Faallada Buugga GUULWADE

 


Hordhac

Buuggan magaciisa la yidhaahdo ‘ Guulwade: Sooyaalka iyo Saamaynta Guulwadaynta’ waxa qoray Cabdifataax Axmed Maxamed ( Qureyshi). Buuggu wuxuu soo baxay sannadkan 2021ka. Waxaa soo saartay oo faafisay madbacadda Dawaad Publisher.

Buuggu waxa uu ka koobanyahay Shan Cutub. Bogag ahaanna waa 169 bog oo A5 ah. Waxa aan isku dayi doonaa inaan buugga si kooban u guudmaro, meelaha qaar aan dhaliilo, halka aan ka bogaadin doono buugga intiisa fiican. Ugu danbayn waan soo xidhi doonaa, oo soo gunaanadi.

 

Nuxurka Buugga

 

Nuxurka guud ee buuggu ka warramayaa waa guulwadaynta. Ladhka ugu badan ee uu qaadaadhigayaa waa guulwadaynta, sooyaalkeeda, iyo waxyaabaha la xidhiidha nooca ay doonaan ba ha ahaadaane.

Qoraagu waxa uu sharraxayaa guulwadaynta.Waa maxay guulwadayntu? Sida uu qoraagu xusayo, erayga GUULWADE waxa uu ka koobanyahay laba kalmadood oo isku sidkan, labadaas eray oo kala ah ‘GUUL’ iyo ‘ WADE.’  Guul oo uu macnaheedu yahay gaadhidda hadafka iyo yool aad hiigsanaysid. Erayga kale ee ‘ WADE’ waxa uu ka yimid waditaan oo u jeedadiisu yahay horgalid ama hoggaamin. Haddaba marka labadaas eray  ee ‘Guul’ iyo ‘ Wade’ waxa ay isku noqonayaan ‘ Guulwade’ oo macnaheedu tahay kii guusha waday ama kii guusha horkacayay.

U jeeddada nidaamka guulwadayntu waa raxlaynta, ammaanta iyo buunbuuninta cid gaar ah.

Qoraagu waxa uu inyar ka xusayaa GUULWADAYAASHA CAALAMIGA AH. Inkasta oo guulwadayaasha iyo nidaamka guulwadayntu uu yahay mid aad u qadiim ah haddana waxa markii ugu horraysay si fiican loo gartay oo dunidu ku baraarugtay intii lagu guda jiray nuskii hore qarnigii labaatanaad. Waxaa magacyadooda iyo shaqadoodaba si fiican loo aqoonsaday kolkii la yagleelay nidaamka dawladnimada casriga ah, weliba si gaar ah wixii ka danbeeyay 1900 taariikhda miilaadiga ah. Waxaa soo shaacsaaray oo si wayn u hawlgeliyay kana dhigay cunsur muhiim ah keligii taliyayaasha iyo kacaannadii dhanka ka rarnaa ee dunida ka curtay qarnigii labaatanaad.

Waxa kale oo qoraagu xusay in guulwadayntu ka hirgashay oo laga aasaasay dalal badan oo dunida ah, iyaga oo magacyo iyo midabbo kaladuwan leh, balse shaqooyin kaladuwan ay ka qabtaan ama qaabka ay ugu adeegaan kuwa dhistay uu yahay mid aad isugu eeg. Guulwadayaashii hubaysnaa ee ciidanka ahaa, uguna caansanaa qarnigii labaatanaad waxaa ka mid ahaa ciidankii Schutszstaffel la odhan jiray Adoft Hitler sameeyay si ay u qumiyaan danaha xisbigii Naasiga ee Hitler madaxda ahaa. Schutszstaffel waxa ay ahaayeen ama ku bilaabmeen tiro yar oo waardiyaal ah oo si tabarruc ah ku waardiyayn jiray kulamada iyo xafladaha ( NSDAP) ku yeelan jireen magaalada Munich, maadaama ay aad u aaminsanaayeen ulana dhacsanaayeen Hitler iyo ururkaba. Waxaa loo yaqaannay kooxdaas bilowgii aasaaskooda Saal-Schutz ( Waardiyayaasha Madasha).

Qoraagu waxa kale oo uu ka warramayaa sida guulwadayntu innoo timid ka Soomaali ahaan, waxa uu sheegayaa in markii ugu horraysay ay dhulka Soomaalida timidday sannadkii 1972kii, ka dib markii xukuumaddii Maxammed Siyaad Barre hoggaaminayay ay dhallinyaro abaabulan oo lagu wanqalay magaca guulwadayaal. Kuwaas oo markii danbe isku rogay ciidankii hubaysan oo ka mid ah xoogaggii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Siyaad Barre ayaa la ammaani jiray. Xasan Guulwade oo ka mid ahaa dhallinyaradii Kacaanka horboodaysay ayaa hees u sameeyay kacaanka. Heestaasna waxa uu ahaa: Guulwade SIYAAD, Aabbihii garashada geyigoow…” Heestu waxa ay ahayd hees lagu furo kulamada, goobaha bulshadu iskugu timaaddo, Iskuullada, iyo golayaashii hannuuninta degmada.

