Sookoobidda buugga “Waddada Guusha~الطريق الي الامتياز”

 



Hordhac

Buuggan la yidhaa “Waddada Guusha.” Waxan qoray Dr Ibraahin Al Fiqi. Ibraahin, waxa uu ahaa tababbare, iyo aqoonyahan wayn oo ku takhasusay aqoonta horumarinta Bini’aadanka.  Waxa uu u dhashay dalka Masar. Waqtigii hore waxa uu ka soo shaqeeyay Hudheello Kanada ku yaalla, oo markii danbe uu maamul ka noqday.

Waxa uu qaatay 23 Diblooma ah, iyo 3 shahaadooyin sare ah oo ku saabsan horumarinta bini’aadanka.  Shahaadada sare ee Ph.D waxa uu ka qaatay Jaamacadda Loosanjalis ee dalka Maraykanka. Wuxuunna ku diyaariyay Metaphysics. Waxa uu aasaasay xarumo badan oo qaarkood lagu barto culuunta Horumarinta Bini’aadanka. Qaarna ka shaqeeyaan horumarinta bini’aadanka.

Waxa uu ahaa qoraa qalinkiisa aad loo jecelyahay. Buugaag badan ayuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Maaree Noloshaada.” Iyo “ 10ka Fure ee Guusha.” Buugtiisa waxaa lagu turjumay Shan Luuqadooda, oo kala ah: Faransiis, Carabi, Kurdi, Ingiriisi, iyo Induunisi. Buugtiisa intooda badan waxa Af Soomaali u turjumay Ismaaciil Tukaale Cige. Buugganna Af Soomaali wuu ku turjumay Ismaaciil, oo waa la heli karaa.

Sidoo kale, waxa uu ahaa khudbadjeediye wayn. Kulamadiisa waxaa soo xaadiri jiray kumannaan qof oo meelo kaladuwan uga iman jiray. Waxa uu ku hadli jiray saddex luuqadood: Carabi, Faransiis, iyo Ingiriisi. Waxa uu geeriyooday sannadkii 2012kii.

Buuggan waxa uu kaga warramayaa, waddada guusha loo maro. 

Nuxurka Buugga

Qoraagu waxa uu xusayaa in Bini’aadanka dhammaantii waqti isku mid ah wadahaystaan, ayna ku xidhantahay sida ay uga faa’ideystaan, oo qofkii dadaalaa uu guuleysanayo; kii isdhigtaana uuna guuleysanayn. Waxyaabaha guusha lagu gaadho, qoraagu waxa uu ka dhigayaa kuwan:

1-      Yool.

2-    Ku xidhnaanshaha Ilaahay, sida in Ilaahay la rumeeyo, daacad loo noqdo, cibaadadana loo badhaxtiro.

3-     Talasaarashada Alle.

4-    Filashada wanaagsan.

5-     Cafiska.

6-    Hawl la qabto.

7-     Dadaal.

8-    U jeeddo.

9-    Samirka.

10- Joogtayn.

 

 Gebagebo

Qoraagu waxa uu buugga ku qaadaadhigayaa Waddada Guusha. Waxkale kama warramayo. Intaas ayuu si faahfaahsan uga warramayaa. Si guud ayaynu u dulmarnay. Intaas ayaan ku soo koobaynaa.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

April 07, 2020.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?