Noloshu waa Halgan Joogto ah
1-
Waa muhiim in aad wax akhridaa. Balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad dooratowaxa aad akhriyayso. Waa muhiim in aad la noolaato fekrad rasmi ah; balse,
waxaa ka sii muhiimsan inaad doorato fekraddii rasmiga ahayd.
2-
Waa muhiim in aad mabda’ la
noolaato; balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad doorato mabda’ii aad la noolaan lahayd. Waa muhiim in aad u
loollanto mabda’a
aad rumeysantahay. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad fekradaha mabda’aaga u beddesho
kuwa waaqica la joogo [ la jaanqaadi karaya].
3-
Waa muhiim in aad dooddaa ( ama wax gorfeysaa), oo aad asaaggaa wax
isdhaafsataan ( sida sheeko, dood, ama iswaraysi). Balse, waxaa ka muhiimsan in
aad si wanaagsan u sugto (barato) fanka wadasheekaysiga iyo doodda, oo aad soo
wanaajiso mustawaha hadalkaaga, misana aad barato fanniyada xidhiidhka
bulshada.
4-
Waa muhiim in aad dadka dhegaysataa. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad siiso
kalsooni aad ku dhegaysato. Dhegaysigu waa fan. Ujeeddaduna (Xikmadduna) maaha kaliya
in aad dhegaysato cidda aad fekradaheega garanayso.
5-
Waa muhiim in aad Masaajidka fadhiisato waqti ka mid ah waqtiyadaada. Balse,
waxaa ka muhiimsan in aad u dejiso [fadhigaa Masaajid] qorshe ruuxeed iyo
fekereed waqtigan noloshaada ka reebban.
6-
Waa muhiim in aad u socdaasho Waddan leh raadad taariikheed. Balse, waxaa ka
muhiimsan in aad u socdaasho Waddan uu joogo Caalim aad ka faa’ideysato caqligiisa, khibraddiisa…. Ama waa in aad u
socdaasho Caalam Buuggeed, si aad marti ugu noqoto Rugtaasi oo
caqligaagu cusboonaado. Noloshu waa bixin iyo qaadasho.
7-
Waa muhiim in aad waqti raaxaysi ah qaadato. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad
doorato meeshii ku habboonayd nasashada. Waxaa jira waxyaabo nolosha kululeeya.
Iyo meelo deggan oo nolosha xasillooni geliya.
8- Waa
muhiim in aad Salaadda la noolaataa. La noolaanshaha Salaaddu waa heer hordhac
u ah Cibaadada. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad doorato Cibaadada ku habboon,
Diintaadana [xoojinaysa]. Waxaa jirta
cid ay Salaadda, Soonka, Ducada, Dikriga, Quraan Akhriska ama Cilmigu wax u furfuran.
9- Waa
muhiim in aad qoys lahaataa. Balse, waxaa ka muhiimsan in qoyska gudihiisa
farxadi ka jirto oo aad faraxdaan, iyo in aad ku nayaayirsantahay gudihiisa si
aad boqor uga noqoto. Qoysku maaha meel, waa xaalad. Farqi weyn ayaa u dhexeeya
meesha iyo xaaladda. Waxaa jira cid ku nool meel; sidoo kale waxaa jira cid
xaalad ku nool.
10- Waa muhiim in aad [ ku jirto] ama ku
tiirsanataa Urur, ama Xisbi. Boos kuma laha qofka aan meelna ku tiirsanayn
Caalamka maanta. Balse, waxaa ka
muhiimsan in aad doorato Xisbiga, Ururka
ama meesha aad u jihaysantahay si aad u dhabayso u jeeddada suntan.
Waa toban dhammaystiran. Dhammaantood waa muhiim. Waxaa jira
kuwo aad u muhiimsan. Waxaa jirta Fiqiga Diinta wax la yidhaa ‘فقه
الأولويات ~ Kala hormeynta.’Sidoo kale, waxaa jira jaad layaable Fiqiga ‘ فقه
الموازنة ~ Fahanka
Iskudheellitirka.’ Labadaa qeybood dhexdooda ayaynu ilbaxnimada ka samayn
karnaa. Waxaa jira kuwo muhiim ah, iyo kuwo ka sii muhiimsan. Waxaa innagu jira
kuwo wanaagsan. Waxaa jira kuwo kuwaa wanaagsan ka sii wanaagsan. Waxaa innagu
jira kuwo xun. Waxaa jira kuwo ka sii xun kuwaa xun. Kuwaasi waxa ay
keensanayaan caqli wax fahmaya oo dheellitir samaynaya. Wax horreysiinaya,
waxna dib u dhigaya. Sidaa daraaddeed ayaynnu saamigeenna ka qaadannaa Caalam
isbeddelaya oo waliba isbeddelkiisu aad u daranyahay.
W/Q: Sh Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere
Dec 11, 2018
Comments
Post a Comment