Waqtigaas dawladda Siyaad talinaysay dad badan ayaa u guulwadayn jiray, oo u raxlayn jiray. Ninka ka mid ah dadkaas ayaa Siyaad ku odhan jiray hadalladan: “ Jaalle madaxwayne adigu waxa aad Nebiga ku matashaa magaca iyo Distoorka oo dalku wuxuu leeyahay 114 qodob oo distoor ah, halka Quraankuna yahay 114 suuradood. Xaaskaaguna waa Khadiija oo la magac ah xaaskii Nebiga NNKH.”  Hadalkaas markii uu ninkii yidhi Siyaad Barre ayaa qoslay, qosol illaa feedhuhu shanqadheen.

Qoraagu waxa uu xusayaa in guulwadayntu ayna taariikh hore iyo saamayna toona ku lahayn dhaqankii hore ee Soomaalida. Balse, guulwadayntu waa mid la kawsatay ama la bilaabantay dawladnimada casriga ah, iyo markii gumaystihii reer Yurub laga qaatay xornimadii. Dhaqankii hore ee soomaalida meel na kagamay jirin guulwadayntu manay ahayn wax la yaqaannay oo jiray.

Qoraagu waxa kale oo uu xusayaa qaar ka mid ah guulwadayaasha. Guulwadayaashaa uu soo qaadanayo waxaa ka mid ah kuwa loo yaqaanno ‘ Xoogagga Wadaniyiinta Gobolka Banaadir.’ Waxa uu ku qeexayaa inay yihiin dad tiro ahaan badan oo dawladdu u samaysay sidii ay u difaaci lahaayeen ee dhalliisha iyo god’daloolooyinka uga leexin lahaayeen. Dadkaasi waa kuwo aan shaqo guulwadayn ah qabta, oo qaarkood lacag badan ku qaataan.

Qoraagu waxa uu xusayaa qaar ka mid ah tilmaamaha iyo astaamaha lagu yaqaanno guulwadaha. Astaamahaas waxa ka mid ah:

1-     Guulwaduhu wuxuu ammaan aannu mutaysan kula duldhacaa cidda xilka haysa shakhsiyaddiisa, qoyskiisa, iyo kuwa ka agdhaw.Dhaqankaas dullinnimada ahi waa kuwa kali ah ee uu qofkaas wax kaga heli karo.

2-     Guulwaduhu waa kabaqaad aan aragti fog lahayn.

3-     Guulwaduhu wuu shakhsiyad liitaa oo ma oggola in marnaba la falanqeeyo guuldarrada cidda uu taageersanyahay la soo derista.

4-     Guulwaduhu waa shakhsi bilaa kalsooni ah oo aan aaminsanayn wixii Alle u qoray.

5-     Guulwaduhu waa mid xagjir ah, oo dadka ka aragti duwan ama qofka uu saluugsanyahay wuxuu u arkaa cadaw.

Qoraagu waxa uu xusayaa in qofku aanu muxaafid xagjir ah noqon, sida ayna u ahayn inuu noqdo mucaarad xagjir ah. Qofku marka uu wax taageersanyahay waxaa wanaagsan inuu si wanaagsan oo akhlaaq leh u taageero oo uu iska ilaaliyo nacamlaynta iyo ammaanta xad’dhaafka ah. Sidoo kale, marka uu qofku wax mucaaradayo waa inuu si wanaagsan u dhalliilo oo aanu  shakhsiyadda qofka ku mashquulin. Oo waa in mucaaradnimadiisaasi ahaataa mid wax dhisaysa.

Qoraagu waxa uu xusayaa qaar ka mid ah waqtiyadan casriga ah dadka SOOMAALIDA dhexdeeda lagu shaabbadeeyo inay yihiin GUULWADAYAAL.  Waxa ka mid ah oo aynu ka xusi karnaa:

1-     Cayayaanka Baraha Bulshada: Waa dad abaabulan oo habab kaladuwan u difaaca dhalliisha dawladda Soomaaliya. Waana dad u jeeddo kaladuwan oo qabiil iyo manfacaba u taageera. Eraygaas waxa markii koowaad Soomaalida dhexdeeda ku dhawaaqay oo maxalliyeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir. Cayayaanka Baraha Bulshadu meelo badan Caalamka way ka jiraan, meelaha ay ka jiraan waxa ka mid ah Waddamada Carabta. Oo waxa ay si aad u wayn u soo shaacbaxeen waqtiyadii ay socdeen dagaalladii gugii Carabtu sida qoraagu xusayo. Ka soomaali ahaan, waxa ay bilaabmeen sannado dhaw. Wana wax caan ah oo meelo badan ka jira. Laba qaab ayay u shaqeeyaan, labadaas qaab waxaa weeyi B) Waxaa jira hab ama qaab Tijnoolajiyadeed oo loo sameeyo dad aan jirin oo marka arrini timaaddo wax difaaca oo hab gaar ah Internetka loogu  sameeyay. T) Dad badan oo wata magacyo iyo aqoonsi aan la garan karin. Waa dad wata macacyo ay ka midyihiin Waddani Hebel, Soomaali Jecel, Waddani Jacey IWM. Waa dad abaabulan oo hal mar wax wada difaacaya oo wax soo wada dhigaya, wax caayaya…

2-     Heego: Waa dad indhala’aan ah kolba maamulka jira u difaaca. Dadkaasi waxa ay noqon karaan kuwo lacag iyo hanti ku hela, ama kuwo garasho iyo qabiil wax ku difaacaya.

