Safaaradda Talyaaniga ee dalka Sucuudiga oo bilowday olole ay kor ugu qaadayso halkudhegga dalkaas oo ah “ Made in Italy."

 


Sida uu qoray Wargeyska Arab News Safaaaradda Talyaaniga ee ku taalla caasimadda Riyaad ee Sucuudiga ayaa bilowday dhaqdhaqaaq ama olole ay kor ugu qaadayso waxsoosaarkeeda. Iyada oo taas ka duulaysa ayay ololahan bilowday. Ololaha waxa bilowday oo qorshaheeda lahayd wasaaradda Arrimaha Debadda dalka Talyaaniga iyada oo kaashanaysa Rugta Ganacsiga Talyaaniga; waxaana si rasmiya loo daahfuray 29 Noofanbar, 2021. Waxaana warbaahinta dunida ka horjeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda Mudane Luigi Di Maio. Luigi isaga oo ka hadlaya sababta ay ololahan u bilaabeen waxa uu yidhi: “ U jeeddada aannu ka leennahay astaantani waxa weeyi in aan dunida u sharraxno waxa aan nahay, innaga oo ka bilaabayna waxa aannu qaayasoorka metela ama sawraca uu Talyaanigu leeyahay. Sababta ugu wayna waa inay na ogaadaan kuwa qurbaha ku nool ama aan na aqoon in ay na bartaan; sidoo kale waa inay ogaadaan waxsoosaarkayaga ama waxa aannu soo saarno iyo waxa aan qaban karno.”

Wejiga labaad ee ololaha waxa uu noqon doonaa bisha Maarij illaa Bisha Ogosto ee sannadka soo socda sida uu Safiirku xusay, waxaana markaas diiradda lagu saari doonaa in kor loogu sii qaado oo weliba dhinaca warbaahinta laga sii dhiso ama laga buunbuuniyo shirkadaha waawayn sii iibiya waxsoosaarka Talyaaniga ee ku summadaysan “ Made in Italy~ Waxa lagu farsameeyay Talyaaniga.”

 Safiirka Talyaaniga u fadhiya Sucuudigu isaga oo ka hadlaya waxa ololahani soo kordhin karo waxa uu yidhi: “ Ololahani waxa uu caawin doonaa shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe ee Talyaaniga ah, wuxuuna ka caawinayaa in si wanaagsan looga barto Sacuudi Carabiya.”

Hal’abuurkan cusub wuxuu noqday mid caalami ah, oo fagaarayaasha dunida ayaa lagaga hadlaa sida Talyaanigu yahay, sawraciisa, xrifadihiisa, iyo awooddiisa aan innaba caadiga ahayn. Sidoo kale, waxa aad loo taageeray shirkadaha badeecadaha ee Talyaaniga.

Ololahani waxa uu kor u qaadi karaa summadda ( Brand) ka waxsoosaarka Talyaaniga. Oo waxa uu indhaha dunida ku soo jeedinayaa Talyaaniga.

Dalka Talyaanigu waxa uu sannadkii 2020ka Sucuudiga u dhoofiyay alaab qiimaheedu gaadhayo 3.2 Bilyan oo Yuuro; halka uu dalkaas ka soo dhoofsaday alaab qiimaheedu gaadhayo  2.9 Bilyan oo Yuuro.

 

W/Q: Arab News.

Habayn: Cabdirisaaq Sandheere

20 Diisanbar, 2021.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?