Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 16: Caafimaadka

 

Qays, waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Markan waxa uu ka fulinayaa dalka Ciraaq. Waxa uu u tegayaa nin da' dhexaad ah. Wuu salaamayaa. Waxa uu doonayaa inuu waraysto. Ninka magaciisa waxa la yidhaahdaa Saddaam. Saddaam waa bilaa shaqo, waana bilaa dakhli. Waxa uu ka masuulyahay qoys ka kooban 9 qof. 5 ka mid ah carruurtiisii wuxuu ku waayay sabab xanuun darteed. Waraysigan ayaa dhexmaraya: - Halkan shaqo ayaad joogtaa, sax? - Haa. - Waxa la ii sheegay in shaqadu tahay Najaar. - Haa, waxayna ii sheegeen inay u baahanyihiin Nijaar. - Waxba ma akhridaa, ama ma qortaa? - Maya, inyar baan akhriyaa, adeerkay iima oggolaan inaan dugsi dhigto. - Hadda ka hor ma waxaad ku shaqayn jirtay Nijaar? - Maya, weligay hore ugu ma shaqayn. - Wax ku saabsan nijaarnimada ma taqaannaa? - Maya, waxba kama aqaan. Waxaanse isku dayayaa inaan waqti badan geliyo oo barto. Ka dib Qays waxa uu u sharraxayaa habka loogu shaqeeyo qalabka, kuwa looxyada, iyo najaarku ku shaqeeyaba. Qalabka sida Miishaarta, dubbaha IWM ayuu barayaa. Marka ay muddo sheekaystaan Saddaam waxa uu u sheegayaa inuuna wax dhaqaale ahi meelna ka soo gelin, iyo in ayna jirin meel uu ku tiirsanyahayba. Waxa kale oo uu u sheegayaa inuu xasuuso xun la noolyahay, oo wiilkiisii yaraa 2 sano jir ahi ka xanuunsanayo, markii uu Farmasii geeyayna loo sheegay inaan Farmasiigu waxba ka qaban karine uu dhakhtar geeyo, muddo 14 maalmood ah ma arkin buu leeyahay, ka dibna waxa la ii sheegay in wiilkaygii dhintay. Ka dib Saddaam waxa uu u sheegayaa in haddana wiil ka xanuunsanayo, oo muddo sannad iyo badh ah uu jiifo, uuna rabay inuu dhakhtar geeyo, balse Dhakhtarkii uu awoodi waayay oo lacag u waayay. Intaas ka dib Qays, waxa uu isku dayayaa inuu caawiyo. Marka hore wuu isku sharraxayaa. Ka dibna Boorsadiisa ayuu bushqad ka soo saarayaa, bushqadda waxa ku jìra farriin iyo lacag. Farriintu waxa ay tahay " Sayid Saddaamoow, adigu waxa aad u qalantaa farxad. Waxa aannu kaa kafaala qaadi doonaa lacagta dawaynta wiilkaaga. Dadku way isku tiirsanyihiin." Intaas ka dib odaygii wuu ilmaynayaa, ilmo farxadeex. Ka dibna wuu dhunkanayaa oo qooraqooraynayaa. Halkan ka daawo: https://youtu.be/3HUYpRM4VYg

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?