Cisa Binu Cabdisalaan: Suldaankii Culimada iyo Haldoorkii Gobta



Wuxuu ka mid ahaa dadka jaadgooniga ah ee dhif iyo naadirka ah. Wuxuu ahaa nin aragti toosan, oo mawqif sugan leh. Wuxuu ku hubaysnaa wacyi iyo fahan. Marka uu aragti  dhiibanayo halkeeda ayuu dhigi jiray farriinta, wuuna sugi jiray farriinta waxkasta oo ay arrintaasi ku kellifto. Aqoontu kamay mashquulin jirin inuu dulmiga diido, oo uu hoggaamiyayaasha mucaarado halgan adegna la galo, iyo inuu cadawga la dagaallamo. Balse, waxaas oo dhani waxa ay ka mid ahaayeen shaqooyinkiisa iyo waxa uu qabto, oo sooyaalkiisa waxa aad ku arki caddaalad, iyo xorriyadda waqtigan laga ordo, oo isaguu si badhaxtiran oo hadal iyo ficil ba leh u gutay. Waxaa agtiisa buuxi jiray shaqaalaha Madaxda oo ka mid ahaa dadka wax ka barta ee waqtigooga agtiisa ku qaata.

Ninka aynu ka warramaynaa waa Cabdicasiis Binu Cabdislaan Abii Qaasim Ibnu Xasan Ibnu Muxammed Ibnu Muhaddab As Salmiyi, oo asal ahaan ka soo jeeday dalka Morooko, kuna dhashay Dimishiq, dabadeed degganaa oo u guuray Masar. Kuna dhintay Masar. Mad’hab ahaan waxa uu ahaa Shaaficiya. Wuxuu ahaa Imaam Faqiih ah, caalim ah, ka dhiidhiya Dulmiga iyo xadgudubka, oo madaxda iyo boqorradu way ka cabsan jireen Cisa Binu Cabdisalaan.

Dhalashadiisii, Barbaarintiisii iyo Aqoontiisii

Imaam Cisa Binu Cabdisalaan, wuxuu ku dhashay magaalada Dimishiq Sannadkii 1181kii Miilaadiga, waafaqsan 577kii Hijrada. Magaaladaas ayuu ku noolaa, wuxuuna caan ku ahaa Dacwadda iyo Fiqiga. Wuxuu la barbaaray qoys ehlu Diin ah, danyar ahna oo aan lahayn sharaf, madaxnimo, mansab, iyo aqoon toona. Imaam Cisa Aabbihii wuxuu ahaa odey aad u sabool ah. Markii Imaam Cisa gaashaanqaadka noqday Aabbihii ayuu ka caawin jiray shaqooyinka calculus qaarkood sida xaaqidda waddooyinka, iyo nadiifinta wajahaadada hore ee Ganacsiyada tujaarta. Markii Aabbihii geeriyooday ma helin cid soo dhawaysa, wuxuu u tagay Sheekhii waynaa ee la odhan jiray Fakhrudiin Ibnu Casaakir, si uu ugala shaqeeyo  shaqooyinka laga qabanayo Masaajidkii jaamic Al Umawi, wuxuuna ka caawin jiray shaqooyinka yaryar sida hawlaha nadaafadda. Habeen habeennada ka mid ah ayuu Cisa Binu Cabdisalaan seexday mid ka mid ah Saawiyadda Masaajidka. Isaga oo duruufta sidaa u adag ku sugan Cisa Binu Cabdisalaan ma awoodin inuu aqoonta yaraan ku barto. Wuxuu si halqaltaag ah u fiirfiirin jiray xalqadaha cilmiga lagu baranayo ee Masaajidka ka socda marka uu Masjidka ka shaqaynayo. Wuxuu tamanniyi jiray ( jeclaan jiray) inuu ardeydaa aqoonta baranaysa ka mid noqdo illaa Ibnu Casaakir u ballanqaaday waxbarashada, oo uu amray in la baro akhriska, qoraalka iyo Quraanka. Cisi Binu Cabdisalaan, wuxuu kutubtii iyo waxbarashadii ku qaabilay jaceyl iyo farxad badan. Wuxuu isku dayay inuu ka dabatago oo buuxiyo wixii cashirro ah ee hore u dhaafay, illaa Ibnu Casaakir u soo gaadhsiiyay heerkiisii. Ibnu Casaakir wuxuu u so gaday dhar cusub oo wanaagsan Cisa Binu Cabdisalaan si uu ugaga qaybqaato dhigashada cashirrada iyo xaadiridda xalqadaha.

