Gorfeynta Buugga “ Everything You Have Told Me Is True ~ Waxkastaa waa Dhab.”

 



Hordhac

Buuggan ladhkiisu waa Everything You Have Told Me Is True oo Af Soomaali ku noqon kara ‘Waxkastaa oo aad ii sheegtaa waa Dhab.” Cinwaan hoosaadkiisu waxa uu yahay “  The Many Faces of Al Shabaab ~ Wejiyada badan ee Al Shabaab.” Buugga waxa qortay Maari Haarbar, oo ah gabadh ajnebi ah. Maari, waxa ay u shaqaysaa Idaacadda BBC. Waxa ay BBC uga soo warramaysay tan iyo markii dagaalkii sokeeye qarxay sannadkii 1991kii. Waxa ay shahaadooyin Jaamacadeed ka qaadatay Jaamacadda Cambridge, iyo School Oriental and African Studies. Meelo kaladuwan ayay wax ku daabacdaa sida ‘ The Times’ iyo ‘ The Washintong.’

Arrimaha Soomaalida muddo badan ayay ka hadlaysay, oo wax ka qoraysay. Maqaallo badan ayay ka qortay. Buugta ay ka qortay waxa ka mid ah buugga “ Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong” iyo buuggan la yidhaahdo  “ Everything You Have Told Is True” oo ay Al Shabaab ka qortay, ayna soo saartay sannadkii 2019kii.

Maari Haarbar, waxa ay ku hadashaa waxna ku qortaa afafka  Ingiriisiga iyo Faransiiska. Waxa kale oo ay ku  hadashaa af Boortaqiiska iyo afka loo yaqaan Wolof oo ah af Afrikaan, inta baddanna lagaga hadlo dalka  Senegal.

Buuggani, waxa uu ka koobanyahay 250 bog. 6 qaybood ayay u qaybinaysaa. Waxa ay kaga warramaysaa  Ururka Al Shabaab, qaabka uu u shaqeeyo, wejiyadiisa badan, xeerarkiisa, habdhaqankiisa, xaaladda Soomaalida, maamullada Soomaaliya, iyo guud ahaan xogo ku saabsan Al Shabaab.

Si kooban ayaynu u dulmari, oo waxa aan isku dayi inaan nuxurka buugga idin la wadaago.

Al Shabaab

Maari, waxa ay xusaysaa inay dad badan arrintan ay wax ka qortay kala sheekaysatay, oo wax ka wayddiisay, judha horaba waxa ay hadalkeeda ku furfuratay intan “ Buuggani waa natiijadii aan helay ka dib sannado badan oo aan Wariye ka ahaa Soomaaliya. Boqollaal qof oo ururrada Islaamka ku xidhan ayaan la sheekaystay, sidoo kale waxa aan dooddo jilbaha la isku aastay la galay raxan ama xubno badan oo ka mid ah Ururka Al Shabaab…”

Waa ayo Al Shabaab?

Qaybta ugu horraysa waxa ay tilmaamo ka bixinaysaa ururka Al Shabaab. Waxa tusaale u soo qaadanaysaa qof ka mid ah ururka, waxa ay leedahay muuqaal ahaan waxa uu xidhanyahay Koofiyad madaw iyo caddaan iskugu jirta, Dhar Kaaki ahna wuu ku lebbisanyahay, Kabo Sandal ah na wuu xidhanyahay. Waxa uuna sitaa Qori.

Aaminaad ahaan waa isku mid ah oo hal caqiido ayay aaminsanyihiin. Waxa ayna ku hammiyayaan inay soo celiyaan Khaliifadii Diinta Islaamka ku jirtay. Qaar ka mid ah amiirradii ama hoggaamiyayaashii hore ee Al Shabaab waxa ay ahaayeen Ururkii AL Itixaad, ururkaasi oo Soomaaliya ka aasaasmay sannadihii 1990kii. Iyo sidoo kale Ururkii Maxaakiimta Islaamka. Ururradaas ayaa qunyar qunyar u socday, iyaga oo markii danbana sii xoogaystay markii Itoobbiya soo gashay Soomaaliya. Ugu danbayn Ururkan Al Shabaab ayaa aasaasmay, isaga oo ururradaas hore ka dabqaadanaya ayay si dadban u xusaysaa Maari.

