaa “ Adkeysi/ ka soo kabasho.” Dhawr qodob ayuu soo hoosgelinayaa. Waxa ka mid ah:
14-  Aqoonta: Waxyaabaha qarnigan waxa dhacaya lagaga kaban karaa in aqoonta la barto. “ Aqoontu waa isbeddel joogto ah” ayuu qoraagu leeyahay.
15- In Macnaha Nolosha la fahmo: Macnaha nolosha in la fahmaa waa waxyaabah caqabadaha dhacaya lagaga soo kaban karo. “ Noloshu sheeko maaha” ayuu qoraagu leeyahay.
Gebagebo
5taas qaybood ayuu ka koobanyahay buuggu. 15 cashir oo ka mid ah 21ka cashir ee buugga ayaynu soo qaadannay. Intaas ayaan ku soo koobayaa.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
May 04, 2020.       

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?