AROOS MA U GUDDAY?
Waa galab gaaban oo cadceed dhicii
dhawyahay. Cirku wax daruuro ah malaha, oo waa guduud. Waxaa lagu jiraa Jiilaal
dabadeed abaari dhacdey, haddana gugii soo curanayo. Dhawr habeen hortoodna
shuuc roobab ah ayaa na helay oo waxooggaa biyo naxariis leh oo aannu habaaskii
jiilaalka ku illownana noo shubey. Dhulku immikuu u diyaargaroobayaa in uu la
qabsado xaaladdan iyo isbeddelkan cusub ee ku dhacay.
Inta badan xilligan uu roobka
looga bartey ee la doonayo in uu bilaabmo waxaa isa soo tara aroosyada oo
mararka qaarna xadhkaha goosta. Waayo, xilligan subagga, caanaha, dheyda,
ciirta, xasiidda, aalaha, iyo dhammaan barwaaqo iyo bashbash oo dhan ayaa la
isla dhacaa; dhallinyaraduna waxa ay fakaag u helaan in ay guryo cusub samaystaan
oo ay guursadaan. Haddaba waqtigan waxaa iyaguna ka faa’ideysta oo fursado hela
wiilasha iyo gabdhaha xaafadha jooga ee aan laheyn suuq, hoteello iyo meelo
kale oo ay ku caweeyaan─oo waxa ay tagaan aroosyadaa la dhisayo.
Wiilbaa markaa habeen aroos tagey,
waxaynna ku ballameen gabadh ay galabta beeraha ku kulmeen, waxaynna ku kala tageen
caawa hebeloow aynnu arooska hebel ee meesha halkaas ah laga dhisayo aynu
iskugu nimaadno. Haye iyo hawraarsan.
Markey cadceeddii dhacdey ayuu
wiilkii xoolihii hore ukala xereeyey.
Markuu xoolihii kala nidaamiyey ayuu dabadeed dhawaaqey uu yidhi “
Kaalaya iga qabta waylaha aan idiinka lisee”. Hooyadii oo maqleysaa tidhi “
Waar u yara kaadi illaa waxooggaa, intuu ifku madoobaanayo?” Intuu yaabey,
illeyn waa nin ballan belo eryanasee ayuu yidhi “ Hooyo, (Intuu ifku
madoobaanayo) ma intay adduunyadu rogmanaso ayaad uga jeedaa?”, hooyaa tidhi “
Maya e miyaanad garaneyn? Waa intuu dhulku madoobaanayo”. Intuu qosley ayuu
yidhi “ Nagadaa ma sugi karannee, imikaan ka lisiye”, isaga oo hadalkii sii
wata ayuu wiil meesha fadhiyey la hadley uu ku yidhi “ Waar dhiilka soo qaad
aan xoolaha ka lisnee”. Kureygii yaraa wuu maqley hadalka oo wuu u soo qaadey.
Xeradii lo’da ayey ku horreeyeen oo ay dhexgaleen, dabadeed way ka maaleen. Wuu
ka soo baxey. Isaga oo aan geelii u galin ayuu walaalkii yimid, markaasuu ku
yidhi “ waaryaa Faaraxoow, geela ka maal, anuu waan soconayaaye”. Haye iyo
waayahay la isku yidhi. Markuu kasoo baxey ayuu ardaagii cuntada lagu karinayey
tagey, oo markaa walaashii iyo hooyadii agfadhiyaan. “Hooyo cashada I siiya”,
ayuu yidhi. Waa loo ridey kalidii inta joog caano ah iyo subag loo dhexdhigey
ayaa gacanta looga dhiibey. Bisinkii iyo waxtoona muu haleelinne illeyn waa nin
meel ku ordayee wuu bilaabay. Markuu waxooggaa cuney shuuradii kululeyd ayuu ku
gubtey! Markaasuu haddana sii wadey illaa uu ka laacey sixnigii, caanihii
yaraana uu heemiyey. Markuu dhargey ayuu aqalkii galey, intuu boorsadii soo
qaadey ayuu calalo kala soo baxey, dabadeed is ku juf dharkii. Cadar, garfeedh
iyo saliid, intuu meel ka dayday ayuu degdeg isku marmariyey. Dabadeed bax. Wuu
socdey isaga oo aan cidna sugin. Xaggaa iyo caruuskii ayuu u dhaqaaqey, wuu
socdey, illaa tuuladii arooska uu gaadhey. Markuu gaadhey ayuu gabadhii
raadiyey bal in ay timidey. Wuu raadiyey illaa uu ka quustey. Ugu danbeyna
wuxuu ogaadey in aynna iman. Markaa ayuu is yidhi aqalka labodaryaalaha iska
gal intaad lacagta bixiso, dabadeed wuu iska galey.
Comments
Post a Comment