Marka aynu sooyaalka Al Shabaab dib u jalleecno, markii ay soo ifbaxeen badhtamihii wixii ka danbeeyay 2000 waxa jiray rag socodsiiyay oo meel fiican ururka gaadhsiiyay. Raggaas waxa ka mid ahaa Xasan Daahir Aways, Aadan Xaashi Faarax Ayro, Axmed Cabdi Godane, Mukhtaar Roobow, Axmed Diiriye Abuu Xudayda, iyo Cali Maxamuud Raage ( Cali Dheere). Raggaas qaar ka mid ah qabashadooda lacag Malaayiin Doollar ah ayaa la dul dhigay oo Hay’adda Danbibaadhista Maraykan ( FBI ) ayaa raadinaysay. Hadda qaar ka mid ah waa la dilay, oo Maraykanka ayaa Duqayn Hawada ah ku dilay. Qaar ka mid ah na waa la qabtay, qaarna way isasoo dhiibeen, halka qaar kalana illaa hadda shaqeeyaan. Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee Ururka Mudane Rooboow waxa madaxiisa la duldhigay 5 Milyan oo Doollar, lacagtaas oo la siinayay cidda meel ku sheegta. Ugu danbayn Rooboow waxa uu dawladda Soomaaliya isku dhiibay Ogosto, 2017kii, ka dib markii laga qaaday hoggaankii Al Shabaab. Waxa dib loo xidhay Oktoobar 2018kii, ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo Madaxtinnimada Maamul-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Tilmaamaha Al Shabaab

Si kooban tilmaamaha Al Shabaab leedahay waxa ka mid ah:

1-      Caqiido: Caqiido yaa midaysa. Dhammaantood waxa ay aaminsanyihiin, una dagallaan oo dirir iyo dadaal ba geliyaan inay soo celiyaan Khaliifadii Islaamka. Hammigooda taas ayaa ka mid ah.

2-    Waddanninimo: Waa waddaniyiin, oo waddanninimadaa miday. Waxa ay u halgamaan inay shisheeyaha dalka ka saaraan. Markii ugu horraysay waxyaabihii ay saaxadda ku soo galeen waxa ka mid ahaa inay rabeen inay dalka ka saaraan Itoobiyaankii dalka soo galay.

3-     Kooxo is urursaday: Marar badan waxa lagu doodaa in Al Shabaab ay keentay qaacidada ( 4.5). Dad gaar ah oo ah kuwa la takooro, kuwa la yaso, iyo kuwo kale oo badan ayaa isku urursaday.

4-    Lacag: Ciidamada Soomaalidu ka dib marka ay ka cawdaan saboolnimo daran iyo waxla’aan waxa ay ku biiraan ururkaas ayay leedahay Maari. Sidoo kale, dhallinyarada bilaa shaqada ah, waayo Soomaaliya saddex meelood laba meelood dadka ku nooli waa bilaa shaqo.

 

Carruurta iyo Dumarka

Qaybta xigta waxa ay Maari cinwaan uga dhigtay ‘ Carruurta iyo dumarka.’ Waxa ay kaga warramaysaa in carruurta iyo dumarku u nugulyihiin ku biirridda Al Shabaab. Maari, waxa ay leedahay dumarku waa dhibbanaha aan loo ogayn ee colaadaha, tobannaan sano ayay door muhiim ah ku lahaayeen qaadhaan ururinta, abaabulidda dagaalyahannada, dawaynta dhaawaca, sirdoonka, IWM. Sidoo kale, Maari waxa ay leedahay markii Cilmibaadhis hore loo sameeyay aan eego dumarka Soomaalidu waxa ay door muhiim ah ku lahaayeen colaaddii iyo nabad samayntii Soomaalida. Xilliyada dagaallada dumarku ragga ayay guubaabiyaan oo buraanbur iyo heeso ayay tirayaan, sidaas si la mid ah xilliga nabadda qayb wayn ayay ka yihiin.

