Sookoobidda Buugga “The 29 Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta”
Hordhac
Buuggan la yidhaa waxa qoray “The
29 Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta” waxa qoray Jack Welch, oo ah qoraa iyo
ganacsade. Muddo badan ayuu ganacsiyo maammulayay, sida General Electric Company
Buuggu waa 142 bog. 4 qaybood ayuu qoraagu u qaybiyay. Waxa uu
buugga kaga warramayaa qofka maammulka sirta uu ku shaqaynayo ee uu
shaqaalihiisa iyo macaamiishiisa.
Nuxurka
Aragtiyaha uu u arko inay SIRTA hoggaamiyaha yihiin ayuu
qoraagu aad u xusayaa. Weliba aragtidiisa ayuu ku salaynayaa. Aynnu qaar ka mid
ah 29ka SIROOD soo qaadanno:
1-
Awood isbeddeleed:
Meesha aad doonto ayaad hoggaamin kartaa. Ganacsi baad samayn kartaa, dad baad
hoggaamin kartaa. Waa inaad AWOOD ISBEDDEL lahaatid.
2-
Xaqiiqada inuu wajaho:
Sida ay waxyihiin macaan iyo qadhaadh ba waa inuu hoggaamiyuhu ku dhacaa. Maaha
in uu been isku maaweeliya.
3-
Hiraal samee, ka dibna
ku dhaqaaq waddada hiraalkaa aad samaysatay: Marka koowaad hiraal samayso, dabadeedna
raac oo waddada haka leexan.
4-
Ilaali oo xannaanee shaqaalaha shirkadda qiimaha
u yeela.
5-
Wuxuu leeyahay qorshe
ama Strategiyad uu isbeddelka kula tacaalo: Sirta hoggaamiyaha waxa kale oo ka
mid ah inuu isbeddelka dhacaya la tacaali karo.
6-
Fursadaha ayuu
ilaashadaa.
7-
Shaqada qofka 1aad ahaw
ama ka 2aad, suuqana ka warhay.
8-
Dhaqanka meesha aad
joogtid ka jira aad uga warhay.
9-
Fekrado cusub ku soo dar
shaqadaada/ganacsigaaga, macno malaha cidda kuu sheegtay, iyo halka aad kala
timid. Se ku soo dar.
10- Dib
waxba uma dhigtaan hoggaamiyayaashu.
11- Xuduud
ku xannibta ha samaysan: Qoraagu waxa uu halkan kaga hadlayaa inuuna qofku
isxidhxidhin oo meel kaliya ku ekaa. Hoggaamiyuhu maaha mi xidhxidhan. Waa inuu
shaqada, habka, meesha iyo noocaba ballaadhiyo.
12- Dadka aad isla shaqaynaysiin, ama aad madaxa u
tahay dhegayso.
13- Dadka aad madaxda u tahay goobta kaga horree,
wayddiimaha ay ku waydiinayaanna uga jawaab.
14- Markasta
tayadu ha ahaato ujeeddadaada koowaad.
15- Cidda aad shaqada u qabanaysid oo macmiilka
ahi inuu kugu qanacsanyahay tayadaada iyo in kale ogoow.
Gebagebo
Buuggu dhawr qodob ayuu ku dhisanyahay oo xooggasaarayaa.
Badankoogii waynu soo taxnay, kuwa kalana kuwaa kama foga. Qoraagu waxa aad
mooddaa hoggaaminta uu ka hadlayaa inay tahay ta ganacsiga, oo uu iyada
xooggasaarayo, walow hoggaaminta guudna aynna ka maqnayn.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Febraayo 17, 2020.
Comments
Post a Comment