Maxaan ku dhalliilayaa Buugga?

Intii aan akhriyay dhawr shey ayaan saluugay. Dhawr qodob ayaan rabaa inaan ku dhalliilo buugga:

1-     Sida Cinwaanka buugga ka muuqata qoraagu waxa uu sheegay inuu xooggasaarayo ‘ Sooyaalka iyo Saamaynta Guulwadaynta.’ Waxaa ii muuqata in aannu qoraagu aad u sii dhexgalin oo aannu ka sii warramin saamaynta ay qof ahaan, bulsho ahaan, iyo maamul ahaan ba keento guulwadayntu.

2-     Waxa aad mooddaa in qoraagu waxyaabo aan mawduuca buugga daarnayn, aadna u sii buurnayn ku mashquulay. Waxyaabahaas waxaa ka mid ahaa waxa uu ku sheegay ‘ Qayladhaan Dumar’ oo ahaa qoraal uu wiil meel ku qortay. Wax macno ah oo ay leedahay in qoraal uu hebel meel soo dhigay oo dad badan ay arkeen in uu soo qaato oo uu weliba buugga ku daro,  oo weliba cinwaan gaar ah u sameeyaa maaha wax buugga wax ku kordhinaysa. Haddii ayna buugga qiimaha mawduuca uu ka hadlayay ayna sii qiima tirin oo dheeraad ku ahaan waxba kuma soo kordhinayso. Mawduucaas iyo dhawr kale oo qoraagu buugga ku darayba Akaadami ahaan may ahayn wax buugga qabta oo uu ku daro.

3-     Dhinaca dhexgalidda mawduuca dhinnaansho kooban ayaa ka muuqda, waxaa fiicnayd in qoraagu mawduuca intan waxoogaa ka ballaadhiyo oo eesha, xumaanta iyo liitashada guulwadaynta iyo guulwadaha aad u sii dhexgalo.

4-     Meelo badan waxa aad mooddaa in qoraagu aannu xigasho sax ah u haynin, se uu ku salaynayo sida hebel sheegay. Tusaale ahaan sheekadaa ‘ Qaylodhaan Dumar’ wax xigasho ah oo uu siiyay ma jirto, mana caddayn karo inay tahay wax qof intuu meel fadhiistay iska qoray, iyo inay tahay wax xaqiiqo ah oo dhacday. Waayo, qoraagu muu caddayn sida ay u dhacday, iyo isha cidda caddayn kartaba. Wax la caddayn karo maaha. Waxaa jiro hadallo, iyo sheekooyin badan oo la sheego se aan la caddayn karin. Waxyaabaha sidaas oo kale iska sheekada ah ee aan la caddaun karina ummadda qoraal loogama dhigo oo weliba buug ahaan loogama dhigo.

5-     Dhinaca higgaadda iyo Af Soomaaliga waxa ka muuqda waxoogaa qalad ah, waxaa jirta erayo ayna sidii saxda ahaa uuna u qorin. Tusaale ahaan, sidan ayuu u qorayaa erayadan ‘ Eray-bixin, madaxwayne-nimo IWM.’ Sida loo badanyahay, xeer aan welina la qorinna sheegayaa waa sidan ‘ Eraybixin. Madaxweynenimo…’ Sidoo kale, waxaa ku jira erayo afqalaad ah oo uu inta uu sidoodii u soo qaatay sidoodii u qoray tusaale ahaan ‘ SYSTEM.’ Sidaas oo kale ayuu u soo qaadanayaa. Waxa fiicnayd in qoraagu erayadaas Af Soomaali u raadiyo, hadddii uu u waayana iyaga asalkooda Af Soomaali uun ku qoro. Dhaliil wayn maaha, se marka ay qoraal tahaywaxbadan bay yeelaysaa.

Gebagebo

 

Buuggu mawduuc qiima leh ayuu qaadaadhigayaa. Waa mawduucyada waqtiga hadda la joogo u baahan in aad looga hadlo oo la falanqeeyo. Waayo, guulwadayntu waa shaacsane waayadan danbe Soomaalida aad ugu soo badanaysa. Waa mawduuc xilligiisii yimid. Qoraaga aad baan ugu bogaadinayaa. Sidoo kale, waxa aan rejaynayaa in buugga la akhriyo.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Boorama, Awdal.

Maarij, 2021.

 

 

 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?