Cisa Binu Cabdisalaan, wuxuu ardey u noqday Culimadii waqtigaas ugu waawaynayd. Qaar ka mid ahi waa kuwan: Wuxuu cashirradiisa xaadiray Sheekhii waynaa ee Abal Xasan Axmed Al Mawaasiinii, iyo Al Khushuuci. Wuxuu wax ka dhegaystay Cabdilladiif Ibnu Ismaaciil Suufi, Qaasim Ibnu Casaakir, Ibnu Dabrasdi, Al Xanbal Al Mukabbar, Ibnu Kharastaanii, iyo kuwa la mid ah. Wuxuu madarasaddooda ka soo qalinjebiyay Damyaadii oo Afartan Xadiis ka bartay, iyo Imaan Fakhrudiin Ibnu Casaakir oo fiqiga baray.

Manhajkii Cisa Binu Cabdisalaan

Manhajka Cisa Binu Cabdisalaan, wuxuu xooggasaaray oo aad u baadhay arrimaha la xidhiidha caqliga si looga soo dhanbalo Axkaamta, looguna garto waxa danta ah ( masaalixda). Wuxuu u arkayay haddii aan axkaamta laga dheegan kitaabta Quraanka, Sunnada, Ijmaaca, iyo Qiyaaska inay waajibtahay in la fiiriyo waxa maslaxadi ku jirto, fasahaadkana lagaga hortagi karayo; caqliguna wuxuu ka midyahay waxa ugu wanaagsan ee wax lagala soo dhexbaro ( lagu kala garto). Imaam Cisa Binu Cabdisalaan, wuxuu ahaa aqoonyahan dhab ah, wuxuuna soo dhaafay heerka ah in culimadu cashir uun bixiyaan, hadal jeediyaan, ardaydana wax baraan, wuxuuna u gudbay inay ka qayb qaataan hagaajinta nolosha guud iyaga o gacmaha ula tagay oo wixii wacan bogaadinaya, wixii qaldanna saxaya- shegygaasi haba ka yimaaddo hoggaamiye e.

Buugtii uu qoray Cisa Binu Cabdisalaan iyo hadallada ay Culimadu ka yidhaahdeen

Raad aad u badan ayuu Cisa Binu Cabdisalaan kaga tagay Culuumta Tafsiirka, Quraanka, Axaadiista, Caqiidada, Usuulu Fiqiga, Suhdiga IWM. Kutubta uu qoray waxaa ka mid ah Tafsiirka, Al Fataawa Al Majmuuca, Al Aamaalii, Al Fataawa Al Muusiliya, Al Majaas Fil Quraan, Mukhtasar Ar Ricaaya, Al Qaayatu An Nihaya, Al Qawaacida Islaamka, Qawaacidda waawayn ee Furuucda Shaaficiga, Al Qawacid Suqraa…”

Hadallada ay Culimadu ka yidhaahdeen Cisi Binu Cabdisalaan waxa ka mid ah:Suyuudi, wuxuu Cisi Binu Cabdisalaan ka yidhi hadalkan: “ Wuxuu ahaa sheekh caalim ah, oo Islaamku lahaa. Wuxuu ahaa xalaalmiirte, iyo saahid. Wuxuu ahaa qof dadka wanaaga fara, xumaantana ka reeba.” 

Imaam Nawawi, wuxuu ka yidhi hadalkan: “ Cisi Ibnu Cabdisaaan wuxuu ahaa sheekh Imaam ah oo dadka kulmiya oo dadku hoggaankiisa, iyo waynaantiisa ku soo hirtaan. Wuxuu dhexgalay noocyada kaladuwan ee aqoonta.”

Ibnu Daqiiq Al Ciid, waxa uu isna ka yidhi intan: “Ibnu Cabdisalaan, wuxuu ahaa mid ka mid ah Salaadiintii Culimada.”

Taaju Sabaki, waxa uu isna ka yidhi intan: “ Sheekh Cisi Ibnu Cabdisalaan, wuxuu ka mid ahaa Shuyuukhdii Islaamka iyo Muslimiinta. Wuxuuna ahaa mid ka mid ah Imaamyadii aqoonta lahaa. Wuxuu ahaa Suldaankii Culimada, Imaam Casrigiisii ah, wuxuu ahaa hoggaanka Wanaagfarista, iyo xumaan Reebista waqtigiisii, wuxuu yaqaannay xaqiiqooyinka Shareecada, wuuna dhex quusay, maqaasidda iyo ujeeddooyinkoodana wuu garanayay.”

Mawaaqiftiisii iyo Halgankiisii

Cisi Binu Cabdisalaan, waqtigii uu dhallinyarada ahaa wuxuu la kulmay duruuf siyaasadeed oo adag. Wuxuu ahaa waqtigii ay daciiftay dawladdii Cabbaasiyiintu, waxaana yimid iska hor imaadyo gudaha ah, waxaana qabsaday Saliibiyiintii. Waqtigaas ay jireen duruufta adag, dad badan oo aqoon lehi waxa ay doorbideen inay xaqa ka aamusaan. Haddaba Cisi wuu hadlay, markii uu badhtanka Cisi u galay dhibaatooyinkaas badan ee hordhaca ah, wuxuu ku dadaalay inuu xaqa sheego oo jidka Alle halgamo, isaga oo aan Alle mooyee cidkale ka cabsanayn.

