Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (-قلبي اطمأن ) Xalqadda 11: Qoysaska La Illaaway

 

Qays waxa uu bilaabayaa farxaddiisii guusha. Hawshii khayriga ahayd ayuu halkii ka sii wadayaa. Markan waxa uu ka fulinayaa dalka Urdun. Wuxuu u tegayaa gabadh dharka tosha oo dawaarlay ah. Qays si aanay u fahmin inuu caawinayo wuxuu kaga sii horraynayaa goobteedii shaqada. Wuxuu iska dhigayaa qof cusub oo raba inuu halkan dawaarle ka samaysto. Ka dibna way soo galaysaa. Wuu salaamayaa, wuxuuna ku odhanayaa soo dhawaw, oo fadhiiso. Way fadhiisanaysaa, ka dibna wada sheekaysigan ayaa dhexmaraya: - Iska warran? - Alxamdulilaah. - Waad habsaantay. - Waxa aan shaqeeyaa 10ka aroornimo ilaa 10ka habeennimo. Gabadha magaceeda waxa la yidhaahdaa Shaymaa. Waa haweenay carmala, waxa ay heshaa oo soo gala dakhli yar oo xaddidan. Qoys bay masuul ka tahay oo iyadu biilisaa. Shaqadeeduna uma saamaxdo inay inankeeda aragto. Qays waxa uu ka codsanayaa Shaymaa inuu u soo dhawaado, si uu u maqlo, waayo markan ma maqlayn. Ka dib hadalladan ayaa dhexmaraya: - Halkanaan ka shaqeeyaa, iimana suurtagasho inaan inankayga arkay, waayo waxa aan shaqeeyaa 10 aroornimo ilala 10 habeennimo! - Inankaagu waa immisa jir? - 13 sano jir. - immisa maalmood baad toddobaadka shaqaysaa? - Maalmaha oo dhan waan shaqeeyaa, dhammaan toddobaadka, Jimcaha uun baan shaqeeyaa 10ka illaa 4 galabnimo. Muhiimaddu waa inaan agoonka kariyo. - Ninkaagii Alle ha u naxariisto. - Sidoo kale waalidiintaydii way dhinteen. Qays, waxa uu iska dhigayaa nin dhar ka tolanaya, ka dib waxa uu u sheegayaa cabbir, wuxuuna leeyahay dhar cabbirkaas leh ii tol. Shaymaa way shaqaynaysaa, waxayna isku dayaysaa inay u tosho. Isaga oo taagan, iyo iyada oo shaqada wadda ayaa sheekanaynaya: - Miyayna jirin qaraabo ku caawisaa? - Hooyaday iyo Aabbahay way dhinteen, walaalahayna xaaladdoodu ma fiicna oo Yemen ayay joogaan. - Inankaaga Ismaaciil muxuu u baahanyahay? - Wuxuu baahanyahay waxkasta: Wuxuu rabaa qol uu seexdo, Suuli, mana haysanno TV. Debadda uma bixi karo, aad baanan ugu werweraa. - Immisa sano ayaad shaqadan ka shaqaynaysay. - 7 sano. Inyar ka dib Qays wuu u warramayaa, magaciisa ayuu u sheegayaa. Wuxuuna u sheegayaa in aanu rabin wax shaqo ah iyo dawaar uu meeshan ka furanayaa toona, se uu halkan u yimid inuu iyada caawiyo. Ka dib Boorasadiisa ayuu gacanta gelinayaa, wuxuuna u dhiibayaa Envelope uu boorsada ka soo saaray. Way yaabaysaa oo waxa ay isleedahay waxani ma dhab baa. Qay bay ku leedahay waa maxay waxani? Iyada oo Envelope ka sheegaysa. Ka dib wuxuu ku odhanayaa akhri. Way akhriyaysaa. Waxa ku qoran farriin ah " Sayidat Shaymaay, adigu waxa aad u qalantaa farxad, waxa laguu samayn doonaa mashruucyo si aad dakhli uga heshid, inankaagana waad u dhawaan oo waad la joogi. Dadku way isku tiirsanyihiin." Way farxaysaa, waxayna u sheegaysaa in ayna rumaysanayn inay lacagtan iyadu leedahay. Ka dib wuu u dhaaranayaa Qays, wuxuuna u sheegayaa inay iyadu leedahay, ganacsi ku furato, baahideedana ku gudato. Muuqaal ahaan halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=Kf-GDnlOmdQ

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?