Nolosha Miyiga iyo Magaalada

 


20kii cisho ee la soo dhaafay meel magaalo sheegata ma joogin. Miyi ayaan joogay. Nololmaadmeedkiisa ayaan la falgalay. Xoolo, gaar ahaan Lo'yar ayaan eegi jiray. Laba sano ka hor ayaa iigu danbaysay inaan Miyi tago, oo muddo joogo. Miyiga noloshayda inta aan jiro kalabadh ayaan ku soo qaatay. Noloshaa adeg ee qarfada ah ayaan muddo 11 sano ka hor ka imid. Da'daydu waa 22 sano jir. 11kii sano ee hore Miyiga ayaan ku noolaa oo xoolojire ayaan ahaa. 11kii sano ee danbana Magaalo ayaan ku noolaa oo aqoonjire ayaan ahaa.

20kaa cisho waxa aan sahamin ku waday noloshii aan 11 sano ka hor ka soo digarogtay, ee aan ka imid. Waxa aan qiimaynayay sida ay hadda oo aan muddo badan ka maqnaa ila tahay, & sida ay berigii aan xoolaha ku eegi jiray ila ahayd. Runtii isbeddel wayn ayaan igu dhacay. Ma koobi karo, se waan yara taataaban.
Markii aan Miyiga joogay hadafkaygu wuxuu ahaa xaafadda xoolaha u eeg ( Lo'da iyo Idaha). Yar waynow, oo xoolaha ka hadh, kuwa kaa yaryarna ha eegaan, adna beerta aabbo la qod. Dabadeed, sida dhallinta caadiga ah ee meesha joogta oo kale aroortii Tuulada u qayil tag, oo qaadka bilow. Sidaa ku wad intaad yar korayso. Markaad beer bannaysatid/jiratid gabadh raadso oo guurso. Carruur dhal. Beertana qodo, qaadkana iska cun. Carruurta aad dhashay ha waawaynaadaan. Iyaguna meertanololeedkaas aad bilowday ha soo maraan. Sidaada oo kalana ha noqdaan. Bes. Waana hiigsiga iyo hammiga ugu wayn ee dhallinta aaggaas.
Markaan Magaalada imid, waxoogaa ayaan la qabsan waayay. Waayo, waxa aan ka imid nolol adeg, xorriyad leh, aroortii Laxoox la cuno, duhurkiina Shaah habeenkiina shuuro, oo aan cidi cid u tudhin, aadna u kakan, se wax la wada qabto, cuntada la wadaago, aqallada la wada seexdo oo aan la iska kirayn. Cuntada kolba waxa la helo la wada cuno. Nolol aan joogto mooyee isbeddel badan lahayn. Isbeddelka ugu wayna ay yihiin da'da oo korodha iyo isbeddelka guga iyo jiilaalka.
Aniga ii noloshaas ku dhex dhashay, ku barbaaray, oo ku dhexjira ayaan marqudha ka baxay oo mudh ka idhi. Magaalo ayaan soo galay. Magaalada waxa aan ugu imid dhaqan & qaab nololeed gebi ahaan ba ka duwan kii Miyiga. Nolol xidhxidhan oo xorriyaddu ku yartahay. Nolol qofkastaa naftiisa u ordayo, oo aan la isku tudhayn. Nolol naxariis leh, se mashquul badan. Nolol raaxo la jecelyahay, se aan dhab ahaan la helayn. Nolol aan cuntada labada aqal ee jaarka ahi wadaagin, iskana warhayn ka qaday & ka wax cuna. Nolol cuntadii, hurdadii iyo waxbadan oo Miyiga bilaash ahaa ay lacagyihiin! Nolol sheyga aad qaaddaaba lacagyahay! Nolol qofka aan caqli adeegsan, ee xisaabtamin uu dibjirayo oo waalli ama waxbala'aan ku danbaynayo ayaan dhex imid!
Nolol adeg oo la qabsi u baahan, oo qofka jilcisa, oo ka u liica jebisa ayaan soo galay. Magaaladu dhirbaaxo, iyo feedh adag ayay igu dhufatay. Waan gagabay. Se waan u adkaystay. Ugu danbayn waan la qabsaday. Waxbadan oo intii aan Miyiga joogay aqoon ayaan bartay. Hammi ayaan yeeshay.
Labadaas caalam marka aan isbarbardhigo aad baan ula ashqaraaraa farqiga & dayrka u dhexeeya. Iskuma dhawa. Tusaalaha ugu dhaw,
Ogaanshaha aan waxbadan ogaaday marbuu isaga laftisu dhibaatoyahay. Sida qofku markuu waynaado uu u jeclaado in carruurnimadii bilaa werwerka & bilaa fekerka ahaa iskaga laabto, ayuu qofka waxkorodhsadaa u jeclaadaa inuuna waxaa ogaanin. Waa dood jirta.
Noloshaa hore ee Miyigu waa mid fudud oo qofku aanu waxbadan isku daalin. Ogaalka ayaa ku yar. Qofku sidii uu ku dhashay inuu ahaado ayaa laga yaabaa. Markaana qofka waxbadan oo werwer & caloolxanuun ku hayn lahaa ayuuna sawiranayn oo ka dhega & indhaxidhanyahay. Aroorta hore ayuu qofku soo toosaa. Waxa la kariyay & koob Shaah ah ayuu isku dhuuqaa. Haddii uu nin waynyahay Qaad buu doontaa gelinka hore. Duhurka ayuu xaafadda ku soo laabtaa. Shaah buu cabbaa. Haddana beertiisa & baylahdiisa ayuu tagaa, illaa cadceed dhaca intaasuu ku mashquulsanyahay. Marka cadceeddu godka hubsato ayuu xaafadda ku soo laabtaa, xoolaha ayuu ka lisaa. Wuu casheeyaa. Fiid ba wuu seexdaa. Haddana berri ayuu nolosha sidii maanta oo kale u bilaabaa! Bes.