Mawqifyada uu dhibaatooyinka ka istaagay Cisi Binu Cadisalaan waxa ay ku soo aroortayKutubta, sooyaalkuna wuu ka warramay oo ilaaliyay. Wuxuu sameeyay dhiirranaan iyo geesinnimo badan. Mawaaqiftaas uu qaatay waxa ay ku keentay in lagu magacaabo Suldaankii Culimada, inkasta oo ay arrintaasi ka cadhaysiisay boqorradii meesha joogay ee kaliya jeclaa culimada u guulwadaysa. Mawaaqifta ugu cadcad ee sababay in boqorradii ama hoggaamiyayaashii waqtigaasi u cadhooda Cisa ku naceen, dadka intooda badanna ku jeclaadeen waxa ka mid ahaa:

 1-  Xaddididda Boqornimada Wanaagsan

Maalmihii uu madaxnimada hayay Cimaad Diin Ismaaciil, Cisi wuxuu maamulayay masjidkii waynaa ee Jaamaca Banii Ummaya ee Dimishiq. Waqti yar ka dib Boqor Saalax walaalkii oo la odhan jiray Boqor Najmu Diin Ayuub oo waqtigaas Masar xukumayay. Walaalkii wuxuu rabay inuu madaxnimada kala wareego. Ninkii wuxuu talada u qabtay Saliibiyiinti, wuxuuna siiyay dhufayskii Safda iyo Saqiif, wuxuuna u oggolaaday inay galaan Dimishiq, si ay uga soo iibsadaan hub, cunto iyo wixii ay u baahanyihiiina uga soo sahay qaataan.

Cisi ayaa arrintaas gaashaanka u daruuray oo diiday. Minbarkii ayuu fuulay, dadkii ayuu si adag ugu khudbadeeyay, wuxuuna sheegay xaaraantinnimada ay leedahay in hub laga iibiyo Faranjiga. Hadalladii ugu danbeeyay khudbaddiisu waxa ay ahaayeen: “ Alloow ummadda hanuuni, Alloow ciddii ku addeecda sharaf, oo dullee kuwa ku caasiya.” Dabadeed Minbarkii ayuu ka degay oo hoggaamiyihii ayuu wanaag ugu tagay, balse boqorkii ayaa diiday soojeedintii Sheekh, wuuna xidhay sheekhii Cisa Binu Cabdisalaan. Markii arrintii ay taasi saamaysay, jeelkii ayuu ka soo saaray, wuxuuna ku amray inuu ka fogaado khudbadaha uu Masaajidka wayn ka akhriyayo, oo aan lagu arki karin inuu  masaajid  danbe khudbad ka akhriyi karin.

2- Inuu Madaxda isku dhiibo wuxuu ka doorbidi jiray in la xidho

Saalax Ismaaciil, wuxuu u jeedsaday dhinaca Masar isaga oo ilaalinaya Ciidamada Saliibiyiinta si uu Saalax ula dagaallamo Najmudiin Ayuub. Wuxuuna amray in Cisa Binu Cabdisalaan uu ka soo qaybgalo dagaallanka. Dabadeed,wuxuu Cisa u diray cid la gorgortanta xil in loo ballanqaadayna u sheegtay, iyada oo lagula shuruutamayo inuu la soo laabto waa uu haysto ama sito. Sheekhii ayaa yidhi: “ Miskiinoow, ma oggolaanayo in uu gacmahayga dhunkado aniga oo doorbidaya in aan gacantiisa dhunkado. Tolkay’yoow, idinkuna tog baad ku sugantihiin, anna tog ama waadi gaar ah ayaan ku socdaa ( Idinkuna meel baad ka fekeraysaan, anna meel kale).  Waxaa mahadsan Allihi iga caafiyay waxa uu idinka idinku imtixaannay.”  Waxaa loogu jawaabay: “ Wuxuu I amray in aannu ku xidhno haddii aanad yeelin waxa aannu kaa rabnay.” Sheekhii baa ku yidhi: “ Sameeya waxa idin la qummanaada.” Sheekhii Cisa Binu Cabdisalaan waa la qabtay waana la xidhay, waxaa lagu xidhay meel u dhaw oo deris la ah guriga hoggaamiyaha. Sheekhu Quraanka ayuu iska akhrisan jiray, hoggaamiyuhuna wuu maqli jiray oo dhegaysan jiray. Jeelkii ayuu Cisa Binu Cabdisalaan ku sii jiray illaa Faranji la jebiyay. Dabadeed waxyar ka dib wuxuu tagay Masar.

