William Shakespear





William Shakespeare, wuxuu ahaa abwaan, ciyaaryahan iyo jilaa noolaa qarnigii 16th. Wuxuu u dhashey dalka Ingiriiska. Wuxuu dhashay  April 26, 1564kii; wuxuuna ku dhashay Stratford-upon-Avon, England.

Da’diisu markay ahayd 18sano jir ayuu guursaday Marwo Anne Hathaway. Waxayna u dhashay saddex carruur ah; Susanna, iyo laba mataanood oo kala ah Hamnet iyo Judith.

Intii u dhexaysay 1585kii iyo 1592kii, wuxuu isaga oo London deggan ahaa jilaa iyo qoraa; wuxuuna qayb ka lahaa oo nin kale la lahaa shirkad ciyaareed la yidhaa ‘Lord Chamberlain's Men’─oo markii danbe magaceega loo baddelay King's Men.

Ciyaaro farabadan ayuu sameeyay, waxaa ka mid ah  la “HamletOthelloKing Lear and Macbeth’ waxaana ugu caansanaa ciyaarta la yidhaa ‘ Hamlet.’  
Intii u dhexaysay 1589 iyo 1613kii, wuxuu soo saaray shaqooyin badan.

Sannadkii 1594kii wuxuu xidhay Tiyaatarkii ciyaaraha, wuxuuna allifay oo sameeyay laba gabay oo la kala yidhaa ‘ Venus iyo Adonis.’ Laba gabay oo ashaqaarleh ayay ahaayeen, waa lala dhacay habdhacooga, waxaan dib loo daabacay Shakespear intuuna dhiman ka hor dhammaadkii noloshiisa.

Wuxuu ahaa abwaankii ugu waynaa ee dalka Ingiriiska waqtigaa, waxaana la odhan jiray “ Abwaankii Qaranka Ingiriiska ~ England's national poet.”

Waa abwaankii ay maalintii dhawayd ee Marwo Mary Harper (Tifaftiraha BBC ee Laanta Ingiriiska), Dhacumentariga Hadraawi  ka diyaarisay ay ku meteshay. Waatii qoraalka ay Hadraawi ka diyaarisay ladhkiisa ka dhigtay “ The Shakespear Of Soomali ~ Shakisbiirkii Soomaalid”─oo ay Hadraawi uga jeeddo. Islamarkaana waxa ay tilmaamaysaa halka uu Shakespear ka joogay Ingiriiiska iyo sida uu u ahaa dadkiisa iyo dalkiisa ayuu Hadraawina dadkiisa iyo dalkiisa ka yahay. Walow aan saluugay odhaahdaa, haddana waxa ay innoo jilcisay halka uu Shakespear dadkiisa ka joogo.
Wuxuu dhintay April 23, 1616kii.


Cabdirasaaq Sandheere

July 09, 2018


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?