Dumarka hawsha guriga, xannaanaynta carruurta, baylahda xoolaha, iyo la eegidda carruurta ayaa haysata. Aroorta hore ayay gabadhu soo kacdaa. Cuntay karisaa; Shaah & laxoox ama Qarmac. Reerka ayay u gurtaa. Waa la cunaa. Iyadna gadaal ayay ka cuntaa markay carruurta & Sayga kala siiso, ee anbabixiso. Caano yar ayay qaaddaa oo caanaha ayay diiqdaa. Xaafadda ayay ku soo noqotaa. Aroorta sida ay baylahdaa u kala waddo ayay cadceedda dhaca ku gaadhaa. Xiraadka marka ay kala siiso xaafadda wixii ka danbee hurdo ayay haweenaydu isku diyaarisaa. Berrina halkii ay maanta ka bilowday ayay ka bilowdaa, wixii maantana way qabataa. Sidaas ayay u waddaa. Waana intaa meertanololeedka haweenku marka laga yimaad duruufaha ku soo duldhaca & xaaladaha aan la filayn. Bes.
Carruurta badankoodu xoolaha ayay eegaan. Weliba iyaga oo yar oo aan jidhkoodu adkaan yaa loo diraa. Weliba xoolo iyo hawl ka badan ayaa loo diraa. way tababbartaan. Ilmuhu aroorta markuu qureecdo ayuu dareerayaa ashinka. Waqtiga hadhimada ayaa cunto kale ugu xigta, haddii ayna Gu' ahayn oo beerta wax ku oollin, ama aannnu haysan Hooyo daryeel badan oo Barqada Shaah ama Ciir u gaysa. Duhurka ayaa Shaah la siiyaa iyo wixii loo helo. Sidaas ayuu xoolaha cadceedda & bacadka ugu eegaa illaa cadceed dhaca. Markay cadceeddu gaabato ayuu xoolaha uu eegayo soo hooyaa. Xoolaha ayaa looga lisaa, oo wixii la hayo ee Xiraad ah ayaa la siiyaa isla fiidkaba. Waa qof soo daallay, oo maanta oo dhan xoolo aannu maamuli karayn oo caqlilahayn dabasocdaye isaga oo dhacdhacaya ayuu hurdo meel madoow oo bilaa iftiin ah istuuraa. Hurdada uu galo qof dhintay baad moodi. Isla berri ayuu sidii maanta oo kale hawshiisa bilaabaa, sidaasuuna maalinkasta ku wadaa illaa faraj furmayo. Bes.
Dadka magaalada hawshoodu waa mid taas gebi ahaan ba ka soo horjeedkeeda ah. Haddana aan waxbadan daalka dhaamin.
Raggu shaqo ayay badidoodu u kallahaan. Way yartahay nin wayn oo aroortii Qaad doonayaya isaga oo aan shaqo isla gellinka hore qabanayn. Shaqooyin kaladuwan oo heersare ah, xafiisyo dawladeed, hay'ado IWM ah ayaa loo shaqatagaa. Ragguna badankoodu way shaqeeyaan. Se daalku waa muush. Waxa la deris ah weliba oo u dheer iyaga werwer nololeed, niyadjab, iskubuuq iyo qanacsanaan badan. Waa buux.
Dumarka aad bay uga nasteen hawshii badnayn ee Miyiga. Kuwa badhaadhay waa iyaga. Se iyaga laftooda dhibaato kale ayaa haysata. Carruur aanay kuwa Miyigu waxaas oo daal ah u gelin ama lagu taakuleeyo ayay haweenka magaaladu la keliyihiin. Shaah ay kariso. Khudaar ay iibiso. Masaxaad ay u gasho. Aqal ay carruurta xaarka uga maydho. Xafiis ay masaxdo. Iyo shaqakasta oo ay carruurta ku korsan karto way gashaa, iskuna dhibtaa. Se sidaa dumarku ma wada aha. Waa qaarkood. Halka qaar kale ka badhaadheen, ee nolol jiif oo jaq ah ku jiraan.
Carruurta magaalada badankoodu dhib badan ma arkaan, hawlana ma qabtaan. Kaliya waxbay bartaan. Way cunaan, cabbaan, seexdaan oo soo toosaan. Ma arkaan hawl badan. Se ma aha dhammaan carruurta magaalada. Waa badhkood! Qaar baa dhibban oo magaalada ku dibjira, gaar ahaanna kuwa saboolka ah, & kuwa waalidkood dhintaan ama isfuraan. Nolosha ayay ka dhacaan, oo hoy iyo hu' toona ma aha. Nolosha Magaaladu waxa ay ku xuntahay arki maysid nin qol bannaan oo aanu baahi u qabin kuu oggolaanaya adiga oo gidaarka seexda oo bilaa hoy ah! Halka Miyiga ninku haddii uu laba Aqal Soomaali leeyahay, mid uu galo, ka kale wuxuu ku odhan iska seexo.Waa dhibaato iyadna jirta.
Labadaa nololeed ee aad u kaladuwnaa, ayaan ku kala dhexjiray 22kii sano ee inna soo dhaafay. Waa laba heer nololood oo aad u kala dheer, iskuna dhawayn. Labadaas khibradood ba waxbaan ka arkay.
Isbarbardhig kooban ayay iga ahayd. Intaa in ka badan waan ka odhan, Idanka Alle.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Sebtanbar, 2020.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?