Cisa wuxuu ahaa (Kii Addoomaha iibiyay) .

Cisa Binu Cabdisalaan, Masar ayuu soo gaadhay sannadkii 639kii Hijrada. Wuxuu Saalax boqornimada ku bogaadiyay Najmudiin Ayuub. Wuxuu Najmudiin qaybta garsoorka u dhiibay Cisa Binu Cabdisalaan. Wixii ugu horreeyay ee Cisa Binu Cabdisalaan uu milicsadaa waxa ay ahayd inuu is hor istaago amarradii boqorrada. Waxa ay ahaayeen boqorro ku mamay soo iibsashada, gadidda, lacag jaceylka, iyo inay guursadaan hablaha xorta ah. Cisa waxa uu kaga hortagay waxa ay ahayd wuxuu fiirinayay aragtida uu Sharciga Islaamku ka qabo. Halka ay asal ahaan ahaayeen addoomo aan xaq u lahayn waxa ay xaq u leeyihiin xortu.

Wuu u diiday baamacmushtariga, way ka cabteen oo waxa ay uga dacwoodeen boqor Saalax  oo markii horaba aad ula yaabay fatwooyinka uu soo saaray Cisa Binu Cabdisalaan. Boqorkii wuxuu Cisa Binu Cabdisalaan amray inuu caddaalad ka sameeyo Fatwadiisa. Uma hoggaansamin amarkiisii, balse wuxuu boqorkii ka dalbay inuuna ka soo faragelin wixii la xidhiidha garsoorka. Arrimahaasi may ahayn arrimihii hoggaamiyaha. Hoggaamiyihii wuxuu yidhi kalmado uu Cisa Binu Cabdisalaan u fahmay inuu u jeedo arrintan waxba kaama khuseeyaan. Cisa Binu Cabdisalaan, wuu iska casilay arrintii garsoorka ee uu hayay, wuxuu isku urursaday alaabtii iyo wixii u yaallay gurigiisa, wuxuuna soo iibsaday laba naaf ( laba neef oo ah kuwii gaadiid ahaanta loo isticmaali jiray) mid wuxuu saaray alaabtiisii, tii kalana wuxuu fuushiiyay xaaskiisii iyo carruurtiisii, dabadeed wuu dhaqaaqay isaga oo u sii jeeda dhinacaas iyo dhulka Shaam.

4- Cisa Wuxuu diiday Cashuurtii Saboolka laga qaadi jiray

Markii boqor Sayfudiin Qudus uu yimid Masar waxaa bilaabantay khatartii Tataar. Wararkoodiina way faafeen, Cisa Binu Cabdisalaan wuxuu isku dayay inuu ka baxsato hoggaamiyaha, wuxuuna u tagay Tataarkii. Markii boqor Sayfudiin Qudus amray in la ururiyo dhammaan xoolaha ay leeyihiin shicibku si dagaalka loogu galo, wuxuu  Cisa isku taagay inuu iska caabbiyo ninkaas, wuxuuna dalbay in aanu dadka shicibka waxba ka qaadi karin illaa uu horta soo faaruqiyo waxa baytulmaalka yaalla. Markii hoggaamiyayaashii iyo tujaarta kuwii ugu waa waynaa ay hantidoodii iyo dahabkoodii soo ururiyeen  si ay ula sinmaanta dadka kale. Mar haddii aan xoolahan loo diyaarin in dagaal lagu galo waxaa boqorkii lagu qasbay inuu dadka ka daayo arrinta. Isna boqor Sayfudiin Qudus xukunkii wuu ka laabtay oo wuu laalay. Muslimiintii waxa ay u soo baxeen si ay u galaan dagaalkii ‘ Caynu Jaaluud’ wayna guuleysteen.

Dhimashadii Cisa Binu Cabdisalaan

Cisa Binu Cabdisalaan, wuxuu sii watay aqoontii uu baranayay, bulshada dhexdeedana haybad buu ku lahaa oo dadku aad ayay u jeclaayeen. Ugu danbayn waxa uu geeriyooday sannadkii 1262kii Miilaadiga oo ku beegnayd 660kii Hijrada. Waqtigaas uu geeriyooday da’diisu waxa ay ahayd 83 sano. Waxa la soo weriyaa in markii boqor Baibars ay gaadhay dhimashada Cisa, in uu boqorku yidhi: “ Haddii boqornimadayd ay waqtigeedii hal saac ka dhimantahay, oo dadka oo Cisa arrin amro, amarkiisa ay si dhakhso ah ugu dhaqaaqayaan oo u fulinayaan’- macne ahaan haddii Cisa dadka amro inay aniga xukunka iga ridaan, amarkiisa ayay fulinayaan si degdeg ah.

 

W/Q: Dr. Cali Salaabi

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?