Carruur badan ayaa dhibbane u ah Al Shabaab. Carruurtu marka ay yaryaryihiin waxkasta way u nugulyiin. Maari waxa ay xusaysaa in carruur badan ku dhalatay, kuna barbaartay meelaha ay Al Shabaab xukunto. Kuwaasi inta badan waxa ay qaataan fekradaha iyo aragtiyaha Al Shabaab. Muqaallo badan oo la faafiyay ayay carruurta ku sheegeen inay fekradaha Al Shabaab qaateen. Qoraa Maari waxa ay si gaar ah u xusaysaa in Al Shabaab leedahay dugsiyo manhajkooda lagu dhigo. Waxaynta intaa ku sii daraysaa in maddarasadahooda lagu dhigo maaddooyinka ay ka midka yihiin: Xisaabta, Taariikhda, Juqraafiga, Soomaaliga, Carabiga, Xadiiska, Fiqiga IWM. Maaddooyinkaasina dhammaantood waxa ay ku baxaan luuqadda Af Carabiga.

Al Shabaab marka ay rabto inay qof disho fursad ayay raadisaa. Maari, waxa ay asxaabtayda qaarkood ayaa ii sheegay in marka Al Shabaab ay doonayso inay cid disho way badhtilmaameedsataa. Habkan oo kale ayaa la isticmaalay Bishii Ogosto sannadkii 2007dii. Aroornimadii 11kii Ogosto wiil dhallinyaro ah oo caana ayaa ka hadlayay Warbaahinta Horn Afriik, Mahad Axmed Cilmi ayaa afar xabbadood lagaga dhuftay madaxiisa oo lagu dilay, Mahadna shaqada ayuu u socday oo dariiqa ayuu marayay. Maamulihiisii shaqada Mudane Cali Iimaan Sharmaake oo intii uuna Soomaaliya ku soo noqon ka hor ku noolaa dalka Kanada, oo dalka wuxuu ugu soo laabtay si uu u hirgeliyo warbaahin wayn oo madaxbannaan; isla galabtaaba waa la dilay oo waa la aasay. Isaga oo gurigiisa ku socda ayaa gaadhigiisa loogu xidhay qarax, sidaas ayuuna ku dhintay. Waxa jira dhacdooyinka badan oo noocaas oo kale ah oo ku saabsan gummaadka ay Al Shabaab ku hayso dadka, Maari si wanaagsan ayay u xusaysaa.

Maadaama deegaanno badan oo Miyiga ah dadku guurguuraan, waxa ay meelo badan dhibaato ku haysa Al Shabaab. Dadku marka ay guuraan waxa macquula inay tagaan meel ay Al Shabaab ka taliso, markaas waxa ay ku qasbanyihiin inay fekradaha Al Shabaab taageeraan oo qaataan.

