Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 14: Caawinta Dadka Dhinacyadu Bakhtiyeen

 


Qays, waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Markan waxa uu rabaa inuu caawiyo dadka dhinacu bakhtiyay ee xanuunnadu ku dhaceen. Farxaddii cusbayd buu bilaabayaa. Waxa uu u tegayaa Islaan gaadhi curyaan ku fadhida. Wuu salaamayaa, ka dibna inta uu fadhiisto ayuu dhunkanayaa. Ka diba waxa uu isku dayayaa inuu xaaladdeeda wax ka ogaado:
- Ka warran xaaladdaada caafimaad?
- Xaaladdayda caafimaad way sii xumaanaysaa, oo xanuun baan dareemayaa. Oo kursigan kuma fadhin karo, mana awoodo inaan sibidhka ku fadhiisto. Marka aan seexdana lafaha iyo lugaha ayaan xanuun ka dareemaa. Dhabarkana xanuun baan ka dareemayaa. Sidan waxa aan ahaa 30 sano. Waxa aan dareemayaa daal. Carruurtaydii way uga tageen, noloshoodana way iska wataan. Kaliya waxa ay iiga tageen inankayga Islaam. Macaan iyo Dhiigkar baan la ildaranahay, kellida midigna xanuun baan ka dareemayaa.
- Hooyo maxaad rejaynaysaa?
- Alle ayaan ka rejaynayaa inuu i daweeyo. Iyo inaan helo lacag aan isku daweeyo.
Taas ayaan rabaa. Waxkale ma rabo.
- Ma waxa aax rabtaa inaad Dhakhtar u tagtid?
- Ma awoodo inaan socdo oo 30 sano ayaan sariirta saarnaa.
- Maxay carruurtaadii kaaga tageen?
- Mid wuu guursaday, wuuna iga tegay. Kaliya Islaam ayaa ila nool.
- Ma ku soo wacaan?
- Way isoo wacaan, wax way ila cunaan, ilana cabbaan, se weligood imay siin 1 Pound oo aan isku daweeyo. Culayska dhan waxa qaada inankayga Islaam. Lacagta uu qaataan kuma filna wax aan isku daweeyo. Oo xataa Nus Kiiloo hiliba kuma iibsan karo. Waan Samrayaa, Allana wax wuu i siin.
- Hooyo halkan waxa aan u nimid inaan kaa farxinno.

Waxa kale oo ay u sheegaysaa in Dayn lagu leeyahay, oo ay dayn guurkii Islaam u soo amaahatay, dadkuna ku leeyihiin. Ka dibna Qays lacagtaas Daynta ah tiradeeda ayuu wayddiinayaa. Waxayna u sheegaysaa inay badantahay.

Ka dib boorsadiisa ayuu furayaa, wuxuuna ka soo saarayaa Bushqad. Wuuna u dhiibayaa. Way ilmaynaysaa. Wuuna dejinayaa.

Qays waxa uu u sheegayaa inay amaahdana ka bixin doonaan, dawayna doonaan oo lacag ay isku dawayso siin doono. Ka dibna lacagta ayuu guddoonsiinayaa. Aad buuna u caawinayaa.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?