5ta Jeel ee adduunka ugu silica xun!
Jeelalku waa goobaha lagu xidho ee lagu hayo eedaysanayaasha
danbiyada kala duwan gaystay. Waddanwal ba way ku yaallaan Jeelashu. Sida
sharciyada caalamku dhigayaan waxa laga rabaa in maxaabiista si wanaagsan loola
dhaqmo, oo dadnimadiisa la ilaaliyo xuquuqda uu qof ahaan leeyahayna helo. Se
waxa jira Jeelal badan oo maxbuusku aannu xaq iyo xuquuq toona lahayn, oo sida
dugaaga loola dhaqmo.
5ta xabsi ee ugu xun adduunka ayaynnu soo qaadan:
1-
Attica Xabisa la yidhaa: Wuxuu
ku yaallaa dalka Maraykanka, gaar ahaann New York, waxaa la dhisay 1971dii.
Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha ayaa ka dhaca. Marar badan ayay
maxaabiistu gadoodeen. Bishii Semtenber sannadkii 1971kii 1000 Maxbuus oo ka
mid ah kuwii ku xidhnaa Xabsiga ayaa gadooday, mudaharaad ayay sameeyeen
xabsigana gacanta ayay ku dhigeen. Waanwaan iyo dhexdhexaadin socotay afar
cisho ayaa nimankii maamulka hayay isku raaceen in 28 maxbuus la sii daayo, se
maxaabiistii may yeelin. Ciidamadii Jeelka ilaalinayay ayaa maamulku jeelku
gacantooda u soo galay ka dib dagaal dhexmaray iyaga iyo maxaabiista. Dagaalka
waxaa ku dhintay 43 qof, oo ciidan ku jiraan.
2-
Kaamb 1392: Waa xabsi ku
yaalla Israa’iil. Xabsigan lama aqoon waqtiyadii hore oo wax public ama dadku
ogyihiin ma hayn intii ka horreysay sannadkii 2003dii oo la ogaaday. Arrinta
lagu ogaadayna waxa xogteeda sii daysay maxkamadda sare ee Israa’iil. Jeelkaa
qofkii galaa dib ugama soo baxo, sidaasuu kugu daayay. Maxaabiistu way
iskufsadaan, oo tacaddiyo jinsiyeed ayaa ka dhexdhaca.
3-
Vladimir Central Russia,
wuxuu ku yaallaa dalka Ruushka, waxaa lagu xidhaa dadka danbiyo waaweyn gala
ama loo haysto. Waxaa la dhisay
sannadkii 1783kii. Maxbuuska ugu muddada yari waxa uu ku jiraa 10 sano, qaarna
noloshooda ayay ku dhammaystaan. Waa Jeelka ugu weyn dalka Ruushka. Waqtigii
hore waxaa lagu xidhi jiray dadka arrimo siyaasadeed loo haysto, gaar ahaan
waqtigii Midawgii Soofiyeeti. Warar badan lagama hayo jeelka, waxa laga ogyahay
uun inuu yahay Naar adduun!
4-
Guiter ( Central Prison of
Rwanda): Wuxuu ku yaallaa dalka Rwanda. Waa xabsi cidhiidhi ah oo dadku isku
dul seexdaan. Wuu yaryahay. Wuxuu leegyahay Garoon kubbadeed kalabadhkii. 7,000
Nin ayaa halmar lagu xidhaa meel yar oo qaaadaysa 400 qof. Meel yar ayuu qofku joogayaa maalinta oo dhan
isaga oo aan wax dookh iyo doon midna
lahayn. Waqtiyada qaar sida sannadkii 2017 muddo sagaal bilood ah
8deedii qofba hal of ayaa dhimanayay. Xanuunno ayaa ka dillaaca, dadka qaar
ayaa u dhinta xanuunnadaa safmarka ah.
5-
Bangkwand: Wuxuu ku yaallaa
dalka Thailand. Qiyaas ahaan 11Km ayuu dhinaca Waqooyi ka xigaa caasimadda
dalka ee Bangkok. Ragga ayuu u
gaaryahay. Sannadkii 2009dii waxaa ku
xidhnaa Jeelka in ka badan 400,000. Dadka qaar lagu xidhaa waa ajaanib. Si xun
ayaa loola dhaqmaa Maxaabiista. Cunto yar oo aan ku filnayn ayaa la siiyaa
maxaabiista. Sida bahalnimada ayaa loola dhaqmaa dadka xabsigaa ku jira.
Intaas ayaan ku soo koobaynaa. Waxa aan ka soo TURJUMAY
Channelka la yidhaa Top Curious. (https://www.youtube.com/watch?v=F5SVNQFuzZQ)
Cabdirasaaq Sandheere
Maarij, 2020.
Comments
Post a Comment