Marar badan Al Shabaab dadka waxa ay ku ciqaabaan ama ku shirqoolaan bilaa sabab. Maari, waxa ay soo gudbinaysaa sheeko. Waxa ay leedahay Cabdi oo ay Xasan saaxiibbo ahaayeen waxa uu ii sheegay in Al Shabaab dadka ay ciqaabaan ay ciqaabaan xilliga ay doonaan, xataa bilaa sabab ayay dadka qaar u ciqaabaan. Cabdi, waxa uu yidhi: “ Habeen habeennada ka mid ah ayay Al Shabaab  I istaajisay, waxa ayna iga codsadeen inaan afkayga kala qaado. Waxa ay ii sheegeen inay yihiin kuwa Qaadka baadha oo ay hubinayaan inaan Qaad ruugayo iyo in kale; inkasta oo aanan waxba afka ku haysan, haddana waxa ay igu qasbeen inaan dhulka jiifsado. Mid ka mid ah raggii Qaadka iga baadhayay ayaa ii sheegay inayna dhawr maalmood qofna dilin, wuxuuna yidhi ‘ kan ma dilnaa?’ dabadeedna waxa ay I geeyeen qol yar oo cidhiidhi ah, halkii ayaan maalmo joogay. Jimcihii iyo Khamiistii ayaan sugayay oo aan inta badan uga bartay inay dadka ciqaabaan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa ii yimid oo qolkaygii iigu soo galay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Al Shabaab. Wuxuu ii sheegay inaan iska baxo oo Qaadkana iska daayo, wuxuuna iigu hanjabay haddii uu igu arko aniga oo Qaadka cunaya inuu I dili doono oo shakhsiyan qudha igaga goyn doono.”

Goobaha lagu kulmo

Qoraa Maari waxa ay xusaysaa in Al Shabaab dadka ku gummaado meelaha ay iskugu yimaaddaan, iyo goobaha ay ku kulmaan. Marka magaalooyinka la joogo Majlisyadaugu badan ee ay dadka Soomaalidu ku kulmaan waxa ka mid ah Hudheellada, Garoomada lagu ciyaaro, Makhaayadaha, xafladaha IWM. Hudheellada dadku way ku sheekaystaan, oo shaaha iyo cuntooyinka fudfudud ayay  ka dalbadaan. In badan bay Al Shabaab beegsatay hudheellada oo dad badan ku laysay. Sidoo kale, meelaha dadka ugu badan iskugu yimaaddaan waxa ka mid  ah garoomada kubbadda lagu ciyaaro, dhallinyaro badan ayaa garoomada ku ciyaarta, dad badanna way u daawasho tagaan. Waa meelaha ay eegato Al Shabaab.

Al Shabaab qofka iyagu ay rabaan haddii ay waayaan waxa ay raadsadaan cid ehelkiisa ah oo u dhaw, sida walaalkii, walaashii, hooyadii, aabbihii, carruurtiisa IWM. Tusaale ahaan, haddii uu qof canbaareeyo ama wax ka sheego waxa ay toos ugu tagaan qofkaas ehelkiisa, waxayna si cad ugu sheegaan in qofkaasi waxaa uu joojiyo, oo way u digaan, haddii u joojin waayo waxa ay ku hanjabaan inay dili doonaan, haddii ay isaga waayaan oo qofku meel dheer joogana ehelkiisa ayay ka jari doonaan. Tusaalayaal badan oo arrimahaas ku saabsan ayay Maari xusaysaa.

Al Shabaab iyo Shisheeyaha

Marka laga duulayo fekradda Al Shabaab, waxa ay u aasaasantahay inay Diinta difaacdo, shisheeyaha dalka imanaya ee kala duwanna la dirirto. Soomaaliya waxa yimaadda shisheeye kaladuwan. Shisheeyahaasi meelaha ugu badan ee ay ka yimaaddaan waxa ka mid ah waddamada Turkiga, Yurub, Maraykanka, Itoobbiya, IWM. Shisheeyahaasi waxa ay u badanyihiin kuwo dano kaladuwan dalka u jooga: Qaar baa u jooga inay dawladda la shaqeeyaan, qaar baa u jooga gargaar iyo Bini’aadannimo, qaar kale ayaa shaqaale ka ah, kuwo kale ayaa arrimo basaasnimo u jooga, iyo qaar ba si. Al Shabaab waxa ay u aragtaa in dano kale ku lammaanyihiin oo kuwo badan u yimaaddaan inay gaalnimo dadka ku faafiyaan. Dagaal adag ayay la galaan cidkasta oo shisheeye ah.

Shisheeyaha qaar badan oo ka mid ahi waxa ay dalka keeneen Hay’ado inta badan ka shaqeeya bini’aadannima, gargaarka, dimuqraaddiyadda, siyaasadda, iyo dawlad wanaaga. Inta badan dadka goobahaas kaladuwan ka hawgalaa way ogsoonyihiin meelaha halista ah ee lagu gumaadi karo, iyo meelaha ammaanka ah. Naftooda aad ayay u ilaaliyaan. Caddaankasta oo dalka yimaaddaana ammaankiisa xil ayuu iska saaraa oo ciidan badan iyo cudud badan ayuu samaystaa. Haddaba inta badan sida ay xusayso Maari waxa jirta goobo inta badan dadkaasi degaan oo aad loo ilaaliyo. Goobaha ay degaan waxa ka mid ah hudheellada. Hudheellada ay degaan waa kuwo amni ahaan aad loo ilaaliyo. Marka Muqdisho laga hadlayo sida Maari xusayso hudheellada aad ka loo dego waxa ka mid ah Hudheelka Al Jazeera. Inkasta oo hudheellada laftooda marar badan qaraxyadu ka dhacaan, haddana amnigoodu meelaha kale uu dhaamaa, waana la isku aamini karaa.

Madaxda Dawladda iyo Al Shabaab

 

Madaxda dawladda, xildhibaannada, wasiirrada, iyo shaqaalaha xilalka sarsare ka haya dawladdu waa kuwo Al Shabaab il gaar ah ku eegto. Inta badan dadkaasi waxa ay degaan goobo amnigoodu suganyahay oo aad loo ilaaliyo. Marka qofku dawladda xil ka qabto amnigiisa xil buu iska saaraa, sida shacabka caadiga ah na maaha. Dabaqyo askar badan ilaaliso ayay qaar badan degaan. Qaar kale hudheello aad amnihooda loo sugay ayay muddo badan degganaadaan, lacagta ku baxda hudheellada dadkaas laga kireeyay aad bay u badantahay ayay leedahay Maari. Waayo, hudheellada ayaa ah kuwo la isku hallayn karo. Madax badan oo dawladda ah ayay Al Shabaab gumaaday oo dishay.

Marar kale waxa ay Maari yara farafaraynaysaa dhulka Soomaalida gaar ahaan dawladda Soomaaliya, waxayna xusaysaa in dadka Soomaalida aannu agtooda dhiiggu waxba ka ahayn, iyada oo isbarbardhigaysa Ingiriiska iyo Soomaaliya hadalladeeda waxa ka mid ah: “ UK agtooda noloshu waa ka qaali oo qiimo ayay leedahay, dhammaana waa la qaddariyaa nafta. Balse, Soomaaliya naftu waxba kama aha, way jabantahay, oo waa raqiis.”

Gebagebo

 

Ururka Al Shabaab waxa uu leeyahay magacyo badan, magacyada uu leeyahay waxa ka mid ah “ Xarakatu Al Shabaab Al Mujaahidiin, Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed.” Waa urur dad badan laayay. Dhibaatooyin badan oo aan xad lahayn ayay dadka Soomaaliyeed badan.

Qoraa Maari si qurux badan ayay buugga ugaga warrantay xogta Al Shabaab, inkasta oo wax ka dhimanyihiin haddana wuxuun bay ka taraysaa oo innaga kordhinaysaa xogta dadkaas laga hayo. In la akhriyo, oo naqdin iyo faallaba laga qoro waan ku talinayaa.

 Muuqaal ahaan halkan ka daawo: Buugga 62; Gugii 3: Faallada " Buugga “ Everything You Have Told Me Is True."~ Mary Harper - YouTube

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Boorama, Soomaalilaan.

25 Diisanbar, 2021.

